SURIYA OO YEELATAY XUKUUMAD KU MEEL GAARA AH.
(SAWIRKA)-MAXAMED AL-BASHIIRI.
(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu galay xaalad ka gedisan xaaladii uu ku jiray muddo dhan 50-sano iyo ka badan,dalka Suriya ayaa waxaa soo xukumaayey Xisbiga AL-Bacathi AL-Carabi oo uu Hogaamin jira Xaafid AL-Asad oo ah Aabaha dhalay Madaxweynaha hadda u baxsaday dalka Ruushka ee Bashaar AL-Asad,hadaba Axadii shalay waxa ey ahayd maalin meel ka geleyso Taariikhda dalka Suriya waane maalintii uu dalka Suriya isaga cararay kaligii taliyihii dalka Suriya ka Qixiyey malaayiin Qofood oo reer Suriya ah. Isniinta maanta ah,Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Suriya ayaa shaaca ka qaaday in madaxa Xukuumadda Badbaadinta ee Idlib,Maxamed AL-Bashiir loo magacaabay inuu Madax ka noqdo Dawladda ku meel gaarka ah ee dalka Suriya. Arrintaan ayaa timid sida ilo xog-ogaal ah ey sheegeen ka dib markii uu kulan dhexmaray Taliyaha qeybta Hawlgaladda ee Ciidamadda Xooga ee dalka Axmed AL-Sharci”AL-Goolaani”,AL-Bashiir iyo Reysal Wasaaarihii hore ee dalka Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali. Xukuumadii hore ee Bashaar AL-Asad ayuu Maxamed AL-Jalaali ka ahaay Reysal Wasaare waxaane lagu soo oogay inuu maamuli jiray hawlihii dawladii hore ee taliskii Bashaar AL-Asad iyadoo ujeedadu ahayd in la qabanqaabiyo wareejinta awooda Xukuumadda Suriya. Hadaba waa kuma Maxamed AL-Bashiiri? Maxamed AL-Bashiiri waxa uu ku dhashay Gobolka Idlib degaanka la yiraahdo Jaba-AL-Zaawiyah sannadkii 1983dii. Waxa uu sannadkii 2007-dii Shahaado ku qaatay Cilmiga Korontada iyo Elektarooniga ee Qeybta Isgaarsiinta ee Jaamicadda Xalab. Maxmed AL-Bashiiri, waxa uu Shahaadado dhinaca Sharciga iyo Qawaaniinta ah ka qaatay Jaamicadda Idlib sannadkii 2021-kii. Waxa uuna soo noqday Madaxa qeybta Qalabka Saxda ah ee Warshadda Gaaska ee Shirkadda Gaaska ee Ruushku leeyahay sannadkii 2011-kii. AL-Bashiiri,waxa uu horay u soo noqday Agaasimaha Arrimaha Ururka ee Wasaaradda Horumarinta ee Xukuumadda Badaabaadada ee Idlib, waxa uuna soo noqday Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Bani’adanimada ee Dawaladdii badbaadinta Idlib sannadkii 2022-kii, waxa uuna shir Gudoomiyey Golaha Wasiiradda Xukuumadda Badbaado Kalfadhigoodii 7-aad ee bilawgii sannadkan 2024-ka, waxaane AL-Bashiiri loo magacaabay Madaxweyne. Xoogaga Mucaaradka ee xukunka ka tuuray Bashaar AL-Asad ayaa Maxamed AL-Bashiiri u xilsaaray inuu soo dhiso Dawlad Cusub oo Suriya yeelato si ey u maareyso marxaladda ku meel gaarka ah ka dib markii ey Mucaaradka u suurtagashay iney afgembiyaan Dawladdii Bashaar AL-Asad Diseembar/8/2024-ka. DAWLADDA BADBAADO: Xayat AL-Taxriir, waa koox ka mid kooxaha Mucaaradka ee riday Xukuumadii Bashaar AL-ASad,waxaane la aasaasay sannadii 2017-kii,waxaane Hogaamiye u ah Axmed AL-sharci,kooxdaan ayaa gacan saara la leh Kooxda AL-Qaacidda,Dawladda Maraykanka ayaa kooxdan ku dartay Liiska Argagixisada caalamiga ah. Ururka Xayat Taxiir AL-shaam ayaa u dhisan sida Dawladda oo kale waxa eyna ka kooban tahay 11-Wasaradood,waxayna ku kala xiran tahay adeegyada iyo maamul ahaan Goboladda Idlib,dhulka Baadiyaha ee Waqooyiga Xama’a iyo Galbeedka Xalab.
ISHA-AH.