IMAARATKA OO LOO GACANGELIYEY WIILKA AL-QARADAWI.
(SAWIRKA)-GABYAA C/RAXMAAN AL-QARADAWI.
(ABU DHABI)-Wararka laga helaayo dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in loo soo gacangeliyey Gabyaa C/raxmaan Yusuf AL-Qaradawi kaaso ahaa mucaarad kasoo horjeeda Siyaasadda wadamadda Khaliijka qaarkood iyo dalka Masar,Gabyaa C/raxmaan ayaa ku xirnaay dalka Lubnaan caasimadiisa Beyruut tan iyo 28-kii bishii Disembar-2024-kii. War rasmi ah ey soo saartay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraatka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ey ku timid ka dib markii codsi dhiibis ah uu ka yimid dawladda dhexe ee Imaaraatka Carabta oo ey wakiil ka tahay Wasaaradda Cadaaladda loona gudbiyey maamulka dhexe ee Jamhuuriyadda Lubnaan si waafaqsan mabda’a isdhaafsiga,warku waxa uu intaas ku daray in Gabyaa C/raxman Yusuf AL-Qaradawi lagu eedeeyey inuu ku kacay falal kicin ah oo khalkhal gelinaayo amaanka guud ee dalka Imaaraatka Carabta. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Imaaraatku si adag uga hortegi doono cid kasta oo batilmaameed ka dhigata amaankeeda iyo xasiloonideeda,Imaaraatku kama waaban doono inuu baacsado dadka la raadinaayo si uu uga qaado talaabo sharciga waafaqsan”.
ISHA-AH.