Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAMADA MIDOOBE IYO SACUUDIGA OO EY KA DHEX TAFAN…

(SAWIRKA)-LINA AL-HADUL.

(RIYAD)-Kooxaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa ugu baaqay Qaramadda Midoobe iney baaraan sababta Muuqaal iyo Qoraal ku saabsan Munaasabadooda oo ka dheceysay Madasha Caanka ah ee Qaramada Midoobe ee Siyaasadda Internet-ka oo lagu qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad looga saaray khadka Internetka. Aqoon isweydaarsiga ey iska kaashadeen Haydda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW) iyo ALQST galabnimadii Arbacada ee Golaha Maamulka Internet-ka ee Qaramada Midoobe(IGF) ee caasimadda Sacuudi Carabiya Riyaad,ayaa diiradda lagu saaray heshiiska cusub ee Qaramada Midoobe ee Dembiyadda Internet-ka iyo sameynta uu ku yeelan karo Cadaadiska Caalamiga ah. Madashu waxay ahayd mid caan ku ah dhawr sababood,waxay ahayd markii ugu horeysay muddo toban sano ku dhaw oo ey Hayadda u dooda Xuquuqda dadka ee HRW ey wakiilo u dirsato dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Waxaa kaloo kasoo muuqday dadka u dhashay Sacuudiga una dooda Xuquuqda dadka sida Lina AL-Hadluul,oo ka mid ah kuwa tiro yar haddii ey jiraan hogaamiyeyaasha bulshada Rayidka ah ee dalka Sacuudiga oo ka hadlay madasha lagu qabtay agagaarka Hoteelka Ritz Carlton halkaaso ah halka ey dawladda Sacuudiga ku xirto Masuuliyiinta,Ganacsatada iyo qeybaha kale ee dadka Sacuudiga kana soo horjeesta nidaamka,welibana lagu jirdilay dad badan sannadkii 2017-kii. Daqiiqado Aamusnaan ah ayaa bilawgii munaasabada loo qabtay difaacayaasha Xuquuqul Insaanka ee Gobolka oo dhan kuwaaso lagu ciqaabay iney khadka Internet-ka ku cabiraan aragtidooda sida Assad iyo Maxamed AL-Gaamudi, Nura AL-Qaxtaan oo lagu haayo Xabsiyadda Sacuudiga tobanaan sano oo xukuno ah.

ISHA-MEE.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADA HADALADDA XAMAAS IYO ISRAEL OO DIB UGA…

(SAWIRKA)-SHACABKA FALASTIIN.

DOHA)-Ilo xogogaal ah una dhuun daloola wan waanta socota ee lagu doonaayo in xabad joojin laga gaaro dagaalka Marinka Gaza iyo Maxaabiista ey is dhaafsanayaan Xamaas iyo Isra’iil ayaa daah ka qaaday iney jiraan qodobo is khilaafsan oo caqabad ku ah ku dhawaaqista heshiis. Ilo wareedyada ayaa ku sharaxay hadallo gaar ah oo ey siiyeen warbahinta maanta oo Jimca ah,in booqashada Agaasimaha CIA-da William Burns ee caasimadda Qadar ee Dooxa ey ku timid qaab lagu riixaayo fikradaha la isugu soo dhaweynaayo iyo in lagu cadaadiyo iney meel iska dhigaan khilaafyada muujiyaane isu soo dhawaansho. Sida ey ogaatay Warbaahinta,qodobada la isku khilaafay ey hormuud ka ahayeen in Xamaas ey u hogaansanto xukun oo si cad u qeexaya in dagaalka la soo afjaray iyadoo la soo afjaraayo qodobadii wejigii seddexaad ee heshiiska,halka dhinaca Isra’iil ey go’aansatay. Ilaa hadda waa ey diideen qaacidadaas iyagoo soo jeediyey erayga ah”Dhammaystira hawlgalka Mileteri”taaso ah qaacidda ey Xamaas diiday.

ISHA-AN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA.

(SANA’A-YE)-Ka dib markii ey kooxda Xuutiyiinta ey Gentaal ka tuureen Yeman una jiheeyeen Isra’iil ayey sababtay in diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil iney dhawr jeer weeraro ku qaadaan goobo ku yaalo Caasimadda Sanca iyo Gobolka Xudeyda. Wariyaha AL-Carabiya ayaa sheegay in tobaneeyo diyaadaha Dagaalka Isra’iil ey duulan ku qaadeen dhawr goobood ey Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda Sanca iyo magaaladda Xeebeedka Xudeyda gaar ahaan dekedda Ra’as Ciisa ee Saliida oo ey Isra’iil duqeysay dabayaaqadii bishii Sebteembar ee la soo dhaafay. Wariyaha ayaa soo sheegay in la duqeeyey Xarunta Korontada ee AL-Xaziiz oo ku taalo Koonfurta caasimadda Sanca,duulaanadaan ayaa la sheegay in dawladda Maraykanka ey la socotay laguna wargeliyey sida uu qoray Wargayska Maraykanka laga leeyahay ee AXIOS. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey qabteen/rideen waaberigii waqtiga Isra’iil dhawr Gentaal oo Balastik ah lagana soo tuuray dalka Yeman,Isra’iil ayaa sheegtay in dhawaqa seeriga laga maqlay bartamaha Isra’iil si dadka degaanka loogaga digo khatarta ah iney soo dhacaan Gentaalo sababa burbur. Ciidanka ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in ciidamada cirka ey soo rideen Gentaal laga soo tuuray dalka Yeman ka hor inta aanuu u gudbin dhulka Isra’iil. Sidoo kale,laba maalmood ka hor Xuutiyiinta waxay Gentaal Balastik ah ku tuureen Isra’iil kaaso si ku meel gaara ah loo joojiyey isaga oo maraayey Hawada Garoonka Diyaaradaha ee Tel-Aviv.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

