WASIIR DAVID LAMMY OO LAGU DHEGAN YAHAY.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA UK DAVID LAMMY.
(LONDON)-In ka badan 300-Qofood oo caan ka ah gudaha dadweynaha Carabta ee degan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka dalbaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Lammy inuu raaligelin ka bixiyo hadal uu Isniintii sheegay kaasoo ahaay “Inaan Wax Xasuuq ah uusan ka dhicin Marinka Gaza Sababtoo ah lama dilin Malaayiin Qofood”. Warqad furan oo uu bilaabay Golaha Carabta ee Ingiriiska ayaa lagu muujiyey “Cambaareeyn qoto dheer oo ku saabsan hadaladii dhawaan ka soo yeeray Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK David Lammy oo diiday in dhacdooyinka Marinka Gaza yihiin Xasuuq,in kastoo burbur balaaran uu saameeyey dadka rayidka ah.
ISHA-MEE.
YAA GUULEYSAN DOONO SIRDOONADA IRAAN IYO ISRA’IIL?
(SAWIRKA)-BOOLISKA ISRA’IIL.
(TEL AVIV)-Waxa aan la soconaa tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza iyo Koonfurta Lubnaan 7/10/2023-kii,waxaa dhinac socotay colaad aan qarsooneyn oo si toos ah uga dhexeysa dalka Iraan iyo Isra’iil,waxaane dhacday in Isra’iil ey ku guuleysatay in dilal qorsheysan ka fuliso gudaha dalka Iraan gaar ahaan caasimadda Tehran,waxaane halkaasi lagu dilay Hogaamiyihii Xamaas AUN-Ismaaciil Haniyah,sidoo kale Isra’iil waxa ey gudaha Lubnaan ku khaarijisay Hogaamiyihii Ururka Xizbullah AUN-Sheekh Xasan Nasrallah,intaas kuma eka dilalka Qorsheysan ey Isra’iil fulisay oo waxa ey horaantii bishaan Oktoobar-2024-ka dishay Hogaamiyihii Xamaas ee Marinka Gaza ka hawlgelaayey AUN-Yaxye AL-Sinwar iyo AUN-Hashim Safa’adiin oo isagana ahaay xil sugihii Ururka Xizbullah kaaso Isra’iil ey ku dishay weerar ka dhacay Lubnaan,Maxaa hadaba soo kordhay?. Markaan sheekada waxa ey ka socotaa gudaha Isra’iil, Lamaane degan degaanka Lod ee Isra’iil ayaa khamiista maanta ah lagu soo oogay tuhun ah iney dalka Iraan basaasayeen. Saraakiisha reer Isra’iil ayaa sheegay in Lamaanaha ey ururinayeen xogo Sirdoon oo ku saabsan goobaha muhiimka ah ee kaabayaasha Qaranka oo ey raaciyeen nin aqoonyahan ah oo ka tirsan xarun lagu falanqeeyo Amniga una dhashay Isra’iil la doonaayey in wax loo dhimo jirkiisa iyadoo loo adeegayo dalka Iraan. Ogolaanshaha daabacaada xariga dadka degan Lod ee ah Lamaanaha lana kala yiraahdo Rafael iyo Lala Guliyev oo labaduba ey da’adoodu ku dhawdahay 32-jir ayey Sirdoonka Gudaha ee Isra’iil ee Shin bet iyo Booliska Isra’iil bayaan ey si wadajir ah u soo saareen ku xuseen in kiiska Lamaanaha la qabtay uu yahay kii ugu dambeeyey eyna jiraan dhawr shil oo basaasnimo ah laguna eedeeyey iney ku lug leedahay dawladda Iraan kuwaaso la shaaciyey Todobaadyadii la soo dhaafay. Saacado ka dib,Dacwad Oogayaasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in nin kale lana yiraahdo Asher Binyamin Weiss oo degan Bnei Brak dacwad lagu soo oogay todobaadkii hore isagoo looga shakisan yahay hawlo la xiriira dabagalka Saynisyahanka Nukliyeerka kaaso ahaay bartilmaameedka shirqool dil Iraan lagu eedeeyey oo la kashifay ka dib markii la qabtay unug kale oo looga shakisan yahay inuu la shaqeynaayo dawladda Iraan.
ISHA-THE TIMES OF ISRAEL.
XIRIIRKA DALALKA IRAAN IYO JARMALKA OO SII..
(SAWIRKA)-JAMSHID SHARMAHD OO FADHIYA MAXKAMADA TEHRAN.
(TEHRAN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka ayaa sheegtay maanta oo khamiis ah in dalka Jarmalku uu xiri doono Qunsuliyadiisa ka furan dalka Iraan,balse Safaaradda dalka Jarmalka ey sii shaqeyn doonto,dhacdaan ayaa jawaab u ah Xukun dil ah ey dawladda Iraan ku fulisay Mawaadin Jarma ah asalkiisa ka soo jeedo Iraan. Dalka Jarmalka ayaa bixiyey amar ah in la xiro seddex Qunusliyadood ey Iraan ku kala leedahay Frankfurt,Hamburg iyo Munich taaso jawaab u ah Toogashadii lagu fuliyey Jamshid Sharmahd oo 69-jir ah. Arrintaan ayaa waxaa ka hadashay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Annalena Baerbock waxa eyna dilka Sharmahd ku tilmaantay in dawladda Iraan tahay mid Arxan daran. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii shalay oo Arbaca ahayd in Safiirkii Jarmalka u fahdiyey caasimadda Tehran Markus Butzel uu ka baxay dalka Iran ka dib markii la toogtay Sharmahd,Wasaaradda ayaana sheegtay iney Safiirka ugu yeertay la tashi. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa sheegay iney iska cadahay in dilka muwaadinka Jarmalka ah uu sababi doono “Xumaan Daran” oo taabata xiriirka Iraan iyo Jarmalka taaso mar hore la dhimay lana gaarsiiyey heerka ugu hooseeyo. Isniintii ina soo dhaaftay ayey ahayd markii Waaxda Garsoorka ee dalka Iraan ey ku dhawaaqday in xukun dil ah lagu fulin doono Sharmahd,kaaso lagu xukumay Sharmahd dil toogasha ah sannadkii 2022-kii ka dib markii lagu helay eedeymo la xiriira Argagixisonimo, eedeymahaas oo ey si adag u beeniyeen Dawaladda Jarmalka, ehelka Sharmahd iyo Hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa u yeertay sii hayaha Safaaradda Iraan Talaadadii la soo dhaafay si ey ugu wargeliso cabashada xoogan ey kaga soo horjeedo talaabadaan,Danjire Botzel ayaa sidoo kale cabasho u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan ee Tehraan.
ISHA-WAKAALADO.
DOONI KU QALIBANTAY XEEBAHA LIIBIYA.
(SAWIRKA)-DOONI SIDA MUHAAJIRIIN.
(QAHIRA)-Doon ey saarnaayeen13-Tahrribayaal Masaari ah oo ku sii jeeday Qaaradda Yurub ayaa ku degtay Xeebaha dalka Liibiya ,waxaane ku dhintay dhammaan dadkii doonidaasi saaarnaay marka laga reebo hal qof,sida ey sheegeen maamulka degaanka iyo koox Libiyaan ah. kooxda AL-Caabireen oo gargaar bani’adanimo siisa dadka Muhaajiriinta ah ee ku sugan dalka Libiya ayaa barteed Facebook ku sheegtay in doonida ey ku degtay meel 60-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Tabruuk fiidnimadii Isniinta ee shalay ahayd. Hal qof oo tahriibayaasha ka mid ah ayaa ka badbaaday shilkaasi,waxayna sheegeen in meydadka laga soo saaray badda lana keenay Xeebta. Agaasinka la dagaalanka Socdaalka aan Sharciga ahayn ee Tabruuk ayaa sidoo kale xaqjiiyey shilka dhacay. Sannadihii ugu dambeeyey dalka ku yaalo Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa noqday marinka ugu badan ey maraan muhaajiriinta ka soo cararay dagaaladda iyo faqriga ee Afrika iyo Bariga Dhexe.
ISHA-AP.
URURKA XIZBULLAH OO YEESHAY HOGAAN CUSUB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA CUSUB EE URURKA XIZBULLAH SHEEKH NACIIM QAASIM.
(BEIRUT)-Ururka Xizbullah ayaa u magacaabay Naciim Qaasim inuu noqdo Xoghayaha Cusub ee Ururka,todobaadyo ka dib markii Isra’iil ey dishay Hogaamiyihii mudada dheer soo haayey xilkaas AL-sayid Sheekh Xasan Nasrallah. Bayaan uu soo saaray Ururka maanta oo Talaada ah ayuu ku sheegay in Naciim Qaasim loo magacaabay Hogaamiyaha cusub ee Ururka Xizbullah,sababtoo ah “u hogaansanaantiisa Mabaadii’ida iyo Yoolka Ururka Xizbullah”. “Waxaan alle uga baryeynaa inuu hanuuniyo hawshaan sharafta leh ee uu ku hogaamiyo Ururka Xizbullah iyo iska caabinta Islaamka”ayaa la raaciyey bayaanka Ururka. Ururka Xizbullah ayaa waxaa in mudda ah soo hogaaminaayey Sheekh Xasan Nasrallah,waxaane Sheekha lagu dilay duqeyn ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil 27/9/24-ka gudaha magaalada caasimadda ah ee Beyruut,sidoo kale waxaa isna duqeyn dhinaca cirka isra’iil ku dishay ninki lagu weday inuu bedelo Sheekh Xasan Nasrallah kaaso lagu magacaabi jiray Haashim Safa’adiin,dilka Haashim ayaa dhacay 3/10/24-ka.
ISHA-MEE.
DAWLADDA QADAR OO KA HADASHAY XABAD JOOJINTA…
(SAWIRKA0-AFHAYEENKA ARRIMAHA DIBADDA QADAR.
(DOHA-QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ey sheegtay maanta oo Talaada ah iney la shaqeyn doonto Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ilaa daqiiqada ugu dambeysa ka hor Doorashada Madaxweynaha in la gaaro go’aanka wada hadaladda xabad joojinta ee Marinka Gaza,waxay kaloo Wasaardu sheegtay ineysan soo saarin natiijooyin xun lana xiriira hawlaha dhexdhexaadinta. “Ma ogi wax natiijo ah oo xun oo doorashooyinka ku saasban habka dhexdhexaadinta laftiisa. Waxaan aaminsanahay iney la tacaalaan hayadaha sida dalka Maraykanka waane in hayadaha lagu maalgeliyaa helitaanka xalka,”Sidaas waxaa laga soo xigtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar Maajid AL-Ansari mar uu qabtay shir jaraa’id. Madaxa sirdoonka Isra’iil ee Mossad iyo Agaasimaha CIA-da Maraykanka ayaa dhawaan ka qeybgalay wada hadalo ka dhacay caasimadda Qadar ee Dooxa,waane wada hadaladii ugu horeeyey oo heer sare ah tan iyo dadaaladii xabad joojinta ee loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Marinka Gaza uu burburay bishii Agoosto.
ISHA-FP.
BAS KU GUBTAY YEMAN IYO DADKII OO LAGA BADBAADIYEY.
(SAWIRKA)-BASKA GUBTAY.
(ABYAN-YEMAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Abyan ee Koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah uu halkaasi dab ku qabsaday gaari bas ah oo ey iska leedahay Shirkadda AL-Najaar koonfurta magaaladda Zinjubaar ee Gobolka Abyan ee Koonfurta Yeman. Ilo degaanka ah ayaa Wargayska Al-Masdar-Online u sheegay in dab uu ka kacay gaari bas ah oo ey leeedahay Shirkadda AL-Najaar,Baska ayaa ka soo ambabaxay caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan,waxaane la socday tiro dad ah oo ku socday magaaladda Riyad ee caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuud Carabiya. Wararka ayaa intaas ku deraayo in baska uu dab qabsaday daqiiqado ka dib markii uu ka gudbay barta koontaroolka Doofis iyo markii uu soo gaaray isgoyska Sheekh Cabadallah oo ku yaalo khadka caalamiga ah ee Koonfurta magaaladda Zinjubaar. Wararka ayaa intaas ku deraayo in wadayaasha Basaska ey dareemeen dabka isla markii uu kacay,ka dibne ey joojiyeen baskii,waxa eyna ka daad gureeyeen dhammaan dadkii rakaabka ahaay iyo boorsooyinkoodii ey wateen.
ISHA-MASDAR-ONLINE.
ISRA’IIL OO MAMNUUCDAY HAYADDA UNRWