LUBNAAN IYO IRAAN OO FOOD IS DARAY,MAXAA DHACAY?
(SAWIRKA)-GAROONKA CAALAMIGA AH E BEYRUUT.
(BEIRUT)-Dalka Lubnaan waxa uu ka mid yahay wadamada Carbeed ee deriska la ah Isra’iil,waxaane dhib aad u xoogan ku haayey Ururka Xizbullahi ey taageerto Iraan kaaso dagaal toos ah kula jiray Isra’iil iyo Xukuumadda Lubnaan siyaasad ahaan,hadda Ururka Xizbullahi awoodiisii waa la wiiqay oo sidii hore ma aha,waxaane dalka Lubnaan gudihiisa yaraatay jecaylkii loo haayey dalka Iraan,hadaba maxaa dhacay? Waxaa weli socdo raadadkii ka dhashay xiisadda diyaada rayid ah lagana leeyahay dalka Iraan laguna baaray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut iyadoo uu la socday Diblomaasi reer Iraan ah kaaso diiday in la baaro Boorsadiisa, waxaane arrinkaan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Lubnaan Bassaam Mawlawi oo sheegay Jimcaha maanta ah in qof kasta oo ka soo dega Garoonka Diyaaradaha Caalmiga ah ee Beyruut la marsiin doono baaritaan,arrintaan ayey Iraaniyiintu diideen. Safiirka dalka Iraan u fadhiya Beyruut Mujtabi Amaani ayaa carabkiisa ku adkeeyey in boorasda uu watay Diblomaasiga reer Iraan uuna kaga tegin Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut laga soo saaray garoonka iyadoo aan la baarin, waxa uuna sheegay in talaabadda ey qaadeen masuuliyiinta Lubnaan iney ka dhalatay ka warqab la’aan,sida uu hadalka u dhigay Safiir Iraan ee Beyruut, waxa uu intaas raaciyey in arrinta la saxay ka dib markii dawaladda Iraan ey ku wargelisay dawladda Lubnaan,sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyey mid ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah. Arrintaan ayaa imaaneysa ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Lubnaan Bassam Mawlawi uu TV-ga AL-Carabiya u sheegay in qof kasta oo soo mara Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Beyruut xataa haddii uu yahay Diblomaasi la baraayo Boorsadiisa,waxa uuna shaaciyey Wasiir Bassam in lacag iyo Dukumintiyo ey leedahay Safaaradda Iraan ee Beyruut laga dhex helay Boorsada uu watay Diblomaasiga reer Iraan,diblomaasiga reer Iraan ayaa ka tirsan shaqaalaha Safaaradda Iraan ee Beyruut waxa uuna ku adkeystay inaan la feteshin Boorsadiisa laakinse Hayadaha Amniga Garoonka Beyruut ayaa ku adkeystay iney furaan oo ey feteshaan Boorsada sidoo kalane in la fetesho dadka kale ee ka yimid dalka Iraan boorsooyinkooda,arrintaan ayaa ah mid dheceyso markii labaad muddo Todobaad ah,waxaane dhacday in masulliyiinta labada dal iska warsadaan xaaladda taagan waayo Xukuumadda Lubnaan ayaa ka shakisan in dhaqaale ku socdo Ururka Xizbullahi yahay waxa boorsada ku jira. Ka dib markii la feteshay Boorsadii ayaa waxaa loogu tegay lacag Mushaar ahaan loogu talagalay shaqaalaha Safaaradda Iraan ee Beyruut iyo Dukumintiyo la sheegay iney ka socdeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan.
ISHA-AA.