KOOXDA XIRIIRKA CARABTA OO WAR KA SOO SAA…
(SAWIRKA)-CAASIMADDA SURIYA.
(JORDAN)-Kooxda Xiriirka Wasiiradda Carabta ee Suriya ayaa maanta oo Sabti ah Muujiyey sida ey uga go’an tahay iney taageeraan isbedelka Siyaasadeed oo nabadda ah oo ey Suriya Hogaamineyso kaaso metelaayo dhammaan dhinacyada Siyaasadda iyo Bulshada. Kooxda Xiriirka ah ee Wasaaradaha Carabta oo ka kooban Urdun,SACUUDI CARABIYA,CIRAAQ,LUBNAAN,MASAR iyo Ururka Jaamicadda Carabta,ayaa maanta oo Sabti ah shir ku yeeshay magaaladda CAQAB ee dalka Urdun,si ey uga wada hadlaan xaaladda isa soo tareysa ee dalka Suriya. Bayaan ey soo saareen kooxda ayey ku sheegeen iney bixin doonaan dhammaan taageeradda lagama maarmaanka ah inta lagu jiro”Marxaladan halista ah”iyadoo la ixtiraamaayo rabitaanka iyo Doorashooyinka dadka Suriya. Kooxdu waxay hoosta ka xariiqeen “Muhimadda Wada hadaladda Qaran oo dhammaystiran”iyo midnimada Suriya si dib loogu dhiso “Mideyn,Madaxbanaan,Xasiloon iyo dal Carbeed oo Amaan ah”. Waxaa kaloo Xiriirka Wasiiradda Carabta ey cambaareeyeen duulaanka Isra’iil ee aaga difaaca ee Suriya iyo degaanadda ku xeeran Buurta Sheekh iyo AL-Quneydharah iyo Miyiga caasimadda Dimishiq”,waxa eyna ku baaqeen Wasiiradda Carabta in Isra’iil ey isaga baxdo dhammaan dhulka ey qabsatay,waxa eyna diideen ku xadgudubka xeerarka caalamiga ah iyo heshiiska afgaradkii la gaaray 1974-tii ka dib dagaalkii dhacay waqtigaas. Wasiiradda Carabta waxa ey ku baaqeen Golaha Amaanka ee Qaramadq Midoobe iney qaadaan “Talaabooyin lagama maarmaabka ah si loo joojiyo xadgudubyaddan”. Isra’iil waxay qabsatay aaga difaaca ka dib markii xoogaga ka soo horjeedo maamulka Dimishiq ey qabsadeen Diseembar-8-dii iyo Bashaar AL-Asad,hogaamiyihii Suriya ee ku dhawaad 25-sano ayaa u cararay dalka Ruushka ka dib 13-sano oo dagaal sokeeye ah iyo 53-sano uu qoyskiisu xukumaayey dalka Suriya. Sida laga soo xigtay Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Kormeereyaasha ka hortaga UNDOF aaga xanibaada “Wuxuu ku fiday in ka badan 75 kiilomitir oo dherer ah, wuxuuna u dhexeyeeyaa ballac ahaan qiyaastii 10-kiilomitir ee bartamaha 200-mitir ee Koonfurtafog”.
ISHA.AA.