DALKA LUBNAAN OO MUSAFURINAYO C/RAXMAN AL-QARADAAWI.
(SAWIRKA)-C/RAXMAN AL-QARADAWI.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimada Lubnaan ayaa sheegaayo in Xukuumadda Lubnaan lagu wado iney dalka Imaaraatka Carabta u gacan geliso wiil uu dhalay Wadaadka Caanka ee geeriyooday kana tirsanaay Ikhwaanka dalka Masar Sheekh Yuusuf AL-Qaradawi ka dib markii Golaha Wasiiradda ee ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan ey Talaadada maanta ah Ansixiyeen talaabadaasi,sida uu sheegay Xafiiska Reysal Wasaaraha dalka Lunbaan Miqati. C/raxmaan AL-Qaradawi,oo ah Gabyaa u dhashay dalka Masar isla markaasne haysta dhalashadda dalka Turkiga ayaa lagu xiray dalka Lubnaan taariikhdu markeey ahayd 28-kii bishii hore ee Disembar-2024-kii ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Suriya sida uu sheegay Qareenkiisa Maxamed Sabluux iyo Hayadda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International. Xariga C/raxmaan AL-Qaradawi ayaa ah mid daba socdo hadallo dhaleeceyn ah oo uu C/raxmaan kaga hadlay dalalka Imaaraatka Carabt,Sacuudiga iyo Masuuliyiin reer Masar ah muuqaal uu soo dhigay Internet-ka,wadamada Imaaraatka iyo Masar,labadooda ayaa dalka Lubnaan u gudbiyey codsiyo C/raxmaan loogu soo gacan gelinaayo. Arrintaan ayaa waxaa ka hadashay ku xigeenka Madax Hayadda Xuquuqul insaanka ee Amnesty International ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika Sara Hashash,waxa eyna dalka Lubnaan ka codsatay inuu joojiyo tarxiilka C/raxmaan AL-Qaradawi ee daka Imaaraatka carabta,sidoo kale,waxaa isna ka hadlay Qareenka C/raxmaan waxa uuna sheegay inuu ku sameyn doono is hortaag. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Wadamadda Masar iyo Imaaraatka Carabta ayaa weli kama hadli arrintaan ka taagan dalka Lubnaan.
ISHA-AJ.