XABAD JOOJINTII LUBNAN IYO ISRA’IIL OO LA KORDHIYEY.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY K/LUBNAAN.
(BEIRUT-LIB)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ey Isniinta maanta ah ey sheegtay in 24-qofood ey dileen Ciidamadda Difaac Isra’iil xilli dadka degaanka ey doonayeen iney ku soo laabtaan degaankooda oo ku yaalo Koonfurta dalka Lubnaan. War ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa intaas raacyey in lix haween ah ey ka mid yihiin dhibanayaasha halka 134-qofood oo kale ey dhaawacmeen,eyna ka mid yihiin14-dumar ah iyo 12-caruur ah. Warar hore ayaa sheegaayo in dhimashadu ey mareyso ilaa 22-qofood. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay iyadoo ciidamadda Isra’iil ey ku hareen dhulka Lubnaan ka dib markii 60-maalmood oo kama dambeys ah oo ey uga baxaan Koonfurta dalka Lubnaan ey ku ekeed Axadii iyadoo la raacayo heshiis Xabad Joojin ah. Aqalka Cad ayaa Axadii shalay ahayd sheegay in Isra’iil iyo Lubnaan ey ku heshiiyeen in la kordhiyo waqtiga bixitaanka Isra’iil ilaa 18-ka Bisha Feberaayo-2025-ka. Xabad joojinta jillicsan ayaa soo bilaabat 27-11-2024-kii taaso soo afjaraysay duqeymo is daba joog ah oo u dhexeeyo Isra’iil Ururka Xizbullahi duqeymaha ayaa soo bilaabmay 8/10/2023-kii maalin uun ka dib markii Xamaas ey weerartay Isra’iil 7/10/2023-kii,waxa eyna isu bedeshay colaad balaaran 23/9/2024-kii,maamulka Lubnaan ayaa sheegay in Isra’iil ey jebisay heshiiska la gaaray ugu yaraan 660-jeer. Sida ku cad shuruudda Xabad Joojinta, Isra’iil waxaa looga baahnaa iney ciidamadeeda kala baxdo Koonfurta Khadka Buluuga ah,Xuduuda dhabta ah wejiyadooda,halka ciidanka Lubnaan la rabay in la geeyo Koonfurta Lubnaan 60-maalmood gudahood. Xogta laga helay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa tilmaameysa in tan iyo markii ey Isra’iil duqeymaha ka dhanka ah Lubnaan bilawday 8-ddi bishii Oktoobar-2023-kii, ugu yaraan Isra’iil ayaa dishay dad gaaraayo ilaa 4080-qof,waxaane ka mid ah Dumar, Caruur iyo shaqaale Caafimaad,halka ey ku dhaawacmeen tiro gaareyso 16753-qof.
ISHA-AA.
SURIYA OO GACANTA KU DHGTAY HUB TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-HUB LAGU QABTAY XUDUUDA SURIYA IYO LUBNAAN.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in maamulka cusub ee Suriya uu gacanta ku dhigay shixnad hub ah oo ku sii jeeday Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Suriya ee SANA. Shixnadaan hubka ah ayaa la doonaayey in la gaarsiiyo Ururka Xizbullahi iyadoo la sii marinaayo jid Tahriib ah iskuna xira dalalka Suriya iyo Lubnaan gaar ahaan aag magaaladda xadka ku taalo Sargaaya,hubka la qabtay oo u badnaay kuwa aadka u fudud ayaa waxaa ka mid ahaa qoriga RPG iyo rasaastiisa. Horaantii bishan,masuuliyiinta Suriya waxa ey sheegeen iney qabteen shixnad Qoryo ah,Diyaadaha aan duuliyaha leheyn oo lagu sameeyey dalka Iraan iyo hub kale oo ey sheegeen iney ku wajahnaayeen dalka Lubnaan,balse xilligaas si cad ugama eysan hadlin Ururka Xizbullahi. Dadaaladda firfircoon ee dalka Suriya ee looga hortegaayo in hub lagu wareejiyo Ururka Xizbullahi ayaa ka dhigan is bedel weyn ka dib sannado badan oo awood u siinaayey Ururka Xizbullahi inuu shixnado nuucaan ah ey soo gaaraan iyagoo kaga imaanayey nidaamkii burburay ee Bahsaar AL-Asad,in kasta oo eysan cadeyn in qabashada hubka ee ugu dambeysay iney ka dhigan tahay inuu curtay isbedel balaaran oo dhanka Siyaasadda ah. Dalka Iraan waxa uu muddo dheer hub siinaayey Ururka Xizbullahi isagoo marinaayo dalka Suriya oo uu waqtigaas xukumaaayey Bashaar AL-Asad,laakin waxaa jirtay rajo ah in tani joogsan doonto marka xukumadda cusub ey dalka la wareegto kuwaaso aan la jaan qaadi karin himilooyinka Gobolka ee Iraan. Isra’iil waxa ey ka walaacsaneed in hub ka yimid taliskii dhacay ee Bashaar AL-asad loo soo gudbiyo Ururka Xizbullahi ee Lubnaan. Ciidamadda Difaaca Isra’iil ayaa duqeymo dhawr ah ka fuliyey xuduuda u dhexeysa Suriya iyo Lubnaan si ey uga hortagaan in hub gaaro Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan. Ka dib dhicitaankii Bashaar AL-Asad ee Suriya,8-dii Disembar-2024-kii,Hogaamiyaha dhabta ah ee dalka Suriya Axmed Sharac ayaa ka jawaabay walaaca Isra’iil wuxuuna soo jeediyey damaanad qaad ah in dawladda cusub ee Suriya eysan u hajabi dooonin Isra’iil ama eysan u ogolaan doonin Iraan iney dib u dhisato Suriya.
ISHA-WAKAALADO.
