MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A-YE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Taliska Dhexe ee Ciidamadda Marayka ee CENTCOM uu galabnimadii maanta oo Arbaca ah(8/1/25)-ka uu weerar dhinaca cirka uu ka fuliyey qeybo ka mid ah dalka Yeman ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta. Weerarada ayaa lala beegsaday laba xarumood oo ey ku jiraan Hub dhulka hoostiisa ah kuna yaalo goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta. Goobahaan la duqeeyey ayey Xuutiyiintu u adeegsan jireen weeraro ka dhan ah Maraakiibta Dagaalka ee Ciidamadda badda ee dalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Ma jiraan wax dhaawac ah ama waxyeelo soo gaartay shaqaale iyo qalabka Maraykanka. Taliska Dhexe ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsanaayo Xuutiyiinta Yeman ey qeyb ka yihiin dadaalka ey CENTCOM ey ku dooneyso iney hoos u dhigto isku dayga ey Iraan ku taageereyso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman si ey ugu hanjabaan saaxibada Maraykanka ee Gobolka iyo Maraakiibta Mileteriga iyo kuwa ganacsiga ee Gobolka. Dhinaca kale,Ilo wareedyo Maxali ah ayaa sheegay in 11-weerar oo dhinaca cirka ah lala beegsaday goobo ey ka mid yihiin AL-Dugma’a ee degaanka Du Shahwaan ee degmada Xar-Sufyaan ee Waqooyiga Gobolka Camraan,waxaane la rumeysan yahay in la beegsaday bakhaaro hub ah oo ey leeyihiin Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegatay in laba weerar lala beegsaday goobo ku yaalo degaanka Jarbaan ee degmada Sanxaan Gobolka Sanca oo Koonfur bari ka xigta magaaladda Caasimadda ah ee Sanca. Weerarada maanta lagu qaaday goobo ey leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka kala dhacay degaano hoos taga Goboladda Sanca iyo Camraan oo dhammaantooda dhaca Waqooyiga dalka Yeman.
ISHA-WAKAALADO.
SALDANADA CUMAAN OO AQBASHAY 11-MAXBUUS OO YEME.
(SAWIRKA)-C/SALAAM AL-XALIILAH. SIRDOON HORE OO YEMANI AH.
(PENTAGON)-Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqday in 11-Maxbuus oo Yemeniyiin ah laga soo wareejinaayo Xabsiga caanka ah Guwantanamo Bay loona wareejinayo Saldanada Cumaan,iyadoo tirada Maxaabiista ku hartay Xabsiga Guwantanamo Bay laga dhigay ilaa 15-Qofood kaliya. War Saxaafadeed ka soo baxay Ciidamadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu bogaadinaayo diyaargarawga Saldanada Cumaan iyo Saaxibadda kale ee mandiqadda ee Maraykanka ku taageeraayo sidii hoos loogu dhigi lahaa tirada Maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwantanamo Bay iyo in la doonayo in gebi ahaanba la soo xiro. Sida laga soo xigtay hadallo hore ey soo saareen saraakiisha Maraykanka Maxaabiista ayaa la qorsheynaayey in la wareejiyo Oktoobar-2023-kii laaknise weerarkii Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii iyo dagaalkii xigay ee u dhexeeyey Isra’iil iyo xamaas ayaa horseeday in dib loo dhigao hanaanka wareejinta Maxaabiista,waxaane xusd mudan in lix ka mid ah 11-Maxbuus ee Yemeniyiinta ah aan weli wax dembi ah lagu heyn,halka seddex kale la sii daayey kal hore. Raga la sii daayey ayaa waxaa ka mid ah kuwa xirnaay 23-sano iyo sarkaal sare oo ka tirsanaay Sirdoonka dalka Yeman isla maraasne ahaa Ganacsade lana yiraahdo C/salaam AL-Xiilah.
ISHA-AO.
DALKA LUBNAAN OO MUSAFURINAYO C/RAXMAN AL-QARADAAWI.
(SAWIRKA)-C/RAXMAN AL-QARADAWI.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimada Lubnaan ayaa sheegaayo in Xukuumadda Lubnaan lagu wado iney dalka Imaaraatka Carabta u gacan geliso wiil uu dhalay Wadaadka Caanka ee geeriyooday kana tirsanaay Ikhwaanka dalka Masar Sheekh Yuusuf AL-Qaradawi ka dib markii Golaha Wasiiradda ee ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan ey Talaadada maanta ah Ansixiyeen talaabadaasi,sida uu sheegay Xafiiska Reysal Wasaaraha dalka Lunbaan Miqati. C/raxmaan AL-Qaradawi,oo ah Gabyaa u dhashay dalka Masar isla markaasne haysta dhalashadda dalka Turkiga ayaa lagu xiray dalka Lubnaan taariikhdu markeey ahayd 28-kii bishii hore ee Disembar-2024-kii ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Suriya sida uu sheegay Qareenkiisa Maxamed Sabluux iyo Hayadda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International. Xariga C/raxmaan AL-Qaradawi ayaa ah mid daba socdo hadallo dhaleeceyn ah oo uu C/raxmaan kaga hadlay dalalka Imaaraatka Carabt,Sacuudiga iyo Masuuliyiin reer Masar ah muuqaal uu soo dhigay Internet-ka,wadamada Imaaraatka iyo Masar,labadooda ayaa dalka Lubnaan u gudbiyey codsiyo C/raxmaan loogu soo gacan gelinaayo. Arrintaan ayaa waxaa ka hadashay ku xigeenka Madax Hayadda Xuquuqul insaanka ee Amnesty International ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika Sara Hashash,waxa eyna dalka Lubnaan ka codsatay inuu joojiyo tarxiilka C/raxmaan AL-Qaradawi ee daka Imaaraatka carabta,sidoo kale,waxaa isna ka hadlay Qareenka C/raxmaan waxa uuna sheegay inuu ku sameyn doono is hortaag. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Wadamadda Masar iyo Imaaraatka Carabta ayaa weli kama hadli arrintaan ka taagan dalka Lubnaan.
ISHA-AJ.
XUUTIYIINTA OO CABSI SOO WAJAHDAY.
(SAWIRKA)-HOGAANKA SIRDOONKA XUUTIYIINDALKA YEMAN.