20-TAHRIIBE OO KU DHINTAY BADDA TUNISIYA.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(TUNIS)-Wararka ka imaanayo dalka Tunisiya ayaa sheegaayo in ugu yaraan labaatan qofood oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ey saarnaayeen ey ku burburtay Safaaqis ee Bariga Tunisiya,halka shan Tahriibe la soo badbaadiyey,sida ey sheegeen ilaaladda Qaranka Tunisiya ee ilaaliya Xeebaha maanta oo Arbaca ah. War qoraal ah oo laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Meydadka labaatan qofood la soo saaray,waxaane weli socdo baadigoobka shan qof oo Tahriibayaal ah oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeyo,kuwaaso dhammaantood la socday dooni ku degtay magaaladda AL-Loowzi ee Waqooyiga Safaaqis. Sida laga soo xigtya ilaaladda Qaranka,doontu waxay shiraacatay shalay oo Talaada ah abaarihii 11:00-fiidnimo halka loo yaqaano AL-shaaba’a ee Waqooyiga AL-loowzi ee Gobolka Safaaqis waxayna ku degtay meel 25-KM u jirta Xeebta. Bishii Diseembar 12-keedii,sagaal Tahriibayaal ah oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeyo ee Afrika ayaa dhintay,lix kalane waa la waayey ka dib markii doonta ey la socdeen ey ku degtay Xeebaha Tunisiya xilli ey isku dayaayeen iney gaaraan Yurub,sida ey sheegeen ilaaladda Xeebaha. Safaaqis iyo AL-Mahdiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ey ka baxaan Muhaajiriinta u dhashay Tunisiya iyo kuwa Ajnabiga ah ee isku dayaayo iney gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga. Marka laga tago Libiya,Tunisiya waxa ey ka mid tahay dalalka ey Xeebahooda wax yar u jiraan Jazeeradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa halka ugu badan ee ey ka dhoofaan Muhaajiriinta doonaaya iney ka gudbaan Badda Miditereeniyaanka ee Waqooyiga Afrika.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON SIDAY DAROOGO OO LAGU QABTAY BIYAHA CAALAMIGA

(SAWIRKA)-DOOMAHA TAHRIIBIYA DAROOGADA.

(ADEN-YE)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Yeman ee Cadan ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yeman ee taabacsan Xukuumadda Yeman ee Caalamku Aqoonsan ayaa sheegtay in mid ka mida doonyo ey wateen Ciidamadda Caalamiga ah ee ku sugan Marinka Badeedka Caalamiga ah ey qabteen Daroogo aad u fara badan oo u socotay kooxda Xuutiyiinta Yeman ey taageerto dawladda Iraan. Waxa ey intaas ku dartay Wasaaradda,war kooban oo lagu daabacay Xarunta Warbaahinta ee Wasaaradda Amniga,”Mid ka mida Doonyaha Ciidamadda Caalamiga ah ayaa qabatay 5,613-kg oo Xashiish ah,marka lagu daro 181-kg oo ah Maandooriyaha Hero’iinka ah iyo hal kiilo garaam oo ah Maandooriyaha Methamphetamine,kuwaaso saarnay doon ah kuwa wax tahriibiso”. Sida laga soo xigtay ilaaladda Xeebaha dalka Yeman,doon ey leeyihiin Ciidamadda Caalamiga ah kuna sugan Biyaha Caalamiga ah ayaa qabatay Markab dabayaaqadii bishii hore ee Noofembar ka dib markii looga shakiyey inuu sido Daroogo,waxaane markii la baaray laga soo dhex helay tiro daawooyin ah kuwaaso lagu qiimeeyey ilaa far milyan oo doolarka Maraykanka ah,doontaan ayaa u socotay kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Mararka qaarkood Ciidamada Caalamiga ah waxa ey ku dhawaaqi jireen iney gacanta ku dhigeen hub iyo shixnad Darooga ah oo ey sidaan Doomo wax tahriibiyo lana rumaysan yahay iney u socdeen kooxda Xuutiyiinta Yeman.

ISHA-MO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CABSI XOOGAN OO SOO FOOD SAARTAY XUUTI…

(SAWIRKA)-C/KARIIM AL-XUUTI.

(SANA’A-YE)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawladda Iraan ayaa qiray iney marayaan marxalad halis ah iyadoo ey sii kordheyso cabsida laga qabo iney dhacdo xaalad la mid ah midii ku dhacday Taliskii Bashaa AL-Asad ee dalka Suriya,waxa eyna filayaan iney u diyaar garoobaan dagaal iyaga looga soo horjeedo oo aad u culus. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda aan Caalamku Aqoonsaneyn ee Xuutiyiinta C/kariim AL-Xuuti ahne adeerka Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa yiri”Yeman waxa ey maanta mareysaa marxalad khatar ah oo u baahan in qof kasta kor u qaado heerka feejignaantiisa iyo dareenkiisa masuuliyadeed,si loo fashiliyo shirqoolada xun ee xaasidnimada ah ee loo maleegaayo shacabka Yeman”. C/kariim AL-Xuuti oo ka hadlaayey shir ey isugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha safka hore ee Wasiiradiisa ayaa carabka ku adkeeyey “lama huraanka fulinta awaamiirta loona qaato si buuxda”. Qabaa’ilka ka soo jeedo degmada Bani-Madhar ee Gobolka Sanca ayaa dibadbax ka dhigay magaaladda Sanca ee caasimadda ah iyagoo dalbanaayo in loo qisaaso gacan ku dhiigleyaashii dilay seddex wiil oo ka soo jeedo Bani-Madhar,dilka ayaa lagu tuhmayaa iney gaysteen Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta. Qabaa’ilka ka soo jeedo Gobolka Ibb ayaa sidoo kale dhigay banaanbax ey ku dalbanayaan in loo soo gacan geliyo gacan ku dhiigleyaashii dilay Sheekh caan ka ah Gobolka Ibb,waxa eyna banaanbaxayashu sheegeen in dilka Sheekha ey geysteen saraakiil ka titsan Xuutiyiinta. C/kariim AL-Xuuti ayaa yiri”Cadawga waxa uu ku dhuumaaleysanayaa Yeman,marka waa in qof walba uu u diyaar garoobaa sidii uu iska horimaadkan uga hortegi lahaa”,waa sida uu hadalka u dhigaye.Ilo degaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey fuliyeen olole balaaran oo afduub ah kaaso saameyey tiro badan oo mawaadiniin ah oo ku sugnaay degmada Khadiir ee bariga Gobolka Ticis. Ilo wareedyo ayaa sheegaayo in ololaha afduubka inuu ka soo horjeedo cabsida laga qabo inuu dhaco dhaqdhaqaaq ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta kaaso ka socdo degaanada ey kooxdu maamulsho tan iyo markii xukunka dalka Suriya laga tuuray Bashaar AL-Asad.