Dr.RASHA NAASIR AL-CALI OO LA AFDUUBAY.
(SAWIRKA)-HAYADAHA AMNIGA XUMUS.
(XUMUS-SYR)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaagyo in Waaxda Amniga ee Xumus ey beenisay fiidnimada caawa oo Sabti ah in Dr.Rasha AL-Cali la helay iyadoo la dilay,waxaane la xaqiijiyey in baadi goobkeeda uu weli sii socdo ka dib markii la helay xog sheegeysa in la afduubay. Warar la isla dhexmaraayo ayaa sheegaayo in Dr.Rasha la helay iyadoo faraha laga gooyey todobaad ka dib markii la afduubay. Si kastaba ha ahaatee Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganeysa ilo ka tirsan maamulka Amniga Xumus ayaa sheegtay in maamula Amniga Gobolkaasi uu helay “Xog ku saabsan afduubkii loo geystay Bare Sare oo Jaamicadeed Rasha Naasir AL-Cali shan maalmood ka hor,waxayna bilaabeen baaritaano,waxaane weli socdo baaritaanadda iyadoo lala kaashanaayo qoyska haweeneyda la afduubtay si loo garto kuwa geystay afduubka ka dibne cadaaladda loo horkeeno”. Isha ayaa sii wadatay waxa eyna tiri”Waxaan xaqiijineynaa in waxa la faafiyey ee ku saabsan helista Meydka Dr.Rasha Naasir AL-Cali eysan run ahayn welina baadi goobkii ayaa socda,mana jiro war sax ah oo ku saabsan Dr.Rashaa weli”. Isha ayaa ku nuuxnuuxsatay,iyadoo tiri””Waxaan xaqiijineynaa inaan ka fiirsan doono ama aan ka tegi doonin kiis kasta oo aan daba geli doono,waxaane u soo celin doonaa xuquuqda dadkii lahaa,waxaane la xisaabtami doonaa dembiileyaasha,waxaane noqon doonaa gashaanka dakeyna iyo ilaalinta xasiloonidooda. Waxaan ugu baaqeynaa dadkayaga iney kaalmeyaan hayadaha amnigeyna”. Waxaa xusid mudan in Dr.Rashaa Naasir AL-Cali ey ahayd Qoraa iyo Bare sare oo wax ka dhigta Kulliyadda Fanka ee Jaamicadda Xumus,waxa eyna ka tirsan tahay Ururka Qorayaasha Carabta. Dr.Rashaa,waxaa afduubtay rag hubeysan maalintii Isniinta ee la soo dhaafay xilli ey ka timid gurigeeda oo ku yaalo “Masaakin AL-Idkhaar”,waxa eyna ku sii jeeday Jaamicadda Xumus oo ku taalo bartamaha magaaladda Xumus. Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suriya ayaa warbixin ey Arbacadii soo saartay ku cambaareysay aduubka,waxayna xustay in “ey awoodi weyday iney aqoonsato kooxda afduubka u geysatay Dr.Rashaa Naasir AL-Cali”. Dr.Rashaa AL-Cali ayaa ka soo muuqatay baraha bulshada iyadoo xaqiijisay diidmadeeda”in caado ah oo lagu soo rogaa iyada ineysan aqbali doonin”.
ISHA-AA.
XAMAAS OO SII DEYSAY AFAR GABDHOOD OO ASKARA AH.
(SAWIRKA)-AFARTA GABDHOOD EE AH ASKARTA ISRAEL EE LA SII DAAYEY.
(USA)-Dawladda Maraykanka ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in sii wadida Dhaqangelinta Xabad Joojinta Marinka Gaza ey tahay mid “MUHIIM AH”,ka dib markii Xamaas ey sii deysay afar haween ah oo ka tirsan Ciidamadda Difaac Isra’iil,waxa eyna Xamaas ku bedelatay 200-Maxbuus oo reer Falastiin ah. “Waxaa aad muhiim u ah iney sii socoto dhaqangalka Xabad Joojinta iyo in dhammaan Maxaabiista Xamaas ey sii deyso oo si nabad ah loogu celiyo dadkooda”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo dhaweeyey sii deynta Haweenka askarta Isra’iil ka tirsan,balse ma eysan soo hadal qaadin Maxaabiista reer Falastiin ey Isra’iil sii deysay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marayanka ayaa intaas ku dartay”Maraykanku waxa uu u dabaal degayaa sii deynta afarta gabdhood ee Maxaabiista Isra’iil ah ka dib 477-Maalmood oo ey xirnaayeen”. Heshiiska Xabad Joojinta ee Marinka Gaza ayaa dhaqan galay horaantii todobaadkii hore,maalin ka hor Caleema saarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kuna beegneed 20/1/2025-ka. Madaxweyne Dolad Trump ayaa ku amaanay Ergaygiisa Bariga Dhexe Steve Witkoff inuu gaaray Heshiis Xabad Joojin ah ka dib wada hadallo socday muddo bilo ah eyna garwadeen ka ahaayeen Maraykanka,Masar iyo Qadar. Madaxweyne Trump ayaa ka hor Caleema saarkiisa ka digay in “Albaabadda Naarta ey si weyn u furmi doonaan”haddii aan la sii deyn Maxaabiista ey Xamaas ku haysato Marinka Gaza. Xarakadda Xamaas ayaa soo qafaashatay Maxaabiis reer Isra’iil ah oo gaaraayo ilaa 250-Maxbuus,ka dib markii ey weerar ku qaadeen magaalooyin ku yaalo Koonfurta Isra’iil, waxaane weerarkaasi ku dhintay dad dhan ilaa 1200-qofood,sida ey sheegtay Isra’iil,weerarkaas ayaan sababay inuu dhaco dagaalka Marinka Gaza kaaso ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 47-kun. Dagaalka Marinka Gaza waxa uu Isra’iil u horseeday in Caalamka u soo jeediyo Eedeymo aad u culus laguna soo oogo dacwad ka dhan ah Bani’adanimada iyo in Isra’iil ey geysatay xasuuq wadareed,dagaalka ayaa sababay oo kale in dad fara badan ey ka qaxaan guryahooda iyo dhibaato cunto yari ah.