(SANA’A-YE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey soo wajahday Cabsi aad u weyn taaso kaga imaaneysa dhinaca Isra’iil,waxaane la sheegayaa in Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta loo baadi goobaayo dal ey kaga badbaadaan weerarad ey fuliyaan diyaaradaha dagaalka Isra’iil. Waxaane jiro in ilo wareedyo dhinaca Amniga oo la hadlay Wargeysaka AL-Ceyn iney sheegeen in Kooxda Xuutiyiinta ey qaateen Go’aan ah iney Madaxdooda kala soo baxaan wadamadda dibadda ka ah dalka Yeman ka dib markii uu dhacay kulan looga hadlaayey dhinaca Amniga. Sida laga soo xigtay ilo Xog-Ogaal ah shir ey kooxda Xuutiyiinta ku yeesheen caasimadda Sanca kaaso looga hadlaayey weerarada Isra’iil,Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu taliyey iney lagama maarmaan tahay in Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta ee degan dalalka Ciraaq iyo Iraan loo wareejiyo wadan seddexaad ka dibne dalka Yeman,cabsi awgeed,waayo Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD ayey u yihiin bartilmaammeed. Sida laga soo xigtay ilo wareedka,Xuutiyiinta ayaa kula taliyey Madaxdooda iney u dhaqaaqaan dawlado Gobolka ah kuwaaso horay u martigeliyey Hogaamiyeyaasha Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo Amaanka ee Xuutiyiinta kuwaaso ka fog weeradadda Isra’iil,isagoo xusay iney sidoo kale fareen ineysan Sanca ka safrin iyagoo raacayo duulimaad caadi ah inta u dhexeyso dalalka Yeman iyo Urdun.
ISHA-A AY.
MACLUUL KU SOO FOOL LEH SUUDAAN.
(SAWIRKA)-SUUDAAN.
(SUDAN)-Dalka Suudaan, In ka badan 30-Milyan oo qofood kuwaaso in ka badan kala bar ey yihiin Caruur ayaa u baahan gargaar deg deg ah ka dib markii dagaal labaatan bilood ah uu ka socday dalka sidaas waxaa sheegtay Qaramadac Midoobe. Qaramada Midoobe ayaa ku baaqday in loo baahan yahay dhaqaale dhan ilaa $4.2-Bilyan si loo quudiyo dad gaaraayo ilaa 20.9-Milyan oo qof gudaha dalka Suudaan oo ka kooban 30.4-milyan oo qof kuwaaso u baahan in lala gaaro kaalmo Bani’adanim sida ey sheegtay Qaramada Midoobe waxay ugu yeertay “Xasarado Bani’adanimo oo aan hore loo arag”. Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay in ka badan sideed Milyana waxa ey u barakaceen gudaha dalka Suudaan,kuwaaso marka lagu daro 2.7-Milyan oo dalka ka barakacay dagaalka ka hore, dagaalka ayaa bilawday bishii Abriil-2023-kii,arrintaan ayaa dalka Suudaan ka dhigtay inuu yahay kan ey ka jirto Barakaca ugu weyn Adduunka. 3.3-Milyan oo qof oo kale oo reer Suudaan ah ayaa ka gudbaya Xuduuda iyagoo ka baxsanaayo dagaalka dalka Suudaan taaso ka dhigan in, in ka badan rubuc ka mid ah dadkii wadaankaasi ku noolaa dagaalka ka hor oo lagu qiyaasay ku dhawaad 50-Milyan hadda xidida loo siibay. Macluul ayaa horay looga dhawaaqay shan goobood oo ku yaalo dalka Suudaan waxaane la filayaa iney ka dhacdo shan goobood oo kale marka la gaaro Bisha Meey-2025-ka,iyadoo 8.1-Milyanoo qof ey hadda qarka u saaran yihiin macluul baahsan. Dawladda Suudaan ey maamulaan Ciidamadda ayaa iska diiday oo beenisay in dalka Macluul ey ka jirto,halka Hayadaha gargaarka ey ka cabanayaan in gelitaanka dalka Suudaan ey xanibeen caqabado dhanka shaqada ah iyo rabshado socdo,kooxaha isku haayo dagaalka dalka Suudaan ayaa lagu eedeeyey iney Gaajada u adeegsadaan Hub dagaal.
ISHA-BN.
ISKA HORIMAAD KA DHACAY XUDUUDA LUBNAAN IYO SUR..
(SAWIRKA)-XUDUUDA U DHEXEYSO LUBNAAN IYO SURIYA.
(BEIRUT)-Ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu iska horimaad hubeysan uu ka dhacay xadka labada dal ee Lubnaan iyo Suriya,iska horimaadka ayaa u dhexeeyey Ciidamadda Amaanka dalka Lubnaan iyo qaar ka mid ah Mintidiinta Suriya ayey Waaxda Hawlgalada Mileteri ee Suriya gurmad dheeraad ah u dirtay halka uu ka dhacay iska horimaadka. Wariye ka tirsan Tv-ga laga leeyahay dalka Sacuudiga ee AL-Carabiya ayaa soo sheegay maanta oo Sabti ah in Gaadiid dagaal oo dheeraad ah iyo askar ka tirsan Hayadaha Amniga la soo dhoobay xuduudka gaar ahaan meel u dhaw magaalooyinka Sargaaya iyo Macrabuun oo ka soo horjeeda Gobolka Baalbek ee Bariga dalka Lubnaan,Video la daawaday ayaa muujinaayo in Ciidamado fara badan la soo dhoobay Xadka dhinaca xiga Suriya. Shalay oo Jimca ahayd degaanka Maaraboun-Baalbek ee ku yaalo xuduuda dalka Suriya ee Bariga dalka Lubnaan waxaa ka dhacay iska horimaad dhexmaray Ciidamadda dalka Lubnaan iyo kooxo hubeysan ka dib markii ey lala beegsadeen hub dhexdhexaad ah cutub ka tirsan Ciidamadda mileteriga dalka Lubnaan,waxa eyna taasi sababtay inuu dhaawac fudud soo gaaro afar akseri,sidoo kale,waxaa la diiwangeliyey dhaawacyada intii uu socday iska horimaadka u dhexeeye Ciidamadda iyo maleeshiyaad Suriya ee degaanka Sargaaya ee xuduuda bari ee dalka Lubnaan,ilo dhanka Amaanka ah kana tirsan Ciidamadda Lubnaan ayaa xaqiijiyey in taliska Ciidamadu awoodi kari waayey inuu ogaado cidda ey yihiin dableyda hubeysan. Dhankiisa,Axmed Sharac oo ah Hogaamiyaha Maamulka Cusub ee dalka Suriya iyo Hogaamiyaha Xayat Taxriir AL-shaam ayaa carabka ku adkeeyey mar uu shalay khadka kula hadlaayey Madaxa Xukuumadda ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan Najiib Mikati,in hayadaha ey khuseyso iney sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo soo celiyo xasiloonida xuduuda loogana hortago iney soo noqnoqdaan wixii dhacay,waxaa xusid mudan in xuduuda labada dal ee Lubnaan iyo Suriya ey maraan wadooyin fara badan oo sharci darra ah kuwaaso ey sameysteen dadka Tahriibiya Badeecadaha,Hubka iyo sidoo kale Daroogada.