ISHA.AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERARADA ISRA’IIL EE MARINKA GAZA OO SII KOR…

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA NOLOSHA KA JIRTA.

(GAZA)-Wararkii ugu dambeeyey ee inaga soo gaaraayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 52-qof oo reer Falastiin ah lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza 24-saac ee la soo dhaafay taaso tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 45,028-qof tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka 7/1023-kii,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza,warka ayaa intaas ku daray in ilaa 106,962-qof kalane ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil. “Ciidamadda Isra’iil waxay dileen 52-qof waxa eyna dhaawaceen ilaa 203-qof kale todobo weerar oo ka dhacay Marinka Gaza 24-saac ee la soo dhaafay ayey hadalkeed raacisay Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza. Dad fara badan ayaa weli ku hoos jira burburka dhismayaasha iyo wadooyinka iyadoo haydaha samatabixinta ey awoodi waayeen iney gaaraan halkaas. Isra’iil ayaa sii wada weerarada ey ku hayso Marinka Gaza tan iyo markii Xamaas ey weerartay 7/10/23-kii inkasta oo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu ku baaqayo xabad joojin deg deg ah. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa hadda galay sannadiisii labaad waxaane soo baxaya cambaareyn caalami ah oo loo jeedinaayo Isra’iil,iyadoo masuuliyiinta iyo hayadaha caalamiga ah ey ku tilmaameen weerada Isra’iil iyo xanibaad gargaarka u socdo dadka shacabka ah ee reer Falastiin iney yihiin isku day ula kac ah oo lagu burburinaayo shacabka reer Falastiin. Bishii hore Maxakamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee ICC ayaa soo saartay amar lagu soo qabanaayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee G/dhiga Yoav Gallant kuwaso loo haysto iney galeen dembiyo dagaal oo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Isra’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad Xasuuq ah kana socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ee dagaalka Marinka Gaza.

ISHA.AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO DUQEEYEY XUUTI…

(SAWIRKA)-MARKABKA U AFDUUBAN XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YE)-Iyadoo ey Gobolka Bariga dhexe ey ka jiraan isbedelo maalmihii la soo dhaafay haddii ey nqon lahayd dalka Suriya ama dalka Lubnaan ayaa magaala Xeebeedka Xudeyda ee dalka Yeman waxaa lala beegsaday weeraro dhinaca cirka ah oo cusub. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey duqeymo la beegsadeen degmada AL-Tuxeyta ee Gobolka Xudeyda ee dhinaca ku haayo Badda Cas Galbeedka dalka Yeman,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta gudaha ee dalka Yeman. Duqeynta Maraykanka iyo ingiriiska ayaa timid ka dib markii kooxda Xuutiyiinta Yeman ey Talaadadii hore ku dhawaaqeen iney fuliyeen hawlgal Mileteri kaaso ey ku tilmaameen hawlgal Taya leh oo lagu beegsaday seddex Markab oo sahay Maraykan ah ka dib markii ey ka soo dhaqaaqeen dekadda dalka Jabuuti,sida uu sheegay afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yeman. Bishii hore ee Nofeembar Maraakiibta dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka fuliyey fariisimaha kooxda Xuutiyiinta ee Gobolka Xudeyda. Weeraradaan ayaa yimid ka dib markii kooxaha Xizbullahi ee dalka Lubnaan oo xulafa la ah kooxda Xuutiyiinta Yeman laguna magacaabo”Axis of Resistance”oo ey taageerto dawladda Iraan ayaa la kulmeen khasaarooyin xoogan seddexdii bilood ee la soo dhaafay,waxaane dhammaaday ogolaanshaha heshiiska xabad joojinta ey la galeen Isra’iil. Waxaa sidoo kale timid burburkii dawladdii Bashaa AL-Asad oo ahayd garabka ugu weyn ee bariga dhexe ey taageero dawladda Iraan,dawladdii Bashaar ayaa dhacday 8-dii bishaan Diseembar. Waxaa xusid mudan marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii hore 2023-kii oo ah bil ka dib markii uu qarxay dagaalka Isra’iil ee Mrinka Gaza ayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman bilaabeen tobanaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta caalamiga ah ee marta Badda Cas. Waxayna kooxda Xuutiyiinta weeraro la beegsadeen in ka badan 150-Markab Ganacsi kuwaaso ey la beegsadeen Gentaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen hal Markab laba kalane waa dejiyeen. Tani waxa ey ku kaliftay Milkiilayaasha Maraakiibta iney safarkooda ka leexiyaan Badda Cas iyo Kanaalka Suweys,waxa eyna ku qasabtay iney maraan jid aad u dheer oo ah cirifka Koonfureed ee Qaaradda Afrika. Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weeraro dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen fariisimadda kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman gaar ahaan fariismada ey ku leeyihiin degaanadda u dhaw Badda Cas.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA XIRIIRKA CARABTA OO WAR KA SOO SAA…

(SAWIRKA)-CAASIMADDA SURIYA.

