SURIYA OO GACANTA KU DHGTAY HUB TAHRIIB AH.

(SAWIRKA)-HUB LAGU QABTAY XUDUUDA SURIYA IYO LUBNAAN.

(SYRIA)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in maamulka cusub ee Suriya uu gacanta ku dhigay shixnad hub ah oo ku sii jeeday Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Suriya ee SANA. Shixnadaan hubka ah ayaa la doonaayey in la gaarsiiyo Ururka Xizbullahi iyadoo la sii marinaayo jid Tahriib ah iskuna xira dalalka Suriya iyo Lubnaan gaar ahaan aag magaaladda xadka ku taalo Sargaaya,hubka la qabtay oo u badnaay kuwa aadka u fudud ayaa waxaa ka mid ahaa qoriga RPG iyo rasaastiisa. Horaantii bishan,masuuliyiinta Suriya waxa ey sheegeen iney qabteen shixnad Qoryo ah,Diyaadaha aan duuliyaha leheyn oo lagu sameeyey dalka Iraan iyo hub kale oo ey sheegeen iney ku wajahnaayeen dalka Lubnaan,balse xilligaas si cad ugama eysan hadlin Ururka Xizbullahi. Dadaaladda firfircoon ee dalka Suriya ee looga hortegaayo in hub lagu wareejiyo Ururka Xizbullahi ayaa ka dhigan is bedel weyn ka dib sannado badan oo awood u siinaayey Ururka Xizbullahi inuu shixnado nuucaan ah ey soo gaaraan iyagoo kaga imaanayey nidaamkii burburay ee Bahsaar AL-Asad,in kasta oo eysan cadeyn in qabashada hubka ee ugu dambeysay iney ka dhigan tahay inuu curtay isbedel balaaran oo dhanka Siyaasadda ah. Dalka Iraan waxa uu muddo dheer hub siinaayey Ururka Xizbullahi isagoo marinaayo dalka Suriya oo uu waqtigaas xukumaaayey Bashaar AL-Asad,laakin waxaa jirtay rajo ah in tani joogsan doonto marka xukumadda cusub ey dalka la wareegto kuwaaso aan la jaan qaadi karin himilooyinka Gobolka ee Iraan. Isra’iil waxa ey ka walaacsaneed in hub ka yimid taliskii dhacay ee Bashaar AL-asad loo soo gudbiyo Ururka Xizbullahi ee Lubnaan. Ciidamadda Difaaca Isra’iil ayaa duqeymo dhawr ah ka fuliyey xuduuda u dhexeysa Suriya iyo Lubnaan si ey uga hortagaan in hub gaaro Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan. Ka dib dhicitaankii Bashaar AL-Asad ee Suriya,8-dii Disembar-2024-kii,Hogaamiyaha dhabta ah ee dalka Suriya Axmed Sharac ayaa ka jawaabay walaaca Isra’iil wuxuuna soo jeediyey damaanad qaad ah in dawladda cusub ee Suriya eysan u hajabi dooonin Isra’iil ama eysan u ogolaan doonin Iraan iney dib u dhisato Suriya.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

XABAD JOOJINTII LUBNAN IYO ISRA’IIL OO LA KORDHIYEY.

Next
Next

Dr.RASHA NAASIR AL-CALI OO LA AFDUUBAY.