ISHA-AA.
LUBNAAN IYO IRAAN OO FOOD IS DARAY,MAXAA DHACAY?
(SAWIRKA)-GAROONKA CAALAMIGA AH E BEYRUUT.
(BEIRUT)-Dalka Lubnaan waxa uu ka mid yahay wadamada Carbeed ee deriska la ah Isra’iil,waxaane dhib aad u xoogan ku haayey Ururka Xizbullahi ey taageerto Iraan kaaso dagaal toos ah kula jiray Isra’iil iyo Xukuumadda Lubnaan siyaasad ahaan,hadda Ururka Xizbullahi awoodiisii waa la wiiqay oo sidii hore ma aha,waxaane dalka Lubnaan gudihiisa yaraatay jecaylkii loo haayey dalka Iraan,hadaba maxaa dhacay? Waxaa weli socdo raadadkii ka dhashay xiisadda diyaada rayid ah lagana leeyahay dalka Iraan laguna baaray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut iyadoo uu la socday Diblomaasi reer Iraan ah kaaso diiday in la baaro Boorsadiisa, waxaane arrinkaan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Lubnaan Bassaam Mawlawi oo sheegay Jimcaha maanta ah in qof kasta oo ka soo dega Garoonka Diyaaradaha Caalmiga ah ee Beyruut la marsiin doono baaritaan,arrintaan ayey Iraaniyiintu diideen. Safiirka dalka Iraan u fadhiya Beyruut Mujtabi Amaani ayaa carabkiisa ku adkeeyey in boorasda uu watay Diblomaasiga reer Iraan uuna kaga tegin Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut laga soo saaray garoonka iyadoo aan la baarin, waxa uuna sheegay in talaabadda ey qaadeen masuuliyiinta Lubnaan iney ka dhalatay ka warqab la’aan,sida uu hadalka u dhigay Safiir Iraan ee Beyruut, waxa uu intaas raaciyey in arrinta la saxay ka dib markii dawaladda Iraan ey ku wargelisay dawladda Lubnaan,sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyey mid ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah. Arrintaan ayaa imaaneysa ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Lubnaan Bassam Mawlawi uu TV-ga AL-Carabiya u sheegay in qof kasta oo soo mara Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut xataa haddii uu yahay Diblomaasi la baraayo Boorsadiisa,waxa uuna shaaciyey Wasiir Bassam in lacag iyo Dukumintiyo ey leedahay Safaaradda Iraan ee Beyruut laga dhex helay Boorsada uu watay Diblomaasiga reer Iraan,diblomaasiga reer Iraan ayaa ka tirsan shaqaalaha Safaaradda Iraan ee Beyruut waxa uuna ku adkeystay inaan la feteshin Boorsadiisa laakinse Hayadaha Amniga Garoonka Beyruut ayaa ku adkeystay iney furaan oo ey feteshaan Boorsada sidoo kalane in la fetesho dadka kale ee ka yimid dalka Iraan boorsooyinkooda,arrintaan ayaa ah mid dheceyso markii labaad muddo Todobaad ah,waxaane dhacday in masulliyiinta labada dal iska warsadaan xaaladda taagan waayo Xukuumadda Lubnaan ayaa ka shakisan in dhaqaale ku socdo Ururka Xizbullahi yahay waxa boorsada ku jira. Ka dib markii la feteshay Boorsadii ayaa waxaa loogu tegay lacag Mushaar ahaan loogu talagalay shaqaalaha Safaaradda Iraan ee Beyruut iyo Dukumintiyo la sheegay iney ka socdeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan.
ISHA-AA.
BOOLISKA TALYAANIGA OO TOOGTAY WIIL…
(SAWIRKA)-BOOLISKA TALYAANIGA.
(ITALY)-Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in Boolisku ey toogteen wiil 18-jir ah oo u dhashay dalka Masar ka dib markii uu afar qof ku dhaawacay magaaladda RIMINI. Waxaa la sheegay in nikaan dhallinyarada ah una dhashay dalka Masar uu afar qofood ku tooreeyey wado ku taalo magaaladda RIMINI,waxaane markiiba ka daba tegay ciidamadda Booliska Talyaaniga oo toogtay ka dibne dilay wiilkii reer Masar,iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday Isbitaalka. Sida ey soo tebisay warbaahinta dalka Talyaaniga,ninkaan dhallinyarada ah ee u dhashay dalka Masar ayaa ku handaday Mindida lagu isticmaalo Guryaha dadk maraayey wadad VILLA VERROCCHIO,waxa uuna Tooreey ku dhaawacay afar qof oo ey ku jiraan oday da’a ah iyo gabar yar, waxaane weli socda baaritaano lagu ogaanaayo sababta ka dambaysa falkaan. Todobaadyo ka hor magaaladda Milano ee dalka Talyaaniga waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshada wato oo u dhexeeyey Booliska Talyaaniga iyo dadka soo galootiga ah oo u badnaay Masaari, ka dib markii la dilay wiil dhallinyara ah oo u dhashay dalka Masar laguna magaacbi jiray Ramy AL-Jamal,kaaso ka cararay Hayadaha Amniga Talyaaniga waqti ey ku guda jireen hawlgal Amni. Sida ey sheegeen dad goobjoogayaal ah xiiligaasi waxaa bilawday dibadbaxyo iyo iska horimaadyo dhexmaray ciidanka Booliska iyo qaar ka mid ah dadka soo galootiga ah kuna sugan magaaladda Milano ee dalka Talyaaniga.
ISHA-AA.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…
(SAWIRKA)-BRADLEY T.SMITH.