ISHA-AA.
XAMAAS OO SII DEYN DOONTO AFAR ASKERI OO…
(SAWIRKA)-GABDHAHA XAMAAS SII DEYN DOONTO BERRI OO SABTI AH.
(QAAHIRA)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa fiidnimada maanta oo Jimcaha go’aansaday inuu la tashado Madaxda laamaha Amaanka iyo inuu horay u sii wado liiska haweenka Maxaabiista ee la qorsheeyey in la sii daayo Sabtida berri ah sida ey soo gudbisay Xamaas. Sida laga soo xigtay Kanaalka-12-aad ee Isra’iil,ka qeybgalayaasha kulanka ayaa si wadajir ah waxay u go’aansadeen in Xamaas ey jebisay qeyb ka mid ah Heshiiskii, Xadgudubkana uusan ahayn mid halis ah waxaane inagu filan oo kaliya in nuska Maxaabiis isdhaafsiga uu yahay dhammaad,sida uu qoray Wargayska The Times Of Isra’iil. Sida uu qabo Wargayska Isra’iil ee The Times Of Isra’iil heshiiska ayaa dhigaayo in marka hore la sii daayo dumarka aan askarta ahayn,ka dib dumarka askarta ah,ka dib dadka da’ada ah,ugu dambeyntana kuwa Xanuunsan. Isra’iil ayaa dawaladdaha Masar,Qadar iyo Maraykanka oo ah kuwa ku jiray dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xamaas u sheegtay in liiska afatra gabdhood ee Maxaabiista ah ey Xamaas sii deyneyso maanta Sabti ah uusan waafaqsaney Heshiiskii la gaaray Xamaasne ey jebisay qodob ka mid ah. Sida uu dhigaayo heshiiska la gaaray Dumarka rayidka ayaa ka horeeyo dumarka Ciidamadda ah ayey Isra’iil ku doodeysaa. Dhinaceeda,”Madasha Qoysaska Maxaabiista Isra’iil”ayaa daabacday caawa magacyadda afarta gabdhood ey Xamaas sii deyneyso Sabtida,waxa eyna qeyb ka yihiin Maxaabiis isdhaafsiga Xamaas iyo Isra’iil qeybtiisii labaad. Madasha ayaa soo saartay bayaan ey ku soo dhaweyneyso sii deynta gabdhaha kala ah”Liri Albag oo 19-jir ah,Daniella Gilboa oo 20-Jir ah,Karina Ariev oo 20-Jir ah iyo Naama Levy oo 20-Jir ah”gabdhahaan ayaa gacanta Xamaas ku jiray muddo dhan 477-maalmood. Gabdhahaan ayaa laga afduubay qeybta ilaaladda ee Ciidamadda Difaaca Isra’iil ee saldhiga ciidanka Nahal OZ intii uu socday weerarkii ey kooxda Xamaas ugu magaca dartay DUUFAANTII AL-AQSA’A, 7/10-2023-KII. Mid ka mid ah askarta la afuubay ayaa la soo badbaadiyey halka mid kalane la soo heley meydkeeda,shanta gabdhood ee la afduubay ee ilaaladda ahayd ayaa Agam Berger oo 21-jir ah laga reebay liiska gabdhaha berri la sii deyn doono,waxaane jira laba dumara ah oo rayid ah kuna jira liiska asalka ah ee 33-Maxbuus kuwaaso lagu wado in lagu sii daayo wejiga koowaad ee Xabad joojinta.
ISHA-WAKAALADO.
SHAQAALIHII MARKABKII GALAXY LEADER OO LA…
(SAWIRKA)-SHAQAALIHII LA SOCDAY MARKABKII GALAXY LEEADER OO LA SII DAAYEY.
(MASQAT-OMAN)-Xuutiyiinta Yeman ayaa sii daayey shaqaalihii la socday Markabkii Galaxy Leader kaaso u afduubnaay Xuutiyiinta muddo 14-bilood ah ka dib markii Markabkaan laga qafaashay Xeebaha Galbeed ee dalka Yeman,sida ey sheegtay warbaahinta Arbacada maanta ah. Telefishinka ey maamulaan Kooxda Xuutiyiinta ee AL-Masiirah ayaa sheegay in shaqaalaha Markabka Galaxy Leader lagu wareejiyey dalka ey Yeman jaarka yihiin ee Cumaan iyadoo lala kaashanaayo Xarakadda Xamaas,ka dib markii uu dhacay heshiiskii Xabad joojinta ee kooxda Falastiin ey la gashay Isra’iil,kaaso dhaqan galay Axadii la soo dhaafay. Markabka ayaa waxaa ka babanaayey calanka Bahamas,waxa uuna u kireysnaay Nippon Yusen oo laga leeyahay dalka Japan,waxaana Xuutiyiinta ey 19-kii Noofembar-2023-kii ey ka qafaasheen Badda Cas ee Xeebta Xudeydah. Xuutiyiinta ayaa cadeystay iney qabsanayaan Maraakiibta iyo iney weeraro la beegsanayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas,waxa eyna ku tilmaameen ficil iska caabin ah oo lagu taageeraayo Falastiiniyiinta reer Gaza oo Isra’iil duqeymo ku heyso.
ISHA-MEE.
TALIYE SARE OO XAMAAS AH OO NOOL,SABAB?
(SAWIRKA)-XUSEEN FAYAAD.
