CABSI XOOGAN OO SOO FOOD SAARTAY XUUTI…

(SAWIRKA)-C/KARIIM AL-XUUTI.

(SANA’A-YE)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawladda Iraan ayaa qiray iney marayaan marxalad halis ah iyadoo ey sii kordheyso cabsida laga qabo iney dhacdo xaalad la mid ah midii ku dhacday Taliskii Bashaa AL-Asad ee dalka Suriya,waxa eyna filayaan iney u diyaar garoobaan dagaal iyaga looga soo horjeedo oo aad u culus. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda aan Caalamku Aqoonsaneyn ee Xuutiyiinta C/kariim AL-Xuuti ahne adeerka Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa yiri”Yeman waxa ey maanta mareysaa marxalad khatar ah oo u baahan in qof kasta kor u qaado heerka feejignaantiisa iyo dareenkiisa masuuliyadeed,si loo fashiliyo shirqoolada xun ee xaasidnimada ah ee loo maleegaayo shacabka Yeman”. C/kariim AL-Xuuti oo ka hadlaayey shir ey isugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha safka hore ee Wasiiradiisa ayaa carabka ku adkeeyey “lama huraanka fulinta awaamiirta loona qaato si buuxda”. Qabaa’ilka ka soo jeedo degmada Bani-Madhar ee Gobolka Sanca ayaa dibadbax ka dhigay magaaladda Sanca ee caasimadda ah iyagoo dalbanaayo in loo qisaaso gacan ku dhiigleyaashii dilay seddex wiil oo ka soo jeedo Bani-Madhar,dilka ayaa lagu tuhmayaa iney gaysteen Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta. Qabaa’ilka ka soo jeedo Gobolka Ibb ayaa sidoo kale dhigay banaanbax ey ku dalbanayaan in loo soo gacan geliyo gacan ku dhiigleyaashii dilay Sheekh caan ka ah Gobolka Ibb,waxa eyna banaanbaxayashu sheegeen in dilka Sheekha ey geysteen saraakiil ka titsan Xuutiyiinta. C/kariim AL-Xuuti ayaa yiri”Cadawga waxa uu ku dhuumaaleysanayaa Yeman,marka waa in qof walba uu u diyaar garoobaa sidii uu iska horimaadkan uga hortegi lahaa”,waa sida uu hadalka u dhigaye.Ilo degaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey fuliyeen olole balaaran oo afduub ah kaaso saameyey tiro badan oo mawaadiniin ah oo ku sugnaay degmada Khadiir ee bariga Gobolka Ticis. Ilo wareedyo ayaa sheegaayo in ololaha afduubka inuu ka soo horjeedo cabsida laga qabo inuu dhaco dhaqdhaqaaq ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta kaaso ka socdo degaanada ey kooxdu maamulsho tan iyo markii xukunka dalka Suriya laga tuuray Bashaar AL-Asad.

ISHA.AA.

Previous
Previous

DOON SIDAY DAROOGO OO LAGU QABTAY BIYAHA CAALAMIGA

Next
Next

WEERARADA ISRA’IIL EE MARINKA GAZA OO SII KOR…