(WASHINGTON)-Talaadada maanta ah,Marayanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay laba Hayadood oo ku kala sugan gudaha wadamadda Iraan iyo Ruushka,kuwaaso ku eedeysan iney isku dayeen iney farageliyaan Doorashada dalka Maraykanka ee dhacday 2024-ka,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waaxda Maaliyadda ee dalka Maryaknka Bayaan ey soo saartay ku sheegtay in labada Hayadood oo ah Shirkado xiriir la leh iIaaladda Kacaanka ee dalka Iraan iyo Urur xiriir la leh Sirdoonka Mileteriga Ruushka kuwaaso ey ujeedadoodu ahayd iney kiciyaan xiisadda bulsho iyo mid siyaasadeed eyna saameyn ku yeeshaan cod bixiyeyaasha Maraykanka doorashaddi dhacday Noofembar-2024-ka. Wasaaradu waxa ey sheegtay in Xarunta Naqshadeynta ee soo saarta aqqonsiyada ee ilaaladda kacaanka Iraan ey qorsheyneysay iney saameyn ku yeelato hawlaha ilaa ugu yaraan sannadkii 2023-kii,sida ey daabacday Xarunta khibrada Juqaraafiga ee Moosko waxay sidoo kale daabacday macluumaad marin habaabin ah oo ku saabsan Musharixiinta u tartamayo doorashada waxa eyna tilmaantay eyna taageertay diyaarin been abuur ah. Wasaaradu waxa ey intaas raacisay in Xarunta Khibrada ey sidoo kale wax ka bedeshay muuqaaladda,”si ey ugu eedeyso Musharaxa jagada Madaxweyne ku Xigeenka sannadka-2024-ka si aan sal lahayn”. Wasaaradu ma eysan cayimin Musharaxa la beegsanaayo kan uu yahay. Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday Dimuqaraadiga Kamala Harris,waxaane loo doortay Madaxweynaha Maraykanka bishii Nofemabr-2024-ka,waxa uuna dib ugu laabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ka dib markii laga guuleystay doorashadii 2020-kii. Ku-Simaha Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadeed Bradly Smith,ayaa bayaanka ku sheegay “Dawladaha Iraan iyo Ruushka waxa ey beegsadeen habraacyada doorashada iyo hayadahooda,waxayne doonaayeen iney dalka Maraykanka u kala qeybiyaan shacabka Maraykanka inta lagu guda jiray ololaha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka iyagoo sameeyey Ololeyaal been abuur ah. Waxa uu intaas ku dara Bradly Smith “Maraykanku waxa uu sii ahaan doonaa mid ka feejigan cadawgiisa ka shaqeynaaya iney wiiqaan Dimuqaraadiyadeeyna?.
ISHA-AA.
XAMAAS IYO ISRA’IIL OO ISKU MARI LA’A HESHIIS.
(SAWIRKA)-LA HAYSTAYAASH REER ISRAEL.
(TEL AVIV)-Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay Talaadada maanta ah in Xamaas ey codsatay xabad joojin muddo todobaad ah si ey u diyaariyaan liiska magacyada Maxaabiista nool ey codsatay Isra’iil. Maamulka ayaa xaqiijiyey in marka loO fiiriyo soo jeedinta Xarakadda Xamaas wax Maxaabiis ah lama sii deyn doono todobaadka soo socdo,ciidanka Isra’iilna ey sii joogi doonaan Marinka Gaza,dadkii ka barakacay Gaza kuma soo laaban doonaan guryahooda. Sida ku cad soo jeedinta Xamaas, wareejinta liiska loo baahan yahay ayey Xamaas gudbin doontaa maalinta afaraad ee xabad joojinta. Ilaha warbaahinta Isra’iil ayaa mar sii horeysay ka hadlay qodobada la isku haayo kuna saabsan wejiga koowaad ee heshiiskii sii xumaanaya ee Gaza, kaaso dhexdhexaadiyeyaashu ey raadinayaan in la soo gabgabeeyo bilo. Hayadda warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay in Xamaas ey qeyb ahaan diiday liiska Maxaabiista ey Isra’iil ku adkeysaneyso in la sii daayo inta lagu guda jiro wejiga koowaad ee heshiiska kasta oo xabad joojin ah. Sida laga soo xigtay maamulka,oo soo xiganaya ilo Falastiiniyiin ah oo aan la magacaabin,Xamaas ayaa diyaar u ah iney sii deyso 22 ka mid ah 34-Maxbuus ee ku jira liiska,laakin waxay diiday iney ogolaato sii deynta 12-kale oo la haystayaal ah. Taas bedelkeeda,ayey warbixintu sheegtay in Xamaas ey soo bandhigtay 22 Maxbuus oo nool iyo 12-Meyd ah inta lagu guda jiro wejiga koowaad ee heshiiska. Warbixintu waxa ey intaas raacisay in Isra’iil ey diiday fikradaas oo ey ku adkeysatay in 34-Maxbuus oo nool la sii daayo inta lagu gda jiro wejiga koowaad ee sii deynta Maxaabiista iyo heshiiska xabad joojinta.
ISHA-AA.
KOOXIHII RIDAY BASHAAR AYAA BILAABAY WADA…
(SAWIRKA)-AXMED AL-SHARA’AC.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ayaa sheegaayo in Hogaamiyaha Maamulka Cusub ee Suriya Axmed AL-Shara’ac ayaa Isniintii la kulmay wafdi ka socday xoogaga Dimuqaraadiga ah ee Suriya(SDF),Garabka Mileteri ee Maamulka Kurdiyiinta,sida uu sarkaal aqoon u leh kulanka u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press Talaadada maanta ah. Hogaamiye Axmed AL-Shara’ac ayaa xusay in wada hadaladda ey ahaayeen kuwa aad u wanaagsan. Wada hadaladaan ayaa ah kuwii ugu horeeyey uu Hogaamiye AL-shara’ac la yeesho Hogaamiyeyaasha Kurdiyiinta tan iyo markii Xukunka laga tuuray Madaxweyne Bashaar AL-Asad horaantii bishaan Diseembar-2024-ka, wada hadaladaan ayaa ku soo beegmaayo xilli ey dagaalo ku dhexmarayaan Kurdiyiinta iyo kooxa hubeysan ey taageerto dawladda Turkiga Waqooyiga dalka Suriya. Sarkaalka ayaa sheegay isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin in shirkaan uu ahaa kulan hordhac ah oo dhidibadda loogu aasaayo wada hadaladda mustaqbaka,waxa uuna intaas raaciyey in la sii wado kulamadda si loo gaaro isfaham mustaqbalka. Iyadoo ey barbar socoto Hayadda Taxriir AL_shaam iyo kooxaha daacadda u ah ayaa 27-kii bishii Nofembar-2024-ka weerar lama filaan ah ka fuliyey magaaladda ey ku xoogan yihiin ee Waqooyi-Galbeed Suriya taaso ugu dambeyntii u suurtagelisay iney la wareegto maamulka Xukuumadda Dimishiq,kooxaha daacada u ah Ankara ayaa bilaabay weeraro ka dhan ah Xukuumadda Dimishiq. Ciidamadda Kurdiyiinta waxa ey qabsadeen aaga Taal Rafcat iyo magaaladda Membigj. Xoogaga Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga Suriya ayaa weli gacanta ku hayo degaano badan oo ka tirsan Waqooyi-Bari Suriya iyo qeyb ka mid ah Gobolka Deer AL-Zuur ee bariga Suriya,gaar ahaan daanta bari ee wabiga Furaat. Degaanadaan ayaa waxaa ka jira ismaamul ey aas-aaseen Kurdiyiinta bilawgii dagaalada ka socdo dalka Suriya ka dib markii ciidamad Dawladda ey isaga bexeen qeybo badan oo ka mid ah.