(GAZA)-Xuseen Faayaad,waxa uu ahaa Taliye ka mid taliyeyaasha Xamaas ee ka dagaalamaayey Marinka Gaza muddadii shanta iyo tobanka bilood ahayd,Ciidamadda Difaaca Isra’iil ayaa horay waxa ey u sheegeen iney dileen Xuseen Fayaad bishii Maayo-2024-kii,Xuseen ayaa waxa uu ka soo muuqday muuqaal cusub oo la soo dhigay baraha bulshada,sida ey sheegtay warbaahinta Falastiiniyiinta ee Arab48. Muuqaalka oo Arbacada maanta ah si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya nin u ekaa Xuseen Fayaad oo ka hadlaaya Aas ka dhacaayey Waqooyiga magaaladda Gaza,waxa uuna Xuseen iyo ragii la jiray ey dhex taagnayeen burburka dhismayaal ku burburay duqeyntii ciidamadda Isra’iil,waxa eyna dhegeysanaayeen hadalka Xuseen Fayaad. Xuseen Fayaad ayaa ahaa taliyaha Guutada Beyt Xanuun ee Xamaas. Beyt Xanuun waxay ahayd mid ka mid ah gooobihii ugu horeeyey ey Isra’iil beegsato sannadkii 2023-kii. Xuseen Fayaad ayaa khudbadiisa ku amaanay iska caabinta ey sameeyen reer Gaza taaso ka dhan ahayd weerarada ciidamada Isra’iil,waxa uuna Xuseen Fayaad goobta ka yiri”Marka kuwa Xooga leh ey gaari waayaan Hadafkooda,waa jabeen,laakin kuwa daciifka ah ee ka hor istaagay kuwa xooga leh iney gaaraan yoolkooda,waa guleysteen”.
ISHA-MEE.
HALKAN KA SI AKHRI.
WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY…
(SAWIRKA)-TEL AVIV.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in afar qof la dhaawacay ka dib markii lagu weeraray Mindi maanta oo Talaada ah magaaladda caasimadda ah ee Tel Aviv,halka dembiilihii geystay weerarka la dilay. Adeega baabuurta Gargaarka adeg dega ah ee Megan David Adom ayaa sheegay in laba qof ey soo gaareen dhaawacyo dhexdhexaada ah,halka labada kale ey soo gaareen dhaawacyo fudud. Warbaahinta Isra’iil ayaa ku warantay in ninka weerarka geystay uu u dhashay dalka Marooko uuna jiray 29-sano,waxa uuna haystay deganaanshaha rasmiga ah ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano GREEN CARD,waxa uuna Isra’iil soo galay seddex maalmood ka hor. 18-kii Janaayo,nin Isra’iili ah ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii lagu Tooreyey Tel Aviv sida laga soo xigtay ilo caafimaad,halka dembiilaha la toogtay lagu dhawaaqay inuu geeriyooday. Booliskka Isra’iil ayaa sheegay in qod rayid ah oo hubeysan oo meesha ka ag dhawaa uu rasaas ku ku furay ninka dadka mindiyeeyey waane uu dilay. Warbaahinta oo soo xiganeysa Booliska Isra’iil ayaa sheegtay in nin mindi sitay uu soo galay Maqaayad ku taalo wadada Levontin,weerarkaan ayaa dhacay habeen hore ey dhaqangashay Xabad joojinta Marinka Gaza.
ISHA-AH.
XILDHIBAANADA KHALIDA JARRAR OO LA SII DAAYEY.
(SAWIRKA)-KHALIDA JARRAR.
(GAZA)-Tan iyo markii la sxiixay heshiiskii Xabad joojinta una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,heshiiska ayaa la gaaray 15-ka bishaan Janaayo-2025-ka,balse waxaa jiray ismari waa la xiriira qaabka loo fulinaayo Heshiiska. Wadamada hawshaan garwadeenka ka ahaa kalana ah”Maraykanka,Masar iyo Qadar” ayaa ku guuleystay in ugu dambeyntii la gaaro heshiis Xabad joojin ah iyo in la soo daayo Maxaabiista ey kala haystaan labada dhinac. Khalida Jarrar waxa ey ahayd Maxbuusad reer Falastiin ah kuna jirtay gacanta ciidamadda Isra’iil,waxaane Xabsiga laga soo daayey maalintii shalay oo Axad ahayd, deysmadeeda ayaa qeyb ka ah Maxaabiis isdhaafsi u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Kahlida Jarrar, waa 61-jir ahne Xildhibaanad,waxa eyna u doodaa Xuquuqda Maxaabiista, Khalida waxaa lagu haayey xabsi u gaar ah Siyaasiyiinta kaaso Isra’iil u ogolaanaayo iney cidda ey doonaan isaga soo xirtaan iyagoo aan Maxkamad horgeyn,Khalida ayaa la soo xiray taariikhdu markeey ahayd 26/12/2023-kii,waxaane xarigeeda la cusbooneysiiyey dhawr jeer. Naadiga Maxaabiista reer Falastiin ayaa qabo in Xildhibaanad Khalida Jarrar la geeyey meel cidla ah si loo ciqaabo,waxaane lagu haayey qol cabirkiisu yahay 1MX1.5M oo ku yaalo Xabsiga Ayalon ee Raamalah.
ISHA-MEE.
WEJIGA KOOWAAD EE HESHIISKA OO DHAQAN GALAY.
(SAWIRKA)-BURBURKA GAARAY GAZA.
