BOOLISKA CIRAAQ OO QABTAY LACAG TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-BOOLISKA CIRAAQ.
(BAQDAD-IR)-Wararka imanaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ey soo saartay bayaan ey ku sheegtay iney gacanta ku dhigtay lacag dhan shan Bilyan oo Liiraha dalka Suriya ah taaso lagu soo qariyey gaari xamuul ah oo maraayey Gobolka Kirkuk ee Waqooyiga dalka Ciraaq. War Saxaafadeedka oo uu soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Miqdad Miri ayaa sheegay in ciidamadda Amaanka ey u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan lacag dhan ilaa shan Bilyan oo Liiraha dalka Suriya ah oo lagu soo dhex qariyey gaari xamuul ah,xilli uu maraayey Kontaroolka Tukulaan ee Gobolka Karkuk,afhayeenka ayaa intaas raaciyey in la qabtay darawalkii weday gaariga xamuulka ah iyo ruuxii la socday. Afhayeen Miqdad Miri ayaa ku macneeyey in hawlgalkaan uu yimid ka dib markii la sameeyey koox shaqo oo uu kormeeraayo Taliyaha Booliska Kirkuk uuna la joogo madax Amniga shaqsiga,Agaasimaha xakameynta Dembiyadda Kirkuk,Agaasimaha la dgaalanka Demniyadda Abaabulan. Afhayeenka ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay sida uu qabo qodobka 281-aad ee xeerka ciqaabta isla markaasne loo tixraacay qodobka 52-aad ee Bangiyadda,isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
ISHA-AH