ISHA-AA.
LUBNAAN: WIILKA SH.AL-QARADAWI OO LA MAXKAMA…
(SAWIRKA)-C/RAXMAN SH,YUSUF AL-QARADAWI.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Dacwad oogaha guud ee dalka Lubnaan Garsoore Jamaal AL-Xijaar uu daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo la xiriirta xariga C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi oo ah wiil uu dhalay daacigii Ikhwaanka dalka Masar ee geeriyooday Sheekh Yusuf AL-Qaradawi. Garsoore Jamaal Xijaar ayaa sheegay in wiilka uu dhalay AL-Qaradawi lagu xiray dalka Lubnaan,iyadoo la tix raacaayo warbixintii INTERPOL ey soo saartay Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Wadamadda Carabta,iyadoo loo cuskaday xukun ku dhcaay isaga oo maqan eyna soo saareen Garsoorka dal Masar,waxaane C/raxmaan lagu eedeeyey inuu galay dembiyo la xiriira baahinta warar been abuur ah iyo hurin colaadeed,Argagixisanimo iyo bayaan uu siiyey Waragayska caanka ah ee AL-Sharq AL-Awsat. Waxaa kaloo uu intaas raciyey Dacwad ooge Jamaal inuu berri oo Isniin ah uu wiil Sheekh Yuusf AL-Qaradawi lagu wareejin doono Hayaddaha Amniga guud ee Lubnaan si su’aalo sharciga waafaqsan loo weydiiyo,taaso muujineysa in dalka Masar yahay wadankii soo saaray xukunkiisa eyna dalka Lubnaan ka codsan doonto in loo soo gacangeliyo C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi. Codsiga Masar ee C/raxmaan ayaa ah mid u baahan daraasad lagu sameeyo si dhiibistiisa ey noqonto mid waafaqsan sharciga,Ururka Ikhwaan AL-Muslimiin ee dalka Masar ayaa wada olole balaaran oo aad u xoogan kana dhan ah dawladda iyo maamulka Lubnaan si ey ugu khasbaan iney sii daaayaan C/raxmaan AL-Qaradawi. Sida ey sheegayaan warar hodhaca ah ey heshay warbaahinta,xariga maamulka Lubnaan ee wiilka AL-Qaradawi ayaa ka soo horjeedo in magaciisa uu ku soo baxo Ogaysiiska Cas ee Caalamiga ah ee Interpol, maadaam ey masuuliyiinta reer Masar ku raad joogaan laguna helay dembiyo badan,waxaane lagu xukumay xabsi gudaha daka Masar isagoo lagu soo eedeeyey baahinta warar been abuur ah iyo hurin colaadeed iyo Argagixisonimo. Sida wararka la helay ey sheegayaan wiilk Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa dalka Lubnaan ka soo galay dhinaca dalka Suriya isagoo wata Baasaboor Turki ah,waxaane socdo cadaadis ey kooxda Ikhwaan saareyso dalka Turkiga si uu u soo farageliyo arrinta C/raxmaan AL-Qaradawi loona sii daayo maadaam uu yahay mawaadin Turki ah. Ururka Ikhwanka oo ey hogaaminayaan Ururka Caalamiga ah ee Culimadda Muslimiinta oo uu Aas Aasay Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa weerar ba’an ku qaaday dawladda Lubnaan,iyagoo sida ey sheegayaan ku sifeeyey hab dhaqankii ey ku xireen wiilka AL-Qaradawi inuu yahay mid masuuliyad darra ah eyna u arkeen inuu yahay mid aan waxba ka jiri. Ku xadgudubka bareerka ah ee ka dhanka ah qiyamka anshaxa iyo bani’adanimada iyo halbeega cadaaladda,sida ey ku qeexeen. Wiilka uu dhalay Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa booqasho deg deg ah ku tegay magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq ee dalka Suriya,waxa uuna halkaasi kaga qeybgalay xuska kacaanka Suriya oo uu ugu hambalyeeyey shacabka Suriya. C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa sii daayey Muuqaal looga soo dubay dalka Suriya xilli uu ku guda jiray dabaal degga Kacaanka Suriya,isagoo aflagaadeeyey dalka Masar xukuumadiisa iyo dalal badan oo Khaliijka ah. Video-ga C/raxmaan ayaa dhaliyey falcelin carro leh,iyadoo dadka u dhaqdhaqaaqa iyo kuwa isticmaala baraha bulshada oo ey ku jiraan kuwa u dhaqdhaqaaqa dalka Suriya ey ku baaqeen in la xiro C/raxmaan lana soo taago Maxkamad iyagoo ka soo horjeeda Gefkiisa.
ISHA-AA.
SUURIYIINTA IYO FALASTIINIYIINTA OO LOO DIIDAY INEY…
(SAWIRKA)-CALANKA DALKA MASAR.
(QAHIRA)-Ilo wareedyo maxali ah ayaa shaaca ka qaaday in go’aan ka soo baxay Xukuumadda Masar uu sheegaayo in Falastiiniyiinta ka imaanaayo dalka Suriya iyo afar dawladood oo kale oo Carab ah in laga mamnuucay iney soo galaan dalka Masar. Ilo wareedyada ayaa warbaahinta dalalka Carabta u xaqiijiyey in dawladda Masar ey qaadatay go’aan ey kaga hortegayso Falastiiniyiinta ka imaaneyso wadamadda Sudaan,Libiya,Ciraaq iyo Yeman ineysan soo geli karin dalka Masar ilaa amar dambe. Maalmo ka hor masuuliyiinta Masar waxay qaateen go’aan la mid ah midka ey hadda qaateen waxa eyna dalkooda ka mamnuuceen dadka u dhashay Suriya ee haysta dhalashada dalalka Yurub,Maraykanka iyo Kanada iyagoo aan helin ogolaansho Amni. Ilo wareedyadaan ayaa warbaahinta Carabta u sharaxay in go’aankan ey ka mid yihiin in la joojiyo dadka Suriyiinta ah ee haysta Fiisaha Schengen iney galaan dalka Masar,sidoo kalane ey ka mid tahay in laga hortago soo gelitaan Suuriyiinta haddii ey yihiin hal qof ama xaas uu qabo nin ama naag Masri ah iyado aan la siin ogolaansho Amni. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ku dhawaaqday taageerada masar ey siineyso dawladda Suriya,Ixtiraamka,Midnimada Madax-banaanideeda,iyo Wadajirka Dhuleed iyo Xoojinta isku xirka dhinacyada Gobolka iyo Caalamka iyadoo ujeedadu tahay in la taageero Suriya. Masar waxa ey sidoo kale dib u cusbooneysiisay taageeradeeda shacabka Suriya sidii ey dib ugu dhisan lahaayeen dalkooda iyo Hayadaha Dawladda iyagoo u maraayo jidka Siyaasad dhammaystiran ey hogaamineyso Suriya eyna ka qeybgelayaan dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay shacabka Suriya isla markaasne damaanad qaadaayo Xuquuqdooda.