(GAZA)-Wararka ka imanaayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in qeybtii ugu horeeysay ee Maxaabiis reer Falastiin ah laga sii daayey Xabsiyadda Isra’iil taaso qeyb ka ah heshiiska Xabad joojinta ah ee dhexmaray Xamaas iyo Isra’iil. Xafiiska Warfaafinta ee maamulka Falastiin ayaa sheegay maanta oo Axad ah in dad laga soo daayey Xabsiyadda Isra’iil ey soo gaareen qoysaskooda oo ku sugan Bariga Qudus,ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Isra’iil. Waxaa lagu wadaa ilaa 900-qofood oo reer Falastiin ah in la sii daayo maanta oo Axad ah,saacado ka dib markii Xamaas ey sii deysay seddex Dumara oo reer Isra’iil ah kuwaaso lagu haystay Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas ee 7/10/2023-kii,wejiga koowaad ee heshiiska ayaa dhigaya in 33-Maxbuus oo Isra’iil ah in lagu bedesho 1,904-Maxbuus oo reer Falastiin ah. Axada maanta ah,Xamaas waxa ey Hayadda Laanqeerta Cas ku wareejisay qeybtii ugu horeysay ee Maxaabiista ku xirneed Marinka Gaza tan iyo weerarki dhacay 7/10/2023-kii,taaso iyadana ku wareejisay Ciidamada Isra’iil seddex haween ah oo reer Isra’iil ah. Maxaabiista Dumarka ah ee reer Isra’iil ayaa gaaray dhulka Isra’iil,waane qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 33-Maxbuus oo la soo daayey inta lagu guda jiray wejiga koowaad ee heshiiska Xabad joojinta ee lixda todobaad ah. Inta lagu guda jiro mudadaan ku dhawaad 1,900-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale laga sii deyn doonaa Xabsiyada Isra’iil,sida uu dhigaayo Heshiiska waxaa joogsan doono hawlgaladda dagaalka,ciidamada Isra’iil waxa ey isaga bixi doonaan goobaha ey dadku ku badan yihiin.
ISHA-AA.
DAGAALKA MARINKA GAZA YAA KU ADKAADAY?
(SAWIRKA)-REER GAZA OO FARAXSAN CAAWA.
(LONDON)-Ka dib 15-bilood oo duqeymo aan kala joogsi lahayn oo sababay dhimasho iyo burbur aan horay loo arag Marinka Gaza, falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Isra’iil ey aad uga fog tahay iney Guul Gaarto. In kasta oo ey awood xad dhaaf ah iyo taageero Caalami ah,hadane Isra’iil waxa ey ku guul dareysatay iney gaarto dhawr ka mid ah ujeedooyinkeeda muhiimka ah ee dagaallka Marinka Gaza,kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii ka dib markii weerar Xamaas ey Hogaamineysay uu ka dhacay Koonfurta Isra’iil. Fashilkaan ey wehliso kharashka weyn ee bani’adanimo ee Marinka Gaza ayaa muujineyso xiisad qoto dheer oo ka dhex jirta Mileteriga Isra’iil iyo Istaraatiijiyadda Siyaasadeed,ayuu yiri Sami Orabi. Inuu dhaco weerarkii Xamaas 7-dii Okt.2023-kii ayaa fashal muuhjinaayo in Isra’iil ey ku guul dareysatay Istaraatiijiyad,Mileteri,Sirdoon,iyo mid Ciidameed oo ey wax kaga qabtaan damacooda hubeysan.
ISHA-MEE.
FALCELIN KA DHALATAY HESHIISKA XAMAAS IYO ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-DAGAALKA MARINKA GAZA.
(QATAR-EGY)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Arbaca ah ey heshiis ku gaareen Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil,heshiiska la gaaray ayaa ka kooban ilaa iyo sideed Qodob oo ey wada aqbaleen labada dhinaca lana faafiyey. Reysala Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Dooxa ka dib markii dhinacyada ey ogolaadeen Heshiiska ayaa sheegay in la gaaray Heshiis uuna dhaqan geli doono Axada soo socoto,Heshiiska ayaa ah mid caalamka nabadda jecel ey wada sugaayeen waayo dagaalka Marinka Gaza ayaa ah midkii ugu xumaay ee soo mara dadka reer Falastiin. Hadaba,dagaalka Gaza ayaa maanta galay maalintiisii 465-aad waxa uuna soo bilawday 7/10/2023-kii,waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 46,707-Qof, kuwaaso 18,858-qof ey yihiin Caruur, 11,046-qof ey yihiin Dumar, waxaa dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 110,265-qof, waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahy ilaa hadda dad gaaraayo ilaa 11-kun qof. Heshiiskaan ayaa waxaa laga bixiyey Falcelino kala duwan waane sidaan: (1)-Qaramadda Midoobe waxa ey sheegtay in loo baahan yahay Taageero deg deg ah. (2)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa yiri”Ma jirto meel ey Argagixiasadu ku gabadaan”. (3)-Madaxweynaha Xilka kasii degaayo ee dalka Maraykank Joe Biden ayaa yiri’”Waan ku faraxsanahay”. (4)-Midawga Yurub ayaa isagana yiri”Dhaqan gelin buuxda”. (5)-Dalka Turkiga ayaa isagana yiri”Xasilooni joogta ah” (6)-Masar oo qeyb ka ahayd dalalka wedey in dagaalka la joojiyo ayaa iyadana tiri”Dedejinta gaarsiinta Gargaarka”. (7)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa tiri”Wax ka qabashada Aas aaska Khilaafka”. (8)-Ciraaq, waa in gargaarka yimaadaa isla markiiba. (9)-Urdun,ayaa tiri’Waa in la qaadaa tallaabo caalami ah oo deg deg ah”. (10)-Faransiiska ayaa sheegay in la ixtiraamo heshiiska lana gaaro xal Siyaasadeed. (11)-Jarmalka ayaa isagana sheegay in hesiisku furay Albaabka Xabad joojin waarta. (12)-Ingiriiska ayaa sheegay in Heshiiska yahay mid ey in mudda ah ey sugaayeen shacabka reer Falastiin iyo kan Isra’iil. (13)-Talyaaniga ayaa sheegay in heshiisku yahay talaabo loo qaaday dhinaca Nabadda. (14)-Isbeyn ayaa heshiiska u tixgelisay tallaabo aan laga maarmi karin oo ah wada loo maraayo xalka labada Dawladood. (15)-Kanada ayaa soo dhaweysay Heshiiska,waxa eyna sheegtay iney taageeri doonto dhammaan dadaaladda la doonaayo in lagu dhaqan geliyo. (16)-Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobe ee Xuquuqul Aadanaha ayaa muujiyey Nafis Qoto dheer ku dhawaaqidda wejiga koowaad ee heshiiska. (17)-Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa heshiiska ku tilmaantay”Nabaddu iney tahay Daawadda ugu fiican”. (18)-Hayadda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa heshiiska ku sheegtay in “Xabad Joojintu tahay Bilaw eysan ahay Dhammaad”.
