XAMAAS IYO ISRA’IIL OO GAARI DOONO XABAD JOOJIN.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(DOHA-QATAR)-Kanaalka 12-aad ee Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah faahfaahin ku saabsan suurtagalnimada in la gaaro Xabad joojin iyo in Maxaabiis is-dhaafsi uu dhexmaro Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin. Heshiiska ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay seddex weji iyadoo marka hore uu socon doono ilaa 42-maalmood,waxaane ku jirta sii deynta 33-Maxbuus oo Isra’iil ah. Wafdi ka socdo Isra’iil, Reysal Wasaaraha dalka Qadar Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani iyo dhexdhexaadiyeyaasha Masar,Qadar iyo Maraykanka ayaa sugaayo go’aanka kama dambeysta ah ee Hogaamiyaha Xarakada Xamaas Maxamed Sinwaar oo ku saabsan qoraalka qabyada ah ee heshiiska,Kanaalka Isra’iil ayaa sidaas laga soo weiyey,dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Xarakada Xamaas ka codsaday iney ka soo jawaabaan saqda dhexe ee Isniinta maanta ah. Sidaoo kale Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa arrintaan kala tashanaayo Saraakiisha Amaanka sida uu sheegay Kanaalka 12-aad. Wejiga hore ayaa loo yaqaan ‘Wejiga Bani’adanimada”waxaane lagu wadaa inuu socdo ilaa 42-maalin,waxaane ka mid ah sii deynta 33-Maxbuus oo reer Isra’iil ah kuwaaso isugu jira kuwa nool iyo kuwa dhintay,iyadoo diiradda la saaray Haweenka,Waayelka iyo dadka Xanuunsan. Midaas dabadeed,Mileteriga Isra’iil ayaa isaga bixi doono inta badan Goobaha ey hadda gacanta ku hayaan ee Marinka Gaza. Warka ayaa sheegay in Geber kasta oo Askeriyad Israa’iil ah ee la sii deeyo in bedelkeeda la sii deyn doono 50-Maxbuus oo reer Falastiin ah kuwaaso isugu jira 30-Maxbuus kuna xukuman Xabsi Daa’in iyo 20-Maxbuus oo ku xukuman Xabsi muddo dheer ah.

ISHA-AA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

DALKA KUWEYT OO XUKUMAY WASIIR MUSUQ SAMEEYEY.

Next
Next

LUBNAAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.