DALKA SURIYA OO LAGU GUBAY DAROOGA KABT…
(SAWIRKA)-KANIINIGA KABTAAGON
(DIMISHIQ)-Maamulka cusub ee dalka Suriya ayaa gubay Daroogo aad u badan oo ey ku jiraan ilaa hal milyan oo ah Kaniiniga Captagon oo si weyn loo soo saaray xiligii uu xukunka haayey Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad,sida ey sheegeen laba iloa amni Arbacada maanta ah. Ilo wareedyo ka tirsan Waaxda Amaanka Dadweynaha ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya “Ciidanka Amaanka ee xiriirka la leh Dawaladda Cusub ee Suriya waxay heleen Bakhaar ey ku jiraan Maandooriyeyaal xilli ey hawlgal ey ka wadeen magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq gaar ahaan gudaha fagaaraha Amaanka ee degaanka Kafra-Suus. Sida ka muuqata sawiro laga soo qaaday Daroogada Captagon oo la gubay si gebi ahaanba looga takhaluso,sida uu xaqiijiyey afhayeenka hawlgalada Mileteriga ee Suriya in weli ey socdaan dadaalo lagu doonaayo in laga takhalusi darooga. Sawir qaade ka tirsan Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegay in ciidamada Amaanka Suriya iney dab qabadsiiyeen Daroogada Xashiishka,Sanaadiiq daroogada Traaamadoolka ah iyo konton boorso oo kuwa yar yara ah eyna ku jiraan Daroogada Captagon-ka nuuca Guduudan. Kaniiniga Kabtaagon waxaa loo yaqaanaa inuu yahay Kaniini Darooga ah isla markaasne kiciye ah,waxa uuna leeyahay Naaneys Gobolka Bariga dhexe caan ka ah taaso ah”KOKAAYINKA SABOOLKA”,waxa uuna Bashaar AL-Asad ka soo xareeyey dhaqaale dhan ilaa shan bilyan oo doolar($5-Bilyan) sannadkiiba. Kaniiniga Captagon ey soo saarto Suriya ayaa sababay in dalka Suriya loogu yeero Xukuumadii Captagon,waxa eyna Suriya gaartay 80% in Captagon-keeda inuu gaaro gobolka Bariga dhexe,tusaale ahaan dalka Urdun waxaa soo galay 65-miyan oo Captagon ah sannadkii 2022-kii kuwaaso ka wada yimid dalka Suriya.
ISHA-AA.