ISHA-AA.
HOGAAMIYIHII URURKA XIZBULLAHI EE SURIYA OO…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYE WEYN OO LAGU DILAY SURIYA.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah in Shujaac AL-Cali oo Suriyaan ah lagu dilay rasaas ey fureen rag hubeysan intii uu socday iska horimaad u dhexeeyey xubno ka tirsan Waaxda Hawlgaladda Mileteri ee Suriya tuulada Khirbah AL-Xamaam oo ku taalo baadiyaha Galbeed ee Xumus. Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Shujaac AL-Cali uu ka mid ahaay Hogaamiyeyaasha Nidaamka Bashaar AL-Asad lana dilay habeenimadii Khamiista,laguna dilay tuulada Balqasaha ee ka tirsan Xumus,ka dib markii ey isku dheceen xubno ka tirsan Waaxda Hawlgaladda Mileteri ee Suriya. Shujaac AL-Cali wuxuu masuul ka ahaa dilal badan iyo afduubyo loo geystay dad rayid ah oo u dhashay dalalka Lubnaan iyo Suriya si uu Madax furasho uga qaato,sida ey sheegeyso xog la helay Shujaac AL-Cali ayaa hgaaminaayey Maleeshiyo ka kooban ilaa 400-xubnood kuwaaso ka soo jeeda Tuulada Balqasaha oo ka tirsan Baadiyaha Xumus. Ka hor inta uusan dhicin taliskii Bashaar ayey kooxdaan hubeysan ee uu hogaamiyo Shujaac AL-Cali waxa ey qafaasheen ilaa 15-ruux oo Suriyiin ah oo ey ku jiraan dhallinyaro ka soo jeeda Suweyda xilli ey ka soo bexeen magaaladda Xumus kuna sii jeedeen dalka Lubnaan. Tuulada Balqasah ee ku taalo baadiyaha Galbeed ee Xumus ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshada wata oo u dhexeeyo ciidamada Waaxda Hawlgaladda Mileteri iyo kooxaha Nidaamka Bashaar AL-Asad ee uu hogaaminaayey Shujaac AL-Cali ka hor inta uusan geeriyoon,waxaane xusid mudan in Shujaac AL-Cali uu hogaaminaayey koox gacan saar la leh Hayadaha Amaanka ee taliskii hore ee Suriya,halka warar kale ey tilmaamayaan in Shujaac AL-Cali uu ahaa hogaamiyaha kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Ururka Xizbullahi ey taageerto dawaladda Iraan hadane laga soo sifeeyey dalka Lubnaan.
ISHA-AA.
DALKA SURIYA OO LAGU GUBAY DAROOGA KABT…
(SAWIRKA)-KANIINIGA KABTAAGON
(DIMISHIQ)-Maamulka cusub ee dalka Suriya ayaa gubay Daroogo aad u badan oo ey ku jiraan ilaa hal milyan oo ah Kaniiniga Captagon oo si weyn loo soo saaray xiligii uu xukunka haayey Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad,sida ey sheegeen laba iloa amni Arbacada maanta ah. Ilo wareedyo ka tirsan Waaxda Amaanka Dadweynaha ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya “Ciidanka Amaanka ee xiriirka la leh Dawaladda Cusub ee Suriya waxay heleen Bakhaar ey ku jiraan Maandooriyeyaal xilli ey hawlgal ey ka wadeen magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq gaar ahaan gudaha fagaaraha Amaanka ee degaanka Kafra-Suus. Sida ka muuqata sawiro laga soo qaaday Daroogada Captagon oo la gubay si gebi ahaanba looga takhaluso,sida uu xaqiijiyey afhayeenka hawlgalada Mileteriga ee Suriya in weli ey socdaan dadaalo lagu doonaayo in laga takhalusi darooga. Sawir qaade ka tirsan Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegay in ciidamada Amaanka Suriya iney dab qabadsiiyeen Daroogada Xashiishka,Sanaadiiq daroogada Traaamadoolka ah iyo konton boorso oo kuwa yar yara ah eyna ku jiraan Daroogada Captagon-ka nuuca Guduudan. Kaniiniga Kabtaagon waxaa loo yaqaanaa inuu yahay Kaniini Darooga ah isla markaasne kiciye ah,waxa uuna leeyahay Naaneys Gobolka Bariga dhexe caan ka ah taaso ah”KOKAAYINKA SABOOLKA”,waxa uuna Bashaar AL-Asad ka soo xareeyey dhaqaale dhan ilaa shan bilyan oo doolar($5-Bilyan) sannadkiiba. Kaniiniga Captagon ey soo saarto Suriya ayaa sababay in dalka Suriya loogu yeero Xukuumadii Captagon,waxa eyna Suriya gaartay 80% in Captagon-keeda inuu gaaro gobolka Bariga dhexe,tusaale ahaan dalka Urdun waxaa soo galay 65-miyan oo Captagon ah sannadkii 2022-kii kuwaaso ka wada yimid dalka Suriya.
ISHA-AA.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY ISRA’IIL MARKII 5-AAD.
(SAWIRKA)-WEERARKII XUUTIYIINTA EE ISRAEL.
