LUBNAAN: WIILKA SH.AL-QARADAWI OO LA MAXKAMA…

(SAWIRKA)-C/RAXMAN SH,YUSUF AL-QARADAWI.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Dacwad oogaha guud ee dalka Lubnaan Garsoore Jamaal AL-Xijaar uu daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo la xiriirta xariga C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi oo ah wiil uu dhalay daacigii Ikhwaanka dalka Masar ee geeriyooday Sheekh Yusuf AL-Qaradawi. Garsoore Jamaal Xijaar ayaa sheegay in wiilka uu dhalay AL-Qaradawi lagu xiray dalka Lubnaan,iyadoo la tix raacaayo warbixintii INTERPOL ey soo saartay Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Wadamadda Carabta,iyadoo loo cuskaday xukun ku dhcaay isaga oo maqan eyna soo saareen Garsoorka dal Masar,waxaane C/raxmaan lagu eedeeyey inuu galay dembiyo la xiriira baahinta warar been abuur ah iyo hurin colaadeed,Argagixisanimo iyo bayaan uu siiyey Waragayska caanka ah ee AL-Sharq AL-Awsat. Waxaa kaloo uu intaas raciyey Dacwad ooge Jamaal inuu berri oo Isniin ah uu wiil Sheekh Yuusf AL-Qaradawi lagu wareejin doono Hayaddaha Amniga guud ee Lubnaan si su’aalo sharciga waafaqsan loo weydiiyo,taaso muujineysa in dalka Masar yahay wadankii soo saaray xukunkiisa eyna dalka Lubnaan ka codsan doonto in loo soo gacangeliyo C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi. Codsiga Masar ee C/raxmaan ayaa ah mid u baahan daraasad lagu sameeyo si dhiibistiisa ey noqonto mid waafaqsan sharciga,Ururka Ikhwaan AL-Muslimiin ee dalka Masar ayaa wada olole balaaran oo aad u xoogan kana dhan ah dawladda iyo maamulka Lubnaan si ey ugu khasbaan iney sii daaayaan C/raxmaan AL-Qaradawi. Sida ey sheegayaan warar hodhaca ah ey heshay warbaahinta,xariga maamulka Lubnaan ee wiilka AL-Qaradawi ayaa ka soo horjeedo in magaciisa uu ku soo baxo Ogaysiiska Cas ee Caalamiga ah ee Interpol, maadaam ey masuuliyiinta reer Masar ku raad joogaan laguna helay dembiyo badan,waxaane lagu xukumay xabsi gudaha daka Masar isagoo lagu soo eedeeyey baahinta warar been abuur ah iyo hurin colaadeed iyo Argagixisonimo. Sida wararka la helay ey sheegayaan wiilk Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa dalka Lubnaan ka soo galay dhinaca dalka Suriya isagoo wata Baasaboor Turki ah,waxaane socdo cadaadis ey kooxda Ikhwaan saareyso dalka Turkiga si uu u soo farageliyo arrinta C/raxmaan AL-Qaradawi loona sii daayo maadaam uu yahay mawaadin Turki ah. Ururka Ikhwanka oo ey hogaaminayaan Ururka Caalamiga ah ee Culimadda Muslimiinta oo uu Aas Aasay Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa weerar ba’an ku qaaday dawladda Lubnaan,iyagoo sida ey sheegayaan ku sifeeyey hab dhaqankii ey ku xireen wiilka AL-Qaradawi inuu yahay mid masuuliyad darra ah eyna u arkeen inuu yahay mid aan waxba ka jiri. Ku xadgudubka bareerka ah ee ka dhanka ah qiyamka anshaxa iyo bani’adanimada iyo halbeega cadaaladda,sida ey ku qeexeen. Wiilka uu dhalay Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa booqasho deg deg ah ku tegay magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq ee dalka Suriya,waxa uuna halkaasi kaga qeybgalay xuska kacaanka Suriya oo uu ugu hambalyeeyey shacabka Suriya. C/raxmaan Sheekh Yusuf AL-Qaradawi ayaa sii daayey Muuqaal looga soo dubay dalka Suriya xilli uu ku guda jiray dabaal degga Kacaanka Suriya,isagoo aflagaadeeyey dalka Masar xukuumadiisa iyo dalal badan oo Khaliijka ah. Video-ga C/raxmaan ayaa dhaliyey falcelin carro leh,iyadoo dadka u dhaqdhaqaaqa iyo kuwa isticmaala baraha bulshada oo ey ku jiraan kuwa u dhaqdhaqaaqa dalka Suriya ey ku baaqeen in la xiro C/raxmaan lana soo taago Maxkamad iyagoo ka soo horjeeda Gefkiisa.

ISHA-AA.

Previous
Previous

KOOXIHII RIDAY BASHAAR AYAA BILAABAY WADA…

Next
Next

SUURIYIINTA IYO FALASTIINIYIINTA OO LOO DIIDAY INEY…