(JORDAN)-Kooxda Xiriirka Wasiiradda Carabta ee Suriya ayaa maanta oo Sabti ah Muujiyey sida ey uga go’an tahay iney taageeraan isbedelka Siyaasadeed oo nabadda ah oo ey Suriya Hogaamineyso kaaso metelaayo dhammaan dhinacyada Siyaasadda iyo Bulshada. Kooxda Xiriirka ah ee Wasaaradaha Carabta oo ka kooban Urdun,SACUUDI CARABIYA,CIRAAQ,LUBNAAN,MASAR iyo Ururka Jaamicadda Carabta,ayaa maanta oo Sabti ah shir ku yeeshay magaaladda CAQAB ee dalka Urdun,si ey uga wada hadlaan xaaladda isa soo tareysa ee dalka Suriya. Bayaan ey soo saareen kooxda ayey ku sheegeen iney bixin doonaan dhammaan taageeradda lagama maarmaanka ah inta lagu jiro”Marxaladan halista ah”iyadoo la ixtiraamaayo rabitaanka iyo Doorashooyinka dadka Suriya. Kooxdu waxay hoosta ka xariiqeen “Muhimadda Wada hadaladda Qaran oo dhammaystiran”iyo midnimada Suriya si dib loogu dhiso “Mideyn,Madaxbanaan,Xasiloon iyo dal Carbeed oo Amaan ah”. Waxaa kaloo Xiriirka Wasiiradda Carabta ey cambaareeyeen duulaanka Isra’iil ee aaga difaaca ee Suriya iyo degaanadda ku xeeran Buurta Sheekh iyo AL-Quneydharah iyo Miyiga caasimadda Dimishiq”,waxa eyna ku baaqeen Wasiiradda Carabta in Isra’iil ey isaga baxdo dhammaan dhulka ey qabsatay,waxa eyna diideen ku xadgudubka xeerarka caalamiga ah iyo heshiiska afgaradkii la gaaray 1974-tii ka dib dagaalkii dhacay waqtigaas. Wasiiradda Carabta waxa ey ku baaqeen Golaha Amaanka ee Qaramadq Midoobe iney qaadaan “Talaabooyin lagama maarmaabka ah si loo joojiyo xadgudubyaddan”. Isra’iil waxay qabsatay aaga difaaca ka dib markii xoogaga ka soo horjeedo maamulka Dimishiq ey qabsadeen Diseembar-8-dii iyo Bashaar AL-Asad,hogaamiyihii Suriya ee ku dhawaad 25-sano ayaa u cararay dalka Ruushka ka dib 13-sano oo dagaal sokeeye ah iyo 53-sano uu qoyskiisu xukumaayey dalka Suriya. Sida laga soo xigtay Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Kormeereyaasha ka hortaga UNDOF aaga xanibaada “Wuxuu ku fiday in ka badan 75 kiilomitir oo dherer ah, wuxuuna u dhexeyeeyaa ballac ahaan qiyaastii 10-kiilomitir ee bartamaha 200-mitir ee Koonfurtafog”.

ISHA.AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR KA FURMAY MAGAALADDA CAQABA.

(SAWIRKA)-SHIRKII CAQABA’A.

(AQABA’A)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtida maanta ah ka qeybgalay wada hadallo heer Wasiir ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Suriya ka dib markii la riday xukuumaddii Bashaa AL-Asad. Magaaladda Caqaba ee ku taalo Badda Cas ee dalka Urdun oo xuduud la wadaago dalka Suriya,waxaa ka socdo wada hadallo lagu adkeynaayo xasiloonida Gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka ey colaaduhu aafeeyeen ee Suriya. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken,Madaxa Siyaasadda iyo Arrimaha Dibadda Midawga Yurub Kaja Kalas iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Suriya Feir Pedersen ayaa iyaguna ka qeybgalay kulanka. Wakiilo ka kala socday wadamadda Urdun,Imaaraatka Carabta,Fraraniiska,Qadar,Sacuudiga,Ciraaq,Lubnaan,Masar,Jarmal,UK iyo Ururka Jaamicadda Carabta ayaa sidoo kale ka qeybgalay doodaha. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo heer caalami ah oo looga hadlo dalka Suriya ka dib markii uu dhacay xukunkii Bashaar AL-Asad. Bashaar AL-Asad oo ahaa hogaamiyihii dalka Suriya ku dhawaad 25-sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa ka dhisan magaaladda Dimishiq ey la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Dimishiq 8/12/24-ka taasi oo soo afjartay taliskii Xisbiga AL-Bacthi oo dalka Suriya soona xukumaayey tan iyo sannadkii 1963-dii.

ISHA.AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL SARE OO MASUU KA AHAA XABSIYADA SURIYA.

(SAWIRKA)-XABSIYADDA DALKA SURIYA.

