XAMAAS OO SII DEYSAY AFAR GABDHOOD OO ASKARA AH.
(SAWIRKA)-AFARTA GABDHOOD EE AH ASKARTA ISRAEL EE LA SII DAAYEY.
(USA)-Dawladda Maraykanka ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in sii wadida Dhaqangelinta Xabad Joojinta Marinka Gaza ey tahay mid “MUHIIM AH”,ka dib markii Xamaas ey sii deysay afar haween ah oo ka tirsan Ciidamadda Difaac Isra’iil,waxa eyna Xamaas ku bedelatay 200-Maxbuus oo reer Falastiin ah. “Waxaa aad muhiim u ah iney sii socoto dhaqangalka Xabad Joojinta iyo in dhammaan Maxaabiista Xamaas ey sii deyso oo si nabad ah loogu celiyo dadkooda”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo dhaweeyey sii deynta Haweenka askarta Isra’iil ka tirsan,balse ma eysan soo hadal qaadin Maxaabiista reer Falastiin ey Isra’iil sii deysay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marayanka ayaa intaas ku dartay”Maraykanku waxa uu u dabaal degayaa sii deynta afarta gabdhood ee Maxaabiista Isra’iil ah ka dib 477-Maalmood oo ey xirnaayeen”. Heshiiska Xabad Joojinta ee Marinka Gaza ayaa dhaqan galay horaantii todobaadkii hore,maalin ka hor Caleema saarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kuna beegneed 20/1/2025-ka. Madaxweyne Dolad Trump ayaa ku amaanay Ergaygiisa Bariga Dhexe Steve Witkoff inuu gaaray Heshiis Xabad Joojin ah ka dib wada hadallo socday muddo bilo ah eyna garwadeen ka ahaayeen Maraykanka,Masar iyo Qadar. Madaxweyne Trump ayaa ka hor Caleema saarkiisa ka digay in “Albaabadda Naarta ey si weyn u furmi doonaan”haddii aan la sii deyn Maxaabiista ey Xamaas ku haysato Marinka Gaza. Xarakadda Xamaas ayaa soo qafaashatay Maxaabiis reer Isra’iil ah oo gaaraayo ilaa 250-Maxbuus,ka dib markii ey weerar ku qaadeen magaalooyin ku yaalo Koonfurta Isra’iil, waxaane weerarkaasi ku dhintay dad dhan ilaa 1200-qofood,sida ey sheegtay Isra’iil,weerarkaas ayaan sababay inuu dhaco dagaalka Marinka Gaza kaaso ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 47-kun. Dagaalka Marinka Gaza waxa uu Isra’iil u horseeday in Caalamka u soo jeediyo Eedeymo aad u culus laguna soo oogo dacwad ka dhan ah Bani’adanimada iyo in Isra’iil ey geysatay xasuuq wadareed,dagaalka ayaa sababay oo kale in dad fara badan ey ka qaxaan guryahooda iyo dhibaato cunto yari ah.
ISHA-AA.