SARKAAL SARE OO MASUU KA AHAA XABSIYADA SURIYA.

(SAWIRKA)-XABSIYADDA DALKA SURIYA.

(ISTANBUL)-Sarkaal hore oo ka tirsanaay Ciidamadda dalka Suriya kaaso kormeeri jiray Xabsiga caanka ah ee Madaxweyne Bashaar AL-Asad uu dadka ku xiri jiray ayaa lagu soo oogay dacwado badan oo jirdil ah oo uu geystay gudaha dalka Maraykanka. Sida laga soo xigtay Warbaahinta laga leeyahay Maraykanka ee CNN, Samiir Cusman AL-sheekh oo 72-jir ah ayaa Maxkamada Federaali ah waxa ey ku soo oogtay Jirdil iyo inuu maleegay Jirdil,sidaas waxaa shalay sheegay masuuliyiin Maraykan ah. AL-sheekh oo maamuli jiray Xabsiga caanka ah Adra’a ee magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq intii u dhexeysay sannadadii 2005-tii ilaa 2008-kii,ayaa bishii Juulay waxaa lagu xiray Xabsiga Garoonka Caalamiga ah ee Los Angels. AL-sheekh ayaa wajahaayo eedeeymo la xiriira Musuq-Maasuq dhanka Socdaalka ah oo la sheegay inuu qariyey doorkii uu ku lahaay Xabsiga oo ku saabsan dal ku galka Maraykanka iyo codsigiisa dhalashada Maraykanka. Saraakiisha Maraykanka ayaa ku andacoonaayo inuu qariyey ku lug-lahaanshaha dawladda Suriya uu kala shaqeeyey dhibaateynta shacabka,been ayuu ka sheegay wixii la weydiiyey,waxa uuna inkiray inuu silciyey dad maxaabiis shacab ah. Waxaa lagu eedeeyey inuu maxaabiis u diray Garabka Ciqaabta kuwaaso la kulmay Garaacid daran laga soo laalaadiyey Saqafka dhismaha. Maxaabiista qaarkood ayaa la sheegay in lagu jirdilay qalab loogu talagalay in lagu sameeyo xanuun aad u daran,isla markaasne sababay jabka lafdhabarka. Haddii AL-sheekh lagu helo dembiga loo haysto waxa uu wajihi doonaa xabsi dhan ilaa 20-sano ah iyo 10-sano oo dheeri ah haddii lagu soo oogo Musuq-Maasuq dhanka Socdaalka ah. Qareenka AL-sheekh, Nina Marino,ayaa iska gogeysay edeymaha oo ey ku tilmaameen mid siyaasadeeysan. Horumarkaan ayaa daba socdo dhicitaanka dhawaan uu dhacay taliskii Assad 8-dii Bisha Diseembar-2024-ka taaso keentay in kumanaan maxaabiis ah laga sii daayo xabsiyada dalka Suriya. Hayadaha Xuquuql Insaanka ayaa in mudda ahba ku eedeynaayey dawladda Suriya iney Xadgudubyo joogta ah ka geysatay xarumaha ey dadka ku xirto.

ISHA.AA

Previous
Previous

SHIR KA FURMAY MAGAALADDA CAQABA.

Next
Next

DACWAD ADAG OO KA SOCOTA DALKA SWITZERLAND.