(SANA’A-YE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey weerar Gentaalo ah ey ku qaadeen Isra’iil,weerarkaan ayaa ah mid jawaab u ah weeraradii socday dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay laguna soo qaaday fariisamada ey Xuutiyiinta ku leeyihiin magaala Xeebeedka Xudeyda,hadaba iyadoo la eegaayo xiisadda sii socota ayey ciidamadda Isra’iil ey soo saareen bayaan ey ku sheegayaan in ciidamadoodu ey qabteen Gentaalo laga soo tuuray dalka Yeman una soo gudbay gudaha dhulka Isra’iil subaxnimada maanta oo Arbaca ah,ciidamada Isra’iil ayaa intaas raaciyey in la shiday firimbiyada digniinta ah sababo la xiriiro suurtagalnimada in firir ka soo dhaco marka Gentaalada la difaacay. War qoraal ah ey ciidamada Isra’iil soo dhigeen bartooda X ayey ku sheegeen iney tahay markii shanaad oo Isra’iil laga soo weeraray dhinaca Yeman muddo todobaad ah,waxaane godadka difaaca galay malaayiin reer Isra’iil ah iyadoo kooxda Xuutiyiinta ey soo qaadeen weeraro,Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay iney beegsan doonaan danaha Maraykanka ku leeyahay Gobolka Bariga dhexe haddii ey weeraro kala kulmaan Maraykanka iyo Isra’iil. Khudbad muuqaal ah oo laga sii daayey Madasha X ayuu xubin ka tirsan Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta uu uga digay Maraykanka iney beegsadaan Yeman isagoo ku nuuxnuuxsaday in ciidamadooda ey weerarai doonaan danaha dalka Maraykanka ee Bariga dhexe iyagoo aan lahayn khad guduudan. Masuulkaan ka tirsan Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in la joojiyo duulaanka ka dhanka ah Marinka Gaza iyo Yeman ama Xuutiyiintu ey beegan doonaan bartilmaameed kasta oo Maraykanka xasaasi u ah,lagana yaabee in fariinteynu gaarto ayuu raaciyey hadalkiisa. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale faray dhammaan Isbitaaladda dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalo degaanada ey maamulaan iney kordhiyaan diyaargarawga dhammaan Waaxyahood iyadoo la filan karo xaalad deg deg ah,arrintaan digniinta Xuutiyiinta bixyeen ayaa timid ka dib markii ilo ka tirsan Isra’iil ey shaaciyeen in ciidamada Isra’iil ey ka fikirayaan iney qaadaan weeraro kale,oo ah tiradii afaraad kana dhan ah kooxda Xuutiyiinta,waxa uu sidoo kale uu sii raaciyey in ciidamada cirka,ciidanka Isra’iil iyo garabka hawlgalada ey diyaarinayaan qorshooyin ah sidii loo kordhin lahaa tirada bartilmaameedyada yeman oo dhan. Tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka qarxay 7/10/23-kii Xuutiyiintu waxa ey bilaabeen tobanaan weerar oo gentaalo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ey ku soo qaadeen Isra’iil,waxay sidoo kale bartilmaameedsadeen tobanaan Markiib xamuulka qaada ah kuwaaso maraayey biyaha Badda Cas si ey u taageeraan Gaza. Si kastaba ha haaatee,dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan ka dib markii ey meesha ka saareen awoodaha muhiimka ah ee Ururka Xizbullahi ee Lubnaan,iyo sidoo kale Xamaas,Isra’iil waxa ey noqotay mid si aad ah u diyaarsan eyna ka go’an tahay iney weerarto kooxda Xuutiyiinta Yeman. Isra’iil,waxay horayba si cad ugu dhawaaqday in ka badan hal mar iney baabi’isay hubkii Iraan ee yiilay Gobolka balse uu u harsan kan ey haystaan kooxda Xuutiyiin Yeman.
ISHA-AA.
(SURIYA): DILKII SARKAAL SARE OO IRAAN AH.
(SAWIRKA)-S/G.POURSHEMI.
(XALAB-SYR)-Saxafiga u dhashay Turkiga ee la yiraahdo Yacquub Aslan ayaa daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo ku saabsan dilka Sareeya Guuto.Kioumars Pourhashemi(XAAJI HASHEM) oo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan gudaha dalka Suriya isagoo Yiri”Waxaa dilay mid ka mid ah Saraakiisha Bashaar AL-Asad”. Saxafiga Turkiga ah ayaa qoray”Markii Hayat AL-Taxriir AL-shaam markii ey gaartay Caasimadda Dimishiq 7-Diseembar-24-ka ka dib markii ey ka soo dhaqaaqeen Idlib 27-Nofembar-24-ka ayey bilaabatay iney banaanka timaado asalka hawlgalka muhiim ah oo bedelay dheelitirka awooda gobolka, xogta aan ka helay ilo Iraan ah ayaa weji cusub ku soo kordhineysa wixii ka dhacay Goobta”. Wariyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Ilaha amaanka ee Iraan ayaa ii sheegay faahfaahinta dhabta ah ee wax ka bedeshay dhacdooyinka taaso ka dhacday qolka Hawlgalka ee Xalab intii lagu guda jiray horusocodka Hayat Taxriir AL-sham ee baadiyaha magaaladda,dhacdadu waxa ey daaha ka qaadeysaa heerka uu gaarsiisan yahay kala furfurka Ciidamadda dalka Suriya iyo sababaha ey dawaladda Iraan u go’aansatay iney isaga baxdo dalka Suriya”. Wariyaha waxa uu sharaxay”Markii ey sare u kacday Hayat AL-Taxriir AL-sham,Qolka hawlagaladda Xalab waxaa ka jiray jawi aad u kacsan oo la tailyeyaasha Mileteriga ee reer Iraan ayaa cadaadis ku saaray kuwa Suriya iney ka hortagaan weerarka iyagoo carabka ku adkeeyey suurtagalnimada weerar rogaal celis ah oo taageero ka helaayo Ciidamadda Cirka ee dalka Ruushka laakinse Taliyeyaasha Suriya waa ey ka caga jiideen iney soo saaraan Amaro”. Sida laga soo xigtay akoonka Saxafiga reer Turkiya “isagoo ku dhex jira jawigan lagu soo oogay ayaa Jeneraal Suriyaan ah uu soo galay Qolka Hawlgalka,waxa uuna riday hubkiisa,isaga oo bartilmaameedsaday Sareeya Guuto Kioumars Puorhashemi(Xaaji Haashim) kana tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaan dalka Iraan,taaso keentay in la dilo”. Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in Sareeya Guuto Kioumars Pourhashemi(Xaaji Haashim)uu ku dhintay iska horimaad ka dhacay baadiyaha Galbeed ee Xalab. Laakinse dhacdadaan naxdinta leh ayaa si cad u muujisay qoto dheeridda khilaafka ka dhex jira Ciidamadda Dalka Suriya. Ilo wareedyo Iraan ah ayaa sidoo kale tilmaamay Qabaa’ilka uu ka soo jeedo Jeneraalka Suuriga ah ayaa bedelay daacadnimadooda. Waxa uu intaas ku daray in laba bilood ka hor ey siiyeen xog iyo Dukimentiyo muujinaayey jiritaanka in xiriir ka dhexeeyo Jeneraalkan iyo kooxaha Mucaaradka ah ee dalka Suriya.