ISHA-WAKAALADO.
DALKA KUWEYT OO XUKUMAY WASIIR MUSUQ SAMEEYEY.
(SAWIRKA)-SHEKH TALAAL KHALID.
(KUAWIT)-Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaayo in Maxkamadda Wasiiradda dalka Kuweyt iney 14-sano oo Xarig ah ey ku xukuntay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sheekh Talaal AL-Khaalid,ka dib markii lagu eedeeyey inuu musuq-maasuqay Kharaashaadka Wasaaradaha G/dhiga iyo Arrimaha Gudaha,waxaane lagu xukumay inuu soo celiyo lacag ku dhaw toban milyan oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta ($32,399,262.59) oo doolarka Maraykanka ah iyo inuu bixiyo Ganaax dhan labaatan milyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta ($64,798,525.19) oo doolarka Maraykanka ah. Xukunka ey maxkamadu ka soo saartay kiiskii ugu horeeyey ee ku saabsan Kharashaadka Wasaaradda G/dhiga ee lagu soo eedeeyey Wasiir Talaal Khaalid iyo Qof Ajnabi ah(Qurbojoog),ayaa waxaa ka mid ahaa in Wasiir Talaal Khaalid lagu Xukumay 7-sano oo Xarig ah isla markaasne inuu soo celiyo lacag dhan shan boqol oo kun oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta ($1,619,963.13) oo doolarka Maraykanka ah iyo inuu bixiyo Ganaax lacgeed oo dhan hal Muilyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta ($3,239,926.26) oo doolarka Maraykanka ah iyo xilka oo laga qaado. Waxaa kaloo ey Maxkamadda Xukuntay eedeysanaha labaad waxaane lagu xukumay 4-sano oo xarig ah,waxaane lagu ganaaxay lacag dhan 294-kun oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta($952,538.32) oo doolarka Maraykanka ah iyo in dalka laga Musaafuriyo marka uu xukunka dhammaysto. Kiiska labaad ee ku saabsanaa Kharashaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Maxkamadu xukuntay 7-sano oo Xariga Sheekh Talaal Khaalid ah iyo hawl adag,waxa eyna Sheekha ku xukuntay inuu soo celiyo sagaal Milyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta($29,159,336.33) oo doolarka Maraykanka ah,waxaane lagu ganaaxay sagaal iyo toban Milyan oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta($62,564,582.87) oo doolarka Maraykanka ah iyo in lala wareego baabuurtiisa.
ISHA-SA.
XAMAAS IYO ISRA’IIL OO GAARI DOONO XABAD JOOJIN.
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(DOHA-QATAR)-Kanaalka 12-aad ee Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah faahfaahin ku saabsan suurtagalnimada in la gaaro Xabad joojin iyo in Maxaabiis is-dhaafsi uu dhexmaro Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin. Heshiiska ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay seddex weji iyadoo marka hore uu socon doono ilaa 42-maalmood,waxaane ku jirta sii deynta 33-Maxbuus oo Isra’iil ah. Wafdi ka socdo Isra’iil, Reysal Wasaaraha dalka Qadar Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani iyo dhexdhexaadiyeyaasha Masar,Qadar iyo Maraykanka ayaa sugaayo go’aanka kama dambeysta ah ee Hogaamiyaha Xarakada Xamaas Maxamed Sinwaar oo ku saabsan qoraalka qabyada ah ee heshiiska,Kanaalka Isra’iil ayaa sidaas laga soo weiyey,dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Xarakada Xamaas ka codsaday iney ka soo jawaabaan saqda dhexe ee Isniinta maanta ah. Sidaoo kale Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa arrintaan kala tashanaayo Saraakiisha Amaanka sida uu sheegay Kanaalka 12-aad. Wejiga hore ayaa loo yaqaan ‘Wejiga Bani’adanimada”waxaane lagu wadaa inuu socdo ilaa 42-maalin,waxaane ka mid ah sii deynta 33-Maxbuus oo reer Isra’iil ah kuwaaso isugu jira kuwa nool iyo kuwa dhintay,iyadoo diiradda la saaray Haweenka,Waayelka iyo dadka Xanuunsan. Midaas dabadeed,Mileteriga Isra’iil ayaa isaga bixi doono inta badan Goobaha ey hadda gacanta ku hayaan ee Marinka Gaza. Warka ayaa sheegay in Geber kasta oo Askeriyad Israa’iil ah ee la sii deeyo in bedelkeeda la sii deyn doono 50-Maxbuus oo reer Falastiin ah kuwaaso isugu jira 30-Maxbuus kuna xukuman Xabsi Daa’in iyo 20-Maxbuus oo ku xukuman Xabsi muddo dheer ah.
ISHA-AA.
LUBNAAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.
(SAWIRKA)-RW-NAWAF SALAAM.
