20-TAHRIIBE OO KU DHINTAY BADDA TUNISIYA.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.
(TUNIS)-Wararka ka imaanayo dalka Tunisiya ayaa sheegaayo in ugu yaraan labaatan qofood oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ey saarnaayeen ey ku burburtay Safaaqis ee Bariga Tunisiya,halka shan Tahriibe la soo badbaadiyey,sida ey sheegeen ilaaladda Qaranka Tunisiya ee ilaaliya Xeebaha maanta oo Arbaca ah. War qoraal ah oo laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Meydadka labaatan qofood la soo saaray,waxaane weli socdo baadigoobka shan qof oo Tahriibayaal ah oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeyo,kuwaaso dhammaantood la socday dooni ku degtay magaaladda AL-Loowzi ee Waqooyiga Safaaqis. Sida laga soo xigtya ilaaladda Qaranka,doontu waxay shiraacatay shalay oo Talaada ah abaarihii 11:00-fiidnimo halka loo yaqaano AL-shaaba’a ee Waqooyiga AL-loowzi ee Gobolka Safaaqis waxayna ku degtay meel 25-KM u jirta Xeebta. Bishii Diseembar 12-keedii,sagaal Tahriibayaal ah oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeyo ee Afrika ayaa dhintay,lix kalane waa la waayey ka dib markii doonta ey la socdeen ey ku degtay Xeebaha Tunisiya xilli ey isku dayaayeen iney gaaraan Yurub,sida ey sheegeen ilaaladda Xeebaha. Safaaqis iyo AL-Mahdiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ey ka baxaan Muhaajiriinta u dhashay Tunisiya iyo kuwa Ajnabiga ah ee isku dayaayo iney gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga. Marka laga tago Libiya,Tunisiya waxa ey ka mid tahay dalalka ey Xeebahooda wax yar u jiraan Jazeeradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa halka ugu badan ee ey ka dhoofaan Muhaajiriinta doonaaya iney ka gudbaan Badda Miditereeniyaanka ee Waqooyiga Afrika.
ISHA-AA.