QARAMADA MIDOOBE IYO SACUUDIGA OO EY KA DHEX TAFAN…

(SAWIRKA)-LINA AL-HADUL.

(RIYAD)-Kooxaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa ugu baaqay Qaramadda Midoobe iney baaraan sababta Muuqaal iyo Qoraal ku saabsan Munaasabadooda oo ka dheceysay Madasha Caanka ah ee Qaramada Midoobe ee Siyaasadda Internet-ka oo lagu qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad looga saaray khadka Internetka. Aqoon isweydaarsiga ey iska kaashadeen Haydda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW) iyo ALQST galabnimadii Arbacada ee Golaha Maamulka Internet-ka ee Qaramada Midoobe(IGF) ee caasimadda Sacuudi Carabiya Riyaad,ayaa diiradda lagu saaray heshiiska cusub ee Qaramada Midoobe ee Dembiyadda Internet-ka iyo sameynta uu ku yeelan karo Cadaadiska Caalamiga ah. Madashu waxay ahayd mid caan ku ah dhawr sababood,waxay ahayd markii ugu horeysay muddo toban sano ku dhaw oo ey Hayadda u dooda Xuquuqda dadka ee HRW ey wakiilo u dirsato dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Waxaa kaloo kasoo muuqday dadka u dhashay Sacuudiga una dooda Xuquuqda dadka sida Lina AL-Hadluul,oo ka mid ah kuwa tiro yar haddii ey jiraan hogaamiyeyaasha bulshada Rayidka ah ee dalka Sacuudiga oo ka hadlay madasha lagu qabtay agagaarka Hoteelka Ritz Carlton halkaaso ah halka ey dawladda Sacuudiga ku xirto Masuuliyiinta,Ganacsatada iyo qeybaha kale ee dadka Sacuudiga kana soo horjeesta nidaamka,welibana lagu jirdilay dad badan sannadkii 2017-kii. Daqiiqado Aamusnaan ah ayaa bilawgii munaasabada loo qabtay difaacayaasha Xuquuqul Insaanka ee Gobolka oo dhan kuwaaso lagu ciqaabay iney khadka Internet-ka ku cabiraan aragtidooda sida Assad iyo Maxamed AL-Gaamudi, Nura AL-Qaxtaan oo lagu haayo Xabsiyadda Sacuudiga tobanaan sano oo xukuno ah.

ISHA-MEE.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

CIRAQ IYO MARAYKANKA OO KA WADA HADLAY…

Next
Next

WADA HADALADDA XAMAAS IYO ISRAEL OO DIB UGA…