(ISTANBUL)-Sarkaal hore oo ka tirsanaay Ciidamadda dalka Suriya kaaso kormeeri jiray Xabsiga caanka ah ee Madaxweyne Bashaar AL-Asad uu dadka ku xiri jiray ayaa lagu soo oogay dacwado badan oo jirdil ah oo uu geystay gudaha dalka Maraykanka. Sida laga soo xigtay Warbaahinta laga leeyahay Maraykanka ee CNN, Samiir Cusman AL-sheekh oo 72-jir ah ayaa Maxkamada Federaali ah waxa ey ku soo oogtay Jirdil iyo inuu maleegay Jirdil,sidaas waxaa shalay sheegay masuuliyiin Maraykan ah. AL-sheekh oo maamuli jiray Xabsiga caanka ah Adra’a ee magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq intii u dhexeysay sannadadii 2005-tii ilaa 2008-kii,ayaa bishii Juulay waxaa lagu xiray Xabsiga Garoonka Caalamiga ah ee Los Angels. AL-sheekh ayaa wajahaayo eedeeymo la xiriira Musuq-Maasuq dhanka Socdaalka ah oo la sheegay inuu qariyey doorkii uu ku lahaay Xabsiga oo ku saabsan dal ku galka Maraykanka iyo codsigiisa dhalashada Maraykanka. Saraakiisha Maraykanka ayaa ku andacoonaayo inuu qariyey ku lug-lahaanshaha dawladda Suriya uu kala shaqeeyey dhibaateynta shacabka,been ayuu ka sheegay wixii la weydiiyey,waxa uuna inkiray inuu silciyey dad maxaabiis shacab ah. Waxaa lagu eedeeyey inuu maxaabiis u diray Garabka Ciqaabta kuwaaso la kulmay Garaacid daran laga soo laalaadiyey Saqafka dhismaha. Maxaabiista qaarkood ayaa la sheegay in lagu jirdilay qalab loogu talagalay in lagu sameeyo xanuun aad u daran,isla markaasne sababay jabka lafdhabarka. Haddii AL-sheekh lagu helo dembiga loo haysto waxa uu wajihi doonaa xabsi dhan ilaa 20-sano ah iyo 10-sano oo dheeri ah haddii lagu soo oogo Musuq-Maasuq dhanka Socdaalka ah. Qareenka AL-sheekh, Nina Marino,ayaa iska gogeysay edeymaha oo ey ku tilmaameen mid siyaasadeeysan. Horumarkaan ayaa daba socdo dhicitaanka dhawaan uu dhacay taliskii Assad 8-dii Bisha Diseembar-2024-ka taaso keentay in kumanaan maxaabiis ah laga sii daayo xabsiyada dalka Suriya. Hayadaha Xuquuql Insaanka ayaa in mudda ahba ku eedeynaayey dawladda Suriya iney Xadgudubyo joogta ah ka geysatay xarumaha ey dadka ku xirto.

ISHA.AA

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DACWAD ADAG OO KA SOCOTA DALKA SWITZERLAND.

(SAWIRKA)-HOOYO MARYAM IYO LABADEEDA GABDHOOD.

(SWISS)-Sheekadii ugu dambeysay kuna saabsan haweeney Masaari ah oo lagu dilay dalka Switzerland taaso wadanka Masar si aad ah looga dareemay bilawgii sannadkan 2024-ka,ku dhawaad toban bilood ka dib Aaskeedii Qoyska Maryam Majdi AL-dhufeyli ayaa ku dhawaaqay iney ku guul dareysteen iney helaan labada gabdhood ee gabdhooda hooyada u tahay ka dib markii Xukuumadda Switzerland u diiday waayo labada gabdhood waxa ey haystaan dhalashada dalka Switzerland. Axmed Majdi oo ah walaalka Maryam ayaa si gaar ah ugu sheegay Warbaahinta AL-Carabiya.Net iyo AL-Hadath.Net in Maxkamadda Zurich ee dalka Switzerland ey diiday iney ku wareejiso labada gabdhood ey dhashay walaashiis Maryam lana kala yiraahdo Fatima oo 7-jir ah iyo Khadija oo 6-jir ah,waxa eyna Maxkamadda sabab uga dhigtay iney haystaan dhalashadda dalka Switzerland. Axmed Majdi ayaa intaas ku daray in sida uu dhigaayo sharciga Swiss caruurta waxaa masuul ka ah Aabaha isagana uu hadda xiran yahay ee uu xabsi ku jiro,sababta oo ah waxaa lagu eedeeyey dilka hooyada iyo shuruucda xabsiga uu ku xiran yahay ilaa inta laga soo gabagabeynaayo baaritaanadda in labada gabdhood ey sii hayn doonaan Qoyska Aabaha eysan haayi karin Qoyska Hooyadda. Maryam walaakeed Axmed Majdi ayaa u soo jeediyey eedeysanaha inuu si xor ah u fuliyey dembiga uu galay,eyna suurtagal tahay in lagu waayo inuu dilay walaashiis,isla markaasne uu helo masuuliyadda caruurta,sida la sheegay Meydka Maryam Majdi ayaa laga soo helay Wabiga Rhine. Waxaa xusid mudan in kiiska dilka ah loo geystay geber u dhalatay Gobolka AL-Daqhaliyah ee dalka Masar. “Maryam Majdi waxa ey ahayd 27-jir arrinkeedana waxa uu ahaa kan ugu hadal haynta badan gudaha dalka Masar bilawgii sannadkan 2024-ka,waxayna u safarta dalka Switzerland si ey u soo qaadato caruurteeda ka dib markii ey isku khilaafeen aabaha oo haysta dhalashada dalka Switzerland,Maryam ayaa la waayey xaalad aan kala cadeyn ka hor inta aan Hayadaha Amaanka ee dalka Switzerland ey soo helin Meydkeeda bishii Feberaayo ee sannadaan 2024-ka,waxaane Meydka Maryam laga soo helay Wabiga Rhine kaaso u dhaw mid ka mid ah degmooyinka Kaantoon Zurich ee dalka Switzerland. Wargaysyada dalka Swiss ayaa xaqiijiyey in dilka Maryam looga shakisan yahay inuu yahay fal dembiyeed,waxaane Maryam korkeeda ka muuqday in la jirdilay iyo iska caabin,iyadoo laamaha Amniga ee dalka Switzerland ey soo xireen ninkii qabay Maryam oo looga shakisan yahay inuu isaga geystay fal dembiyeedkaan,ninka ey Maryam u dhaxday ayaa hadda xiran. Waxaa xusid mudan in War Saxaafadeed ka soo baxay Booliska lagu shaaciyey in haweeneyda la la’ayahay Meydkeedii la helay,iyadoo ninka dilay oo 32-jir ah uu xiran yahay. Maryam Majdi waxa ey guursatay nin dhallinyara ah oo haysta dhalshadda dalka Switzerland,waxayna u dhashay laba caruur ah oo kala ah Fatima oo 7-jir ah iyo Khadija oo 6-jir ah,sabab la xiriir khilaaf dhexmaray labada is qabtay, waxaane la go’aamiyey la iskuna raacay in la kala tago,waxaane caruurta sii hayan doonta hooyadood,Maryan Majdi waxa ey bilawday iney dacwad ka gudbisoninkii qabay,waxa eyna Marayam Majdi Maxkamada u xukuntay haynta labadeeda gabdhood ee u dhashay Switzerland.

ISHA-AL-ARABIYA.NET.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAZEN AL-XAMADA OO LA HELAY MEYDKIISA.

(SAWIRKA)-MAZEN AL-XAMADA.

(SYRIA)-Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad ayaa waxaa soo baxaayey arrimo aad u xanuun badan oo si aad ah u taabtay qalbiyadda dadka reer Suriya maalmihii la soo dhaafay,tusaale ahaan Xabsiga Sednaaya ayaa noqday kan ugu hadal haynta badan gudaha dalka Suriya waxaane Xabsigaas loogu tegay dad Waashay iyo kuwa Xaaladooda ey si aad ah u liidato iyo kuwa kale oo gudaha Xabsiga lagu dhex del delay. Mazen AL-Xamada, waxa uu ahaa nin u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda shacabka reer Suriya waxa uuna qaxooti ku ahaa dalka Holland, balse waxa uu dalkiisa Suriya dib ugu soo laabtay si uu halkaas uga sii wado hawshiisa la xiriirta xuriyadda shacabka reer Suriya,nasiib darase waxaa Xabsiga Sadnaaya oo ah meel dadka lagu Dal Delo ayaa waxaa laga soo helay meydka Mazen, warbixinta la xiriirta geerida Mazen ayaa Argagax gelisay Suriyiinta dibadda joogto ee uu la soo wadaagi jiray dhacdooyinka ka jira gudaha dalka Suriya. Maysoun Berkdar oo ah Saxafiyad reer Suriya ah taasoo fadhigeedu yahay Beerliin una dabaaldegaysay dhicitaanka Madaxweynihii hore ee Suriya Bashaar AL-Asad markii ey heshay warka ah geeridda Mazen ayey tiri”Shalay waxaan kuwada jirnay barnaamij toos ah waxaane bilaabay qeylo”.

ISHA-MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARINKA GAZA TIRADA DHIMASHADA OO..

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO GALLANT.

(ISTANBUL)-Weerarada Isra’iil ayaa lagu dilay dad gaaraayo ilaa 28-qofood oo Falastiiniyiin ah,waxaane lagu dhaawacay 54-qofood kale 24-kii saacadood ee ina soo dhaaftay Gudaha Marinka Gaza taaso ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada tan iyo sannadkii hore ilaa 44,786-Qofood,(18,858)-qof waa Caruur,(11,946)-qof waa Dumar halka dhaawca uu gaaray ilaa (106,188)-qofood,dagaalka Marinka Gaza ayaa maanta galay maalintiisii 431-aad. Dagaaka Marinka Gaza ka socdo ayaa waxaa lagu la’ayahay dad fara badan kuwaaso ku hoos jira burburka dhismayaasha lala dhacay Gentaaladda culus ey soo ridayaan diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,Hayadaha Gargaarka ee Marinka Gaza waxa ey awoodi kari waayeen iney soo saaraan dadka ku maqan dhismayaasha hoostooda. Dagaalka ayaa hadda ku jira sannadkiisii labaad,waxa eyna Isra’iil ka geysatay Marinka Gaza Xasuuq ey ku muteysatay Cambaarey Caalami ah,weline Isra’iil kama joojin weerarada dhinaca cirka iyo dhulka ah ey ku hayso Marinka Gaza iyo xanibaada Gargaarka deg dega ah ee la gaarsiinaayo shacabka reer Falastiin ee u baahan in la samata bixiyo. Bishii hore ayey ahayd markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant,labadaan masuul ayaa lagu eedeeyey dembiyo ka dhan ah Aadanaha iyo Dembiyo Dagaal,waxaane jirto arrin kale oo hadda ka socoto gudaha Isra’iil taaso ah in Reysal Wasaaraha Israiil Netanyahu loo haysto dacwad ah inuu sameeyey Musuq-Maasuq la xiriira maamulkiisa,waxaane la isku dayey in dib loo dhigo dacwadda Netanyahu balse Maxkamadda ayaa iska diiday arrinkaas.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO YEELATAY XUKUUMAD KU MEEL GAARA AH.

(SAWIRKA)-MAXAMED AL-BASHIIRI.

(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu galay xaalad ka gedisan xaaladii uu ku jiray muddo dhan 50-sano iyo ka badan,dalka Suriya ayaa waxaa soo xukumaayey Xisbiga AL-Bacathi AL-Carabi oo uu Hogaamin jira Xaafid AL-Asad oo ah Aabaha dhalay Madaxweynaha hadda u baxsaday dalka Ruushka ee Bashaar AL-Asad,hadaba Axadii shalay waxa ey ahayd maalin meel ka geleyso Taariikhda dalka Suriya waane maalintii uu dalka Suriya isaga cararay kaligii taliyihii dalka Suriya ka Qixiyey malaayiin Qofood oo reer Suriya ah. Isniinta maanta ah,Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Suriya ayaa shaaca ka qaaday in madaxa Xukuumadda Badbaadinta ee Idlib,Maxamed AL-Bashiir loo magacaabay inuu Madax ka noqdo Dawladda ku meel gaarka ah ee dalka Suriya. Arrintaan ayaa timid sida ilo xog-ogaal ah ey sheegeen ka dib markii uu kulan dhexmaray Taliyaha qeybta Hawlgaladda ee Ciidamadda Xooga ee dalka Axmed AL-Sharci”AL-Goolaani”,AL-Bashiir iyo Reysal Wasaaarihii hore ee dalka Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali. Xukuumadii hore ee Bashaar AL-Asad ayuu Maxamed AL-Jalaali ka ahaay Reysal Wasaare waxaane lagu soo oogay inuu maamuli jiray hawlihii dawladii hore ee taliskii Bashaar AL-Asad iyadoo ujeedadu ahayd in la qabanqaabiyo wareejinta awooda Xukuumadda Suriya. Hadaba waa kuma Maxamed AL-Bashiiri? Maxamed AL-Bashiiri waxa uu ku dhashay Gobolka Idlib degaanka la yiraahdo Jaba-AL-Zaawiyah sannadkii 1983dii. Waxa uu sannadkii 2007-dii Shahaado ku qaatay Cilmiga Korontada iyo Elektarooniga ee Qeybta Isgaarsiinta ee Jaamicadda Xalab. Maxmed AL-Bashiiri, waxa uu Shahaadado dhinaca Sharciga iyo Qawaaniinta ah ka qaatay Jaamicadda Idlib sannadkii 2021-kii. Waxa uuna soo noqday Madaxa qeybta Qalabka Saxda ah ee Warshadda Gaaska ee Shirkadda Gaaska ee Ruushku leeyahay sannadkii 2011-kii. AL-Bashiiri,waxa uu horay u soo noqday Agaasimaha Arrimaha Ururka ee Wasaaradda Horumarinta ee Xukuumadda Badaabaadada ee Idlib, waxa uuna soo noqday Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Bani’adanimada ee Dawaladdii badbaadinta Idlib sannadkii 2022-kii, waxa uuna shir Gudoomiyey Golaha Wasiiradda Xukuumadda Badbaado Kalfadhigoodii 7-aad ee bilawgii sannadkan 2024-ka, waxaane AL-Bashiiri loo magacaabay Madaxweyne. Xoogaga Mucaaradka ee xukunka ka tuuray Bashaar AL-Asad ayaa Maxamed AL-Bashiiri u xilsaaray inuu soo dhiso Dawlad Cusub oo Suriya yeelato si ey u maareyso marxaladda ku meel gaarka ah ka dib markii ey Mucaaradka u suurtagashay iney afgembiyaan Dawladdii Bashaar AL-Asad Diseembar/8/2024-ka. DAWLADDA BADBAADO: Xayat AL-Taxriir, waa koox ka mid kooxaha Mucaaradka ee riday Xukuumadii Bashaar AL-ASad,waxaane la aasaasay sannadii 2017-kii,waxaane Hogaamiye u ah Axmed AL-sharci,kooxdaan ayaa gacan saara la leh Kooxda AL-Qaacidda,Dawladda Maraykanka ayaa kooxdan ku dartay Liiska Argagixisada caalamiga ah. Ururka Xayat Taxiir AL-shaam ayaa u dhisan sida Dawladda oo kale waxa eyna ka kooban tahay 11-Wasaradood,waxayna ku kala xiran tahay adeegyada iyo maamul ahaan Goboladda Idlib,dhulka Baadiyaha ee Waqooyiga Xama’a iyo Galbeedka Xalab.

ISHA-AH.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DUQEYN KA FULIYEY BARTAMAHA SURIYA.

(SAWIRKA)-DIYAARADA B-52.

(SYRIA)-Dawladda Maraykanka ayaa maanta oo Axad ah bilawday duqeymo ey la beegsaneyso xubnaha Daacish ee ku sugan gudaha dalka Suriya,isla maalintii ey xoogaga Mucaaradka hubeysan ey gaareen magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq,waxaane meesha ka baxay taliskii Bashaar AL-Asad. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu fuliyey tobaneeyo duqeymo ah oo toos ah kuwaaso lala beegsaday xeryo iyo wakiilo ka tirsan Ururka Daacish ee ku sugan bartanmaha dalka Suriya. Taliska dhexe ayaa ujeedada weerarada cirka ah ku sheegay sidii looga hortegi lahaa kooxda Argagixisada iyo in la xaqiijiyo in ISIS eysan ka faa’iideysan xaaladda dalka Suriya hadda ka taagan iyo dib isu qaabeynta kooxda Daacish. Hawlgalkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ka mid ahaa duqeynta in ka badan 75-goobood waxaane loo adeegsaday hanti badan oo ciidan,oo ey ku jiraan B-52 iyo diyaaradaha F-15,mana eysan ka dhalan wax khasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah,sida lagu sheegay Qiimeynta hordhaca ah.

ISHA-AH.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

REYSAL WASAARIHII HORE EE SURIYA OO LOO MAGACAABAY.

(SAWIRKA)-MW-BASHAAR ASAD.