(BEIRUT)-71-Jirkaan,oo ilaa hadda ah Gudoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee Hague ayaa ka soo jeedo Qoys Siyaasadeed oo caan ah oo reer Beyruut ah. Horay ayaa loo soo bandhigay inuu Gole Wasiiro u soo dhiso dalka sida qotada leh u kala qeybsan ee ku yaalo Miditeraaniyaanka laakinse Ururka Xizbullahi ey taageerto Iraan ayaa si is daba jooga uga soo horjeestay,iyadoo kooxaha ka soo horjeeda ey rejeynayaan in Nawaf Salam inuu dib u habeyn ku sameeyo Hayadaha Dawliga ah ee baaba’asan una baahan gacan ku hayn. Ururka Xizbullahi ayaa tan iyo markii si xun loogu wiiqay dagaalkii ey la galeen Isra’iil eyna lumiyeen saaxibo muhiim ah oo gobolka ah sida Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad ayey suurtagal u noqotay in Madaxweynaha cusub ee dalka Lubnaan Joesph Cawn inuu Isniinta maanta uu u xil saaro Nawaf Salam inuu soo dhiso Xukuumadda Cusub uu yeesho dalka Lubnaan. Ururka Xizbullahi iyo xulafadiisa ayaa mar kale kasoo horjeestay magacaabista Salaam laakinse markii ugu horeysay Xisbiyo kale oo Siyaasadeed oo hore ula midoobay dhaqdhaqaaqa Shiicada ayaa taageeray magacaabidda Salaam.
ISHA-FP
(YEMAN):QARAX GAAS KA DHASHAY OO DAD KU DHINTEEN.
(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA GAASKA KA DHACAY.
(NASIFA-YE)-Wararka laga helaayo Goblka AL-Beyda’a ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in tobaneeyo qofood oo mawaadiniin Yeman ah ey ku dhinteen qaar kalane ey dhawaacmeen habeenimadii xalay oo Sabti ahayd ka dib markii Qarax uu ka dhacay goob lagu iibiyo Gaaska cuntada lagu karsado degaanka AL-Nasifa ee hoostaga degmada AL-Zaahir ee Gobolka AL-Beyda’a,degaanka wax ka dheceen ayaa ku yaalo xuduuda maamulka degmada AL-Xad ee Yaafic G/Laxaj. Wararka ayaa intaasi ku daraya,in ilaa hadda aan la ogayn tirada rasmiga ah ee dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi,iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dameysa Qaraxaas,waxaa la xaqiijiyey in ku dhawaad 30-ruux ey ku dhinteen kuna dhaawacmeen shilkaasi,maadaam goobta ey ku tiil gudaha Suuq aad u mashquul badan. Ku-Xigeenka Gudoomiyaha G/AL-Bayda’a Axmed Maxamed Xumeyqaani ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay xarunta Gaaska cuntada lagu karsado uu ka dhashay rasaas ey ciidamadda ku fureen gaari,waxaane xarunta Gaaska haleeshay Rasaas wiifta ah oo sababtay Qarax. AL-Xumeyqaani oo soo xiganaayo ilo caafimaad oo rasmi ah ayaa xaqiijiyey in tiro koobkii ugu horeeyey ee dadkii ku waxyeeloobay ey gaartay ilaa 47-xaaladood oo loo gudbiyey Isbitaalka AL-Thawra ee AL-Bayda’a iyo 45-xaaladood oo loo gudbiyey Isbitaalka Labuus ee Yaafac,marka lagu daro 5-xaaladood aan la aqoonsan. Meydadka ayaa loo gudbiyey Isbitaalka AL-Nasifah. Dhibaatadaan ayaa imaaneyso waqti uusan dalka Yeman lahayn dawlad kafaala qaada Amniga shacabka iyo xasiloonidiisa,halka ey wax ka dheceen ayaa maamul ahaan waxa ey hoos timaadaa Xuutiyiinta mana ey ka jiraan wax adeeg ah oo dhinaca caafimaadka ah,sidaas darteed dadka waxa ey u dhiman karaan daryeel la’aan caafimaad waqti kasta uu shil dhaco.
ISHA-AO.
DHULGARIIR KU DHUFTAY DALKA ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-DHULGARIIR.
(ADDIS ABABA)-Sida ey sheegtay Xarunta Cilmi Baarista ee Jijiyoolojiyadda dalka Jarmalka ee (G.F.Z), dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariir qiyaastiisa ey dhan tahay 5.5 Bariga caasimadda Addis Ababa,subaxnimadii hore ee Sabtida,Xarunta ayaa intaas raacisay in dhulgariirka uu hoos u gaaray dhulka ilaa toban kiilomitir. Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 5.8 ayaa ku dhuftay dalka Itoobiya saacadu markey ahayd 12:00-subaxnimo,sida ey sheegtay Xarunta Jarmalka. Hayadda Isgaarsiinta Dawladda itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 80-kun qof ey ku nool yihiin meelaha ey dhibaatadu ka dhacday,waxaane dadka ugu nugul iyo kuwa baahan loo rarayo guryo ku meel gaar ah. Gudiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay iney daad gureeyeen in ka badan 20-kun oo qof degaanadda nabdoon ee Cafarta iyo Oromada,marka la isu geeyo waxa ey ka badan 51-kun ayaa wajahaayo khatar. Dhulgariirku waa ku badan yahay dalka Itoobiya sababto ah meesha uu ku yaalo ee ku teedsan Wabiga weyn ee Rift Valley, oo ah mid ka mid ah meelaha ugu badan ee uu ka jiro Dhulgariirka adduunka. Dhulgariiradda iyo Folkaanada ey sababeen balaarinta taariikhda Tektonik ee Dooxadda hoose.
ISHA-AA
WEERAR CULUS OO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA WEERARAY YEMAN.
(SANA’A-YE)-Isra’iil ayaa qaaday mawjadeedii shanaad ee duqeymaha cirka ah,waane markii ugu horeysay sannadka cusub-2025-ka, weeradaan ayaa jawaab u ah weerarada Xuutiyiinta ee sii kordhaayo ee ka dhanka ah Isra’iil iyo Maraakiibta dagaalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan biyaha Badda Cas,waxaane la bartimaameedsaday goobo muhiim iyo goobo ciidan oo ku kala yaalo Goboladda Sanca iyo Camraan maanta oo Jimca ah iyo sidoo kale Dekeddaha Xudeyda iyo Ras Ciisa oo ku yaaliin Badda Cas,weerarka dhacay maanta ayaa waxaa iska kaashaday Maraykanka,Ingiriiska iyo Isra’iil. Ciidamadda Isra’iil ayaa xaqiijiyey iney duqeeymo ka fuliyeen Sanca iyo Xudeydah,kooxda Xuutiyiinta ey taageero Iraan ayaa sheegay in 12-weearar lala beegsaday goobohooda ku yaalo Xaraf-Sufyaan ee Gobolka Camraan oo 50-KM dhanka Waqooyi ka xiga magaaladda caasimada ah ee Sanca. Weeraradaan ayaa sidoo kale lala beegsaday goobo ey Xuutiyiinta maamulaan oo ku yaalo agagaarka Madaxtooyadda Sanca,halkaaso ey ku yaalaan Xerooyinka AL-Nahdeyn iyo AL-Xaafa oo ey u dheer tahay Xarunta Korotanada Xizyaz ee koonfurta magaaladda Sanca. Waxaa weeraro is daba joog ah lagu garaacay Dekeda Xudeydah iyo Dekeda Shidaalka ee Ras Ciisa ee ku taalo Badda Cas. Weerada Isra’iil ey ku qaado Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa dhacay: 20/7/2024-kii,waxaane lala beegsaday Dekadda Xudeyda. 29/9/2024-kii,waxa weerar lala beegsaday Dekadda Ra’asi Ciisa ee laga dhoofiyo Shidaalka kuna taalo Badda Cas iyo Xarunta dabka dhalisa ee Xizyaz kuna taalo koonfurta Caasimdda Sanca. 19/12/2024-kii, waxaa weerar lala beegsaday Xarunta dabka dhalisa ee Xizyaz ee magaaladda Sanca. 26/12/2024-kii,waxaa weerar lala beegsaday Garoonka diyaaradaha ww Sanca,Dekeda Xudeyda,Camraan iyo Ra’asi Ciisa.
ISHA-AA.
BOOLISKA CIRAAQ OO QABTAY LACAG TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-BOOLISKA CIRAAQ.
(BAQDAD-IR)-Wararka imanaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ey soo saartay bayaan ey ku sheegtay iney gacanta ku dhigtay lacag dhan shan Bilyan oo Liiraha dalka Suriya ah taaso lagu soo qariyey gaari xamuul ah oo maraayey Gobolka Kirkuk ee Waqooyiga dalka Ciraaq. War Saxaafadeedka oo uu soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Miqdad Miri ayaa sheegay in ciidamadda Amaanka ey u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan lacag dhan ilaa shan Bilyan oo Liiraha dalka Suriya ah oo lagu soo dhex qariyey gaari xamuul ah,xilli uu maraayey Kontaroolka Tukulaan ee Gobolka Karkuk,afhayeenka ayaa intaas raaciyey in la qabtay darawalkii weday gaariga xamuulka ah iyo ruuxii la socday. Afhayeen Miqdad Miri ayaa ku macneeyey in hawlgalkaan uu yimid ka dib markii la sameeyey koox shaqo oo uu kormeeraayo Taliyaha Booliska Kirkuk uuna la joogo madax Amniga shaqsiga,Agaasimaha xakameynta Dembiyadda Kirkuk,Agaasimaha la dgaalanka Demniyadda Abaabulan. Afhayeenka ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay sida uu qabo qodobka 281-aad ee xeerka ciqaabta isla markaasne loo tixraacay qodobka 52-aad ee Bangiyadda,isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
ISHA-AH
IMAARATKA OO LOO GACANGELIYEY WIILKA AL-QARADAWI.
(SAWIRKA)-GABYAA C/RAXMAAN AL-QARADAWI.
(ABU DHABI)-Wararka laga helaayo dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in loo soo gacangeliyey Gabyaa C/raxmaan Yusuf AL-Qaradawi kaaso ahaa mucaarad kasoo horjeeda Siyaasadda wadamadda Khaliijka qaarkood iyo dalka Masar,Gabyaa C/raxmaan ayaa ku xirnaay dalka Lubnaan caasimadiisa Beyruut tan iyo 28-kii bishii Disembar-2024-kii. War rasmi ah ey soo saartay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraatka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ey ku timid ka dib markii codsi dhiibis ah uu ka yimid dawladda dhexe ee Imaaraatka Carabta oo ey wakiil ka tahay Wasaaradda Cadaaladda loona gudbiyey maamulka dhexe ee Jamhuuriyadda Lubnaan si waafaqsan mabda’a isdhaafsiga,warku waxa uu intaas ku daray in Gabyaa C/raxman Yusuf AL-Qaradawi lagu eedeeyey inuu ku kacay falal kicin ah oo khalkhal gelinaayo amaanka guud ee dalka Imaaraatka Carabta. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Imaaraatku si adag uga hortegi doono cid kasta oo batilmaameed ka dhigata amaankeeda iyo xasiloonideeda,Imaaraatku kama waaban doono inuu baacsado dadka la raadinaayo si uu uga qaado talaabo sharciga waafaqsan”.
ISHA-AH.