70% AYAA LA WIIQAY AWOODA XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DEKEDA XUDEYDA OO GUBANEYSA.
(HODEIDA)-Shalay oo Sabti ahayd ayey Ciidamadda Cirka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska waxa ey weerareen Goobo ey leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yeman kuwaaso ku yaalo caasimadda Sanca laguna keydiyo Hubka iyo waxyaabaha kale ee loo adeegsado dagaalka. Dhawr maalin ka horne waxaa magaala Xeebeedka Xudeyda ee dhacda Galbeeldka dalka Yeman weeraray diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,dhammaan weeraradaasi ayaa sababay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iney soo gaarto dhibaato culus oo sababi karta iney hakiyaan dagaalka ka dhanka ah marinka biyaha Badda Cas. Ilo wareedyo gaar ah oo u waramay Wargays ka mid kuwa ka soo baxa dalka Yeman ayaa daah ka qaaday in boqolkiiba todobaatan(70%) ey luntay awoodii shaqo ee seddexda Dakadood ee Xudeyda kuwaso ey gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta taaso ka dhalatay duulaankii Isra’iil ey ku burburisay doonyihii jiid jiidka ahaa ee soo jiidi jiray Maraakiibta ku soo xiraneysa Dekadda,wararka ayaa sheegaayo in doonyihii seddexda dekadood ey wada burbureen taaso ka dhigan in 70% ey hawshoodii meesha ka baxday sidaas darteedna ey hawlihii seddexda dekadood ey u dhammaatay,halka 30% ey weli si caadi ah u shaqeynayaan. Ila wareedyada ayaa intaas ku daraya in duqeymaha ey geysteen diyaaradaha dagaalka Isra’iil khamiistii ey waxyeelo weyn u geysteen dekedaha Xudeyda ee kala ah”Xajah, Abu Cali, 21-Sebtembar iyo Dhiir”. Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyey in Abu Cali lagu soo bandhigay dekeda Saliif in lagu dilay 7-qofood oo shaqaale ah, iyadoo markii labaad ee 21-Sebtembar lagu burburiyey Ra’asu Ciisa,waxaane lagu dilay laba mawaadin oo Yemaniyiin ah,weeraradii Xajah iyo AL-Dhiir ayaa lagu bartilmaameedsaday Dekeda Xudeyda mana eysan jirin cid joogaty waqtigaas. Sida uu sheegay Wargayska Yeman,laba xarumood oo kaliya ayaa weli ka hawlgala dekeda Xudeyda,taaso muujineysa amarada Maleeshiyaadka Xuutiyiinta in la keeno dekedaha si ey gacan uga gaystaan soo gelidda iyo ku soo xirashada Maraakiibta ku sugan Dekadda. Khamiistii la soo dhaafay diyaaradaha Isra’iil ayaa dhawr jeer weerar ku qaaday dekedaha Saliif, Ra’asi Ciisa iyo Xudeyda,waxa eyna halkaasi ku dileen 11-qofood Yemaniyiin ah,waxa eyna dhaawaceen kuwa kale.
ISHA-AO.
MARAYKANKA OO MAR KALE DUQEEYEY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-GENTAAL EY RIDEEN XUUTIYIINTA OO GAARAY ISRAEL.
(TAMPA.FL)-Ciidamadda Dhexe ee dalka Maraykanka ee CENTCOM ayaa duqeymo sax ah la beegsaday xarun lagu keydiyo Gentaaladda iyo xarun laga hago oo ey maamulaan Xuutiyiinta Yeman ey taageerto dawladda Iraan,xarumahaan la beegsaday ayaa ku yaal dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta sida Sanca caasimadda Yeman,maanta oo Sabti ah 21/12/24-ka. Ciidamadda Centcom ayaa si ula kac ah u fuliyey weeraradaan si ey carqaladeeyaan una wiiqaan hawlgaladda Xuutiyiinta sida weerarada ka dhanka ah Maraakiibta dagaalka ee Ciidamadda Badda Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Koonfurta Badda Cas,Baabal AL-Mandab iyo Gacanka Cadmeed. Intii uu socday hawlgalka Centcom waxay sidoo kale soo rideen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn loona yaqaano OWA,UAV iyo Gentaalo lidka Maraakiibta ah ASCM ee dulmara Badda Cas,dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamadda Cirka iyo kuwa Badda ee dalka Maraykanka oo ey ku jiraan F/A-18s. Weeraradaan weli socda ayey Centconm uga dan leedahay sidii ey u difaaci lahayd Maraykanka iyo isbahaysiga iyo saaxibadda gobolka iyo Maraakiibta caalamiga ha ee marta Badda Cas.
ISHA-CENTCOM.
CIRAQ IYO MARAYKANKA OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-RW-SUDANI IYO BLINKEN.
(BAQDAD)-Reysal Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shayaac AL-Sudani ayaa xaqiijiyey diidmadiisa inuu aqbalo amar kasta ama cadaadis dibadda ah,gaar ahaan ku saasban kala diridda Xoogaga Xashdi AL-shacbi maadaam ey Hayad rasmi ah ey sharciyeyesay sannadkii 2014-kii oo la ansixiyey. Reysal Wasaare AL-Sudani ayaa u sheegay Telefishanka Qaranka”Waa wax aan la aqbali karin in shuruud lagu toosiyo oo lagu xukumo Ciraaq,mana jiraan shuruudo lagu kala diraayo xoogaga Xashdi AL-Shacbi. Muran ayaa ka dhashay codsi uu u gudbiyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay AL-Sudaani todobaadkii hore si uu u kala dirro Xoogaga Xashdi AL-Shacbi iyo la baabi’iyo dhammaan xoogaga hubeysan. Intaas waxaa dheer, RW-AL-Sudani waxa uu ku dhawaaqay in dawladiisa ey ku dadaaleyso sidii ey u qiimeyn lahayd xaaladda dalka Suriya si loo qaato go’aanadda lagama maarmaanka ah ee ku saabsan horumarkeeda isagoo ku nuux-nuuxsaday baahidda loo qabo “Ka caawinta Suriya iney maareeyaan Arrimaha dalkooda iyada oo aan wax faragelin ah oo ka badan Madax-banaanidda iyo Wadajirka dhuleed ee Suriya.
ISHA-SA.