MACLUUL KU SOO FOOL LEH SUUDAAN.
(SAWIRKA)-SUUDAAN.
(SUDAN)-Dalka Suudaan, In ka badan 30-Milyan oo qofood kuwaaso in ka badan kala bar ey yihiin Caruur ayaa u baahan gargaar deg deg ah ka dib markii dagaal labaatan bilood ah uu ka socday dalka sidaas waxaa sheegtay Qaramadac Midoobe. Qaramada Midoobe ayaa ku baaqday in loo baahan yahay dhaqaale dhan ilaa $4.2-Bilyan si loo quudiyo dad gaaraayo ilaa 20.9-Milyan oo qof gudaha dalka Suudaan oo ka kooban 30.4-milyan oo qof kuwaaso u baahan in lala gaaro kaalmo Bani’adanim sida ey sheegtay Qaramada Midoobe waxay ugu yeertay “Xasarado Bani’adanimo oo aan hore loo arag”. Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay in ka badan sideed Milyana waxa ey u barakaceen gudaha dalka Suudaan,kuwaaso marka lagu daro 2.7-Milyan oo dalka ka barakacay dagaalka ka hore, dagaalka ayaa bilawday bishii Abriil-2023-kii,arrintaan ayaa dalka Suudaan ka dhigtay inuu yahay kan ey ka jirto Barakaca ugu weyn Adduunka. 3.3-Milyan oo qof oo kale oo reer Suudaan ah ayaa ka gudbaya Xuduuda iyagoo ka baxsanaayo dagaalka dalka Suudaan taaso ka dhigan in, in ka badan rubuc ka mid ah dadkii wadaankaasi ku noolaa dagaalka ka hor oo lagu qiyaasay ku dhawaad 50-Milyan hadda xidida loo siibay. Macluul ayaa horay looga dhawaaqay shan goobood oo ku yaalo dalka Suudaan waxaane la filayaa iney ka dhacdo shan goobood oo kale marka la gaaro Bisha Meey-2025-ka,iyadoo 8.1-Milyanoo qof ey hadda qarka u saaran yihiin macluul baahsan. Dawladda Suudaan ey maamulaan Ciidamadda ayaa iska diiday oo beenisay in dalka Macluul ey ka jirto,halka Hayadaha gargaarka ey ka cabanayaan in gelitaanka dalka Suudaan ey xanibeen caqabado dhanka shaqada ah iyo rabshado socdo,kooxaha isku haayo dagaalka dalka Suudaan ayaa lagu eedeeyey iney Gaajada u adeegsadaan Hub dagaal.
ISHA-BN.