XUUTIYIINTA OO WEERARAY ISRA’IIL MARKII 5-AAD.
(SAWIRKA)-WEERARKII XUUTIYIINTA EE ISRAEL.
(SANA’A-YE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey weerar Gentaalo ah ey ku qaadeen Isra’iil,weerarkaan ayaa ah mid jawaab u ah weeraradii socday dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay laguna soo qaaday fariisamada ey Xuutiyiinta ku leeyihiin magaala Xeebeedka Xudeyda,hadaba iyadoo la eegaayo xiisadda sii socota ayey ciidamadda Isra’iil ey soo saareen bayaan ey ku sheegayaan in ciidamadoodu ey qabteen Gentaalo laga soo tuuray dalka Yeman una soo gudbay gudaha dhulka Isra’iil subaxnimada maanta oo Arbaca ah,ciidamada Isra’iil ayaa intaas raaciyey in la shiday firimbiyada digniinta ah sababo la xiriiro suurtagalnimada in firir ka soo dhaco marka Gentaalada la difaacay. War qoraal ah ey ciidamada Isra’iil soo dhigeen bartooda X ayey ku sheegeen iney tahay markii shanaad oo Isra’iil laga soo weeraray dhinaca Yeman muddo todobaad ah,waxaane godadka difaaca galay malaayiin reer Isra’iil ah iyadoo kooxda Xuutiyiinta ey soo qaadeen weeraro,Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay iney beegsan doonaan danaha Maraykanka ku leeyahay Gobolka Bariga dhexe haddii ey weeraro kala kulmaan Maraykanka iyo Isra’iil. Khudbad muuqaal ah oo laga sii daayey Madasha X ayuu xubin ka tirsan Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta uu uga digay Maraykanka iney beegsadaan Yeman isagoo ku nuuxnuuxsaday in ciidamadooda ey weerarai doonaan danaha dalka Maraykanka ee Bariga dhexe iyagoo aan lahayn khad guduudan. Masuulkaan ka tirsan Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in la joojiyo duulaanka ka dhanka ah Marinka Gaza iyo Yeman ama Xuutiyiintu ey beegan doonaan bartilmaameed kasta oo Maraykanka xasaasi u ah,lagana yaabee in fariinteynu gaarto ayuu raaciyey hadalkiisa. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale faray dhammaan Isbitaaladda dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalo degaanada ey maamulaan iney kordhiyaan diyaargarawga dhammaan Waaxyahood iyadoo la filan karo xaalad deg deg ah,arrintaan digniinta Xuutiyiinta bixyeen ayaa timid ka dib markii ilo ka tirsan Isra’iil ey shaaciyeen in ciidamada Isra’iil ey ka fikirayaan iney qaadaan weeraro kale,oo ah tiradii afaraad kana dhan ah kooxda Xuutiyiinta,waxa uu sidoo kale uu sii raaciyey in ciidamada cirka,ciidanka Isra’iil iyo garabka hawlgalada ey diyaarinayaan qorshooyin ah sidii loo kordhin lahaa tirada bartilmaameedyada yeman oo dhan. Tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka qarxay 7/10/23-kii Xuutiyiintu waxa ey bilaabeen tobanaan weerar oo gentaalo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ey ku soo qaadeen Isra’iil,waxay sidoo kale bartilmaameedsadeen tobanaan Markiib xamuulka qaada ah kuwaaso maraayey biyaha Badda Cas si ey u taageeraan Gaza. Si kastaba ha haaatee,dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan ka dib markii ey meesha ka saareen awoodaha muhiimka ah ee Ururka Xizbullahi ee Lubnaan,iyo sidoo kale Xamaas,Isra’iil waxa ey noqotay mid si aad ah u diyaarsan eyna ka go’an tahay iney weerarto kooxda Xuutiyiinta Yeman. Isra’iil,waxay horayba si cad ugu dhawaaqday in ka badan hal mar iney baabi’isay hubkii Iraan ee yiilay Gobolka balse uu u harsan kan ey haystaan kooxda Xuutiyiin Yeman.
ISHA-AA.