MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A-YE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Taliska Dhexe ee Ciidamadda Marayka ee CENTCOM uu galabnimadii maanta oo Arbaca ah(8/1/25)-ka uu weerar dhinaca cirka uu ka fuliyey qeybo ka mid ah dalka Yeman ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta. Weerarada ayaa lala beegsaday laba xarumood oo ey ku jiraan Hub dhulka hoostiisa ah kuna yaalo goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta. Goobahaan la duqeeyey ayey Xuutiyiintu u adeegsan jireen weeraro ka dhan ah Maraakiibta Dagaalka ee Ciidamadda badda ee dalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Ma jiraan wax dhaawac ah ama waxyeelo soo gaartay shaqaale iyo qalabka Maraykanka. Taliska Dhexe ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsanaayo Xuutiyiinta Yeman ey qeyb ka yihiin dadaalka ey CENTCOM ey ku dooneyso iney hoos u dhigto isku dayga ey Iraan ku taageereyso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman si ey ugu hanjabaan saaxibada Maraykanka ee Gobolka iyo Maraakiibta Mileteriga iyo kuwa ganacsiga ee Gobolka. Dhinaca kale,Ilo wareedyo Maxali ah ayaa sheegay in 11-weerar oo dhinaca cirka ah lala beegsaday goobo ey ka mid yihiin AL-Dugma’a ee degaanka Du Shahwaan ee degmada Xar-Sufyaan ee Waqooyiga Gobolka Camraan,waxaane la rumeysan yahay in la beegsaday bakhaaro hub ah oo ey leeyihiin Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegatay in laba weerar lala beegsaday goobo ku yaalo degaanka Jarbaan ee degmada Sanxaan Gobolka Sanca oo Koonfur bari ka xigta magaaladda Caasimadda ah ee Sanca. Weerarada maanta lagu qaaday goobo ey leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka kala dhacay degaano hoos taga Goboladda Sanca iyo Camraan oo dhammaantooda dhaca Waqooyiga dalka Yeman.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

IMAARATKA OO LOO GACANGELIYEY WIILKA AL-QARADAWI.

Next
Next

SALDANADA CUMAAN OO AQBASHAY 11-MAXBUUS OO YEME.