(SURIYA): DILKII SARKAAL SARE OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-S/G.POURSHEMI.

(XALAB-SYR)-Saxafiga u dhashay Turkiga ee la yiraahdo Yacquub Aslan ayaa daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo ku saabsan dilka Sareeya Guuto.Kioumars Pourhashemi(XAAJI HASHEM) oo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan gudaha dalka Suriya isagoo Yiri”Waxaa dilay mid ka mid ah Saraakiisha Bashaar AL-Asad”. Saxafiga Turkiga ah ayaa qoray”Markii Hayat AL-Taxriir AL-shaam markii ey gaartay Caasimadda Dimishiq 7-Diseembar-24-ka ka dib markii ey ka soo dhaqaaqeen Idlib 27-Nofembar-24-ka ayey bilaabatay iney banaanka timaado asalka hawlgalka muhiim ah oo bedelay dheelitirka awooda gobolka, xogta aan ka helay ilo Iraan ah ayaa weji cusub ku soo kordhineysa wixii ka dhacay Goobta”. Wariyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Ilaha amaanka ee Iraan ayaa ii sheegay faahfaahinta dhabta ah ee wax ka bedeshay dhacdooyinka taaso ka dhacday qolka Hawlgalka ee Xalab intii lagu guda jiray horusocodka Hayat Taxriir AL-sham ee baadiyaha magaaladda,dhacdadu waxa ey daaha ka qaadeysaa heerka uu gaarsiisan yahay kala furfurka Ciidamadda dalka Suriya iyo sababaha ey dawaladda Iraan u go’aansatay iney isaga baxdo dalka Suriya”. Wariyaha waxa uu sharaxay”Markii ey sare u kacday Hayat AL-Taxriir AL-sham,Qolka hawlagaladda Xalab waxaa ka jiray jawi aad u kacsan oo la tailyeyaasha Mileteriga ee reer Iraan ayaa cadaadis ku saaray kuwa Suriya iney ka hortagaan weerarka iyagoo carabka ku adkeeyey suurtagalnimada weerar rogaal celis ah oo taageero ka helaayo Ciidamadda Cirka ee dalka Ruushka laakinse Taliyeyaasha Suriya waa ey ka caga jiideen iney soo saaraan Amaro”. Sida laga soo xigtay akoonka Saxafiga reer Turkiya “isagoo ku dhex jira jawigan lagu soo oogay ayaa Jeneraal Suriyaan ah uu soo galay Qolka Hawlgalka,waxa uuna riday hubkiisa,isaga oo bartilmaameedsaday Sareeya Guuto Kioumars Puorhashemi(Xaaji Haashim) kana tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaan dalka Iraan,taaso keentay in la dilo”. Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in Sareeya Guuto Kioumars Pourhashemi(Xaaji Haashim)uu ku dhintay iska horimaad ka dhacay baadiyaha Galbeed ee Xalab. Laakinse dhacdadaan naxdinta leh ayaa si cad u muujisay qoto dheeridda khilaafka ka dhex jira Ciidamadda Dalka Suriya. Ilo wareedyo Iraan ah ayaa sidoo kale tilmaamay Qabaa’ilka uu ka soo jeedo Jeneraalka Suuriga ah ayaa bedelay daacadnimadooda. Waxa uu intaas ku daray in laba bilood ka hor ey siiyeen xog iyo Dukimentiyo muujinaayey jiritaanka in xiriir ka dhexeeyo Jeneraalkan iyo kooxaha Mucaaradka ah ee dalka Suriya.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO WEERARAY ISRA’IIL MARKII 5-AAD.

Next
Next

70% AYAA LA WIIQAY AWOODA XUUTIYIINTA.