DALKA KUWEYT OO XUKUMAY WASIIR MUSUQ SAMEEYEY.

(SAWIRKA)-SHEKH TALAAL KHALID.

(KUAWIT)-Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaayo in Maxkamadda Wasiiradda dalka Kuweyt iney 14-sano oo Xarig ah ey ku xukuntay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sheekh Talaal AL-Khaalid,ka dib markii lagu eedeeyey inuu musuq-maasuqay Kharaashaadka Wasaaradaha G/dhiga iyo Arrimaha Gudaha,waxaane lagu xukumay inuu soo celiyo lacag ku dhaw toban milyan oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta ($32,399,262.59) oo doolarka Maraykanka ah iyo inuu bixiyo Ganaax dhan labaatan milyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta ($64,798,525.19) oo doolarka Maraykanka ah. Xukunka ey maxkamadu ka soo saartay kiiskii ugu horeeyey ee ku saabsan Kharashaadka Wasaaradda G/dhiga ee lagu soo eedeeyey Wasiir Talaal Khaalid iyo Qof Ajnabi ah(Qurbojoog),ayaa waxaa ka mid ahaa in Wasiir Talaal Khaalid lagu Xukumay 7-sano oo Xarig ah isla markaasne inuu soo celiyo lacag dhan shan boqol oo kun oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta ($1,619,963.13) oo doolarka Maraykanka ah iyo inuu bixiyo Ganaax lacgeed oo dhan hal Muilyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta ($3,239,926.26) oo doolarka Maraykanka ah iyo xilka oo laga qaado. Waxaa kaloo ey Maxkamadda Xukuntay eedeysanaha labaad waxaane lagu xukumay 4-sano oo xarig ah,waxaane lagu ganaaxay lacag dhan 294-kun oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta($952,538.32) oo doolarka Maraykanka ah iyo in dalka laga Musaafuriyo marka uu xukunka dhammaysto. Kiiska labaad ee ku saabsanaa Kharashaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Maxkamadu xukuntay 7-sano oo Xariga Sheekh Talaal Khaalid ah iyo hawl adag,waxa eyna Sheekha ku xukuntay inuu soo celiyo sagaal Milyan oo Diinaarka dalka Kuweyt ah una dhiganta($29,159,336.33) oo doolarka Maraykanka ah,waxaane lagu ganaaxay sagaal iyo toban Milyan oo Diinaarka Kuweyt ah una dhiganta($62,564,582.87) oo doolarka Maraykanka ah iyo in lala wareego baabuurtiisa.

ISHA-SA.

Previous
Previous

FALCELIN KA DHALATAY HESHIISKA XAMAAS IYO ISRA’IIL.

Next
Next

XAMAAS IYO ISRA’IIL OO GAARI DOONO XABAD JOOJIN.