SHAQAALIHII MARKABKII GALAXY LEADER OO LA…
(SAWIRKA)-SHAQAALIHII LA SOCDAY MARKABKII GALAXY LEEADER OO LA SII DAAYEY.
(MASQAT-OMAN)-Xuutiyiinta Yeman ayaa sii daayey shaqaalihii la socday Markabkii Galaxy Leader kaaso u afduubnaay Xuutiyiinta muddo 14-bilood ah ka dib markii Markabkaan laga qafaashay Xeebaha Galbeed ee dalka Yeman,sida ey sheegtay warbaahinta Arbacada maanta ah. Telefishinka ey maamulaan Kooxda Xuutiyiinta ee AL-Masiirah ayaa sheegay in shaqaalaha Markabka Galaxy Leader lagu wareejiyey dalka ey Yeman jaarka yihiin ee Cumaan iyadoo lala kaashanaayo Xarakadda Xamaas,ka dib markii uu dhacay heshiiskii Xabad joojinta ee kooxda Falastiin ey la gashay Isra’iil,kaaso dhaqan galay Axadii la soo dhaafay. Markabka ayaa waxaa ka babanaayey calanka Bahamas,waxa uuna u kireysnaay Nippon Yusen oo laga leeyahay dalka Japan,waxaana Xuutiyiinta ey 19-kii Noofembar-2023-kii ey ka qafaasheen Badda Cas ee Xeebta Xudeydah. Xuutiyiinta ayaa cadeystay iney qabsanayaan Maraakiibta iyo iney weeraro la beegsanayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas,waxa eyna ku tilmaameen ficil iska caabin ah oo lagu taageeraayo Falastiiniyiinta reer Gaza oo Isra’iil duqeymo ku heyso.
ISHA-MEE.