(DIMISHIQ)-Madaxa Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali ayaa shaaca ka qaaday tafaasiil laga helay waqtiyadii ugu dambeeyey ee nidaamka Bashaar AL-Asad kaaso burburay ka dib markii xoogaga Mucaaradka hubeysan ey soo galeen bartamaha magaaladda caasimada ah ee Dimishiq fiidnimadii xalay oo Axad ahayd. Hogaamiyeyaasha Mucaadka hubeysan ee Suriya ey ugu horeyso kooxda Xayaat Taxriir AL-shaam taaso Maraykanka uu u aqoonsan yahay Argagixiso ayaa hogaamineyso weerarka ka bilawday Idlib laguna soo afjaray taliskii Dimishiq maalmo gudahood. Isla markii uu burburay taliskii Dimishiq,hogaamiyaha Mucaaradka Hubeysan Axmed AL-sharci laguna naaneyso Abu Maxamed AL-Goolaani ayaa ku dhawaaqay in AL-Jalaali uu hogaamin doono waaxyaha iyo Hayadaha dalka Suriya inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.

ISHA-AL-XURA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-MAXAMED JALAALI OO SHEEGAY IN LA BADBAADIYO…

(SAWIRKA)-RW-MAXAMED GAAZI AL-JALAALI.

(DIMISHIQ)-Xaalka dalka Suriya ayaa hadda u muuqdo mid faraha ka sii baxaayo una jiheystay dagaal dad fara badan ey ku hoobtaan bacdamaa Xoogaga dalkaasi isku hayaa ey wada yihiin kuwa kala aragti duwan. Reysal Wasaaraha dalka Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali oo cod soo duubay ayaa waxa uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga,waxa uuna cinwaan uga dhigay”Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Hogaan kasta oo ey doortaan dadku”. RW-Maxamed AL-Jalaali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la kaashado hogaan kasta oo lagu wareejinaayo Awooda dalka iyadoo kooxaha hubeysan ey ku dhawaaqeen bilawga gelitaanka caasimadda Dimisihiq. RW-AL-Jalaali,waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook waxa uuna yiri”Dalkaan waxa uu noqon karaa dal caadi ah,Wadan Xiriir wanaagsan la yeesha jaarkiisa iyo caalamkaba,balse arrintani waxay ku xiran tahay hogaan kasta oo ey shacabka Suriya doortaan, waxaan diyaar u nahay inaan kaashano si aan u helno dhammaan tasiilaadka suuragalka ah. Reysal Wasaaraha Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali ayaa intaas ku daray “Dhammaan hayadaha dawladda Suriya waa in la ilaaliya,anigu ma jecli wax xil ah ama faa’iido ah”. Reysal Wasaare AL-Jalaali ayaa intaas raaciyey”Hogaan kasta oo ey doortaan Suuriyiinta,waanu la shaqeyn doonaa”. Hadalkaan ayaa u muuqda in Xukuumaddii Suriya ee uu Hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad iney meesha ka baxday ka dib markii uu ku socday dagaal muddo ka badan 13-sano oo xiriir ah. Madaxweyne Bashaar AL-Asad ayaan weli la hayn hadalkiisa balse waxa ey u eg tahay inuu gaaray magaaladda Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq bacdamaa halkaasi ey ka jirto Xukuumad gacan saar fiican la leh dalka Iraan oo ah dalkii Bashaar AL-Asad soo garab taagnaay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ah waqtigii uu dhacay kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA: XUKUUMADII BASHAAR AL-ASAD OO DHACDAY.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA ISBAHAYSIGA SURIYA.

(DIMISHIQ)- DEG DEG:War deg deg ah oo hadda soo baxay ayaa sheegaayo in in lariday dawladdii uu hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad,hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Madaxa Isbahaysiga Qaran ee dalka Suriya Haadi AL-Bahra ayaa Tv-ga AL-Carabiya iyo AL-Xadath u sheegay in la riday Madaxweyne Bashaar AL-Asad. ALBahra oo shacabka Suriya kala hadlaayey TV-ga AL-Carabiya iyo AL-Xadath ayaa yiri”Waxaan idiinku bishaareynayaa Riditaanka Nidaamka Bashaar AL-Asad”. Madaxa Isbahaysiga Qaranka Suriya ayaa intaas ku daray”Xaaladu waa amaan,mana jirto meel looga guto amaba looga aargoosto”,waxa uu intaas ku daray Bahraan”Maxaabiista waxaa laga soo daayey Xabsiyadda Cadra’a iyo Seydanaaya”.

ISHA-AL ARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUCAARADKA SURIYA OO KU SII SIQAYA DIMISHIQ.

(SAWIRKA)-CAASIMADDA DIMISHIQ.

(DIMISHIQ)-Laba ilo wareed oo ka tirsan Mucaaradka Suriya ayaa sheegay in xoogaga kooxaha Mucaaradka ey bilaabeen iney gudaha u galaan magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq iyadoo aaney jirin wax calaamad ah oo muujinaayo in ciidamadda caadiga ah la geeyey magaaladda Dimishiq. Dadka degaanka ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay maanta oo Sabti ah iney maqleen rasaas xoogan oo ka dheceysa bartamaha magaaladda Dimishiq,halka Wakaaladda Wararka ee France-Press oo soo xiganeysa ilo ku dhaw Ururka Xizbullahi ey u sheegeen in kooxdaan ey xubnohoodii ey kala bexeen agagaarka caasimadda Suriya ilaa laga gaaraayo xuduudka dalka Lubnaan iyo Xeebaha Suriya. Ilo wareedyo ku dhaw Ururka Xizbullahi ayaa sheegay in “Xisbigu uu ku amray dagaalyahanadooda saacdihii ugu dambeeyey iney isaga baxaan degaanada Xumus,qaarkood waxa ey u jiheysteen dhanka Laadiqiya,qaar kale waxa ey aadeen dhanka Gobolka Hermel ee dalka Lubnaan”agagaarka Dimishiq.

ISHA-AD.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More