WEJIGA KOOWAAD EE HESHIISKA OO DHAQAN GALAY.

(SAWIRKA)-BURBURKA GAARAY GAZA.

(GAZA)-Wararka ka imanaayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in qeybtii ugu horeeysay ee Maxaabiis reer Falastiin ah laga sii daayey Xabsiyadda Isra’iil taaso qeyb ka ah heshiiska Xabad joojinta ah ee dhexmaray Xamaas iyo Isra’iil. Xafiiska Warfaafinta ee maamulka Falastiin ayaa sheegay maanta oo Axad ah in dad laga soo daayey Xabsiyadda Isra’iil ey soo gaareen qoysaskooda oo ku sugan Bariga Qudus,ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Isra’iil. Waxaa lagu wadaa ilaa 900-qofood oo reer Falastiin ah in la sii daayo maanta oo Axad ah,saacado ka dib markii Xamaas ey sii deysay seddex Dumara oo reer Isra’iil ah kuwaaso lagu haystay Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas ee 7/10/2023-kii,wejiga koowaad ee heshiiska ayaa dhigaya in 33-Maxbuus oo Isra’iil ah in lagu bedesho 1,904-Maxbuus oo reer Falastiin ah. Axada maanta ah,Xamaas waxa ey Hayadda Laanqeerta Cas ku wareejisay qeybtii ugu horeysay ee Maxaabiista ku xirneed Marinka Gaza tan iyo weerarki dhacay 7/10/2023-kii,taaso iyadana ku wareejisay Ciidamada Isra’iil seddex haween ah oo reer Isra’iil ah. Maxaabiista Dumarka ah ee reer Isra’iil ayaa gaaray dhulka Isra’iil,waane qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 33-Maxbuus oo la soo daayey inta lagu guda jiray wejiga koowaad ee heshiiska Xabad joojinta ee lixda todobaad ah. Inta lagu guda jiro mudadaan ku dhawaad 1,900-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale laga sii deyn doonaa Xabsiyada Isra’iil,sida uu dhigaayo Heshiiska waxaa joogsan doono hawlgaladda dagaalka,ciidamada Isra’iil waxa ey isaga bixi doonaan goobaha ey dadku ku badan yihiin.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XILDHIBAANADA KHALIDA JARRAR OO LA SII DAAYEY.

Next
Next

DAGAALKA MARINKA GAZA YAA KU ADKAADAY?