WEERARADA ISRA’IIL EE MARINKA GAZA OO SII KOR…

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA NOLOSHA KA JIRTA.

(GAZA)-Wararkii ugu dambeeyey ee inaga soo gaaraayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 52-qof oo reer Falastiin ah lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza 24-saac ee la soo dhaafay taaso tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 45,028-qof tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka 7/1023-kii,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza,warka ayaa intaas ku daray in ilaa 106,962-qof kalane ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil. “Ciidamadda Isra’iil waxay dileen 52-qof waxa eyna dhaawaceen ilaa 203-qof kale todobo weerar oo ka dhacay Marinka Gaza 24-saac ee la soo dhaafay ayey hadalkeed raacisay Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza. Dad fara badan ayaa weli ku hoos jira burburka dhismayaasha iyo wadooyinka iyadoo haydaha samatabixinta ey awoodi waayeen iney gaaraan halkaas. Isra’iil ayaa sii wada weerarada ey ku hayso Marinka Gaza tan iyo markii Xamaas ey weerartay 7/10/23-kii inkasta oo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu ku baaqayo xabad joojin deg deg ah. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa hadda galay sannadiisii labaad waxaane soo baxaya cambaareyn caalami ah oo loo jeedinaayo Isra’iil,iyadoo masuuliyiinta iyo hayadaha caalamiga ah ey ku tilmaameen weerada Isra’iil iyo xanibaad gargaarka u socdo dadka shacabka ah ee reer Falastiin iney yihiin isku day ula kac ah oo lagu burburinaayo shacabka reer Falastiin. Bishii hore Maxakamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee ICC ayaa soo saartay amar lagu soo qabanaayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee G/dhiga Yoav Gallant kuwaso loo haysto iney galeen dembiyo dagaal oo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Isra’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad Xasuuq ah kana socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ee dagaalka Marinka Gaza.

ISHA.AA.

Previous
Previous

CABSI XOOGAN OO SOO FOOD SAARTAY XUUTI…

Next
Next

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO DUQEEYEY XUUTI…