BOOLISKA TALYAANIGA OO TOOGTAY WIIL…

(SAWIRKA)-BOOLISKA TALYAANIGA.

(ITALY)-Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in Boolisku ey toogteen wiil 18-jir ah oo u dhashay dalka Masar ka dib markii uu afar qof ku dhaawacay magaaladda RIMINI. Waxaa la sheegay in nikaan dhallinyarada ah una dhashay dalka Masar uu afar qofood ku tooreeyey wado ku taalo magaaladda RIMINI,waxaane markiiba ka daba tegay ciidamadda Booliska Talyaaniga oo toogtay ka dibne dilay wiilkii reer Masar,iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday Isbitaalka. Sida ey soo tebisay warbaahinta dalka Talyaaniga,ninkaan dhallinyarada ah ee u dhashay dalka Masar ayaa ku handaday Mindida lagu isticmaalo Guryaha dadk maraayey wadad VILLA VERROCCHIO,waxa uuna Tooreey ku dhaawacay afar qof oo ey ku jiraan oday da’a ah iyo gabar yar, waxaane weli socda baaritaano lagu ogaanaayo sababta ka dambaysa falkaan. Todobaadyo ka hor magaaladda Milano ee dalka Talyaaniga waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshada wato oo u dhexeeyey Booliska Talyaaniga iyo dadka soo galootiga ah oo u badnaay Masaari, ka dib markii la dilay wiil dhallinyara ah oo u dhashay dalka Masar laguna magaacbi jiray Ramy AL-Jamal,kaaso ka cararay Hayadaha Amniga Talyaaniga waqti ey ku guda jireen hawlgal Amni. Sida ey sheegeen dad goobjoogayaal ah xiiligaasi waxaa bilawday dibadbaxyo iyo iska horimaadyo dhexmaray ciidanka Booliska iyo qaar ka mid ah dadka soo galootiga ah kuna sugan magaaladda Milano ee dalka Talyaaniga.

ISHA-AA.

Previous
Previous

LUBNAAN IYO IRAAN OO FOOD IS DARAY,MAXAA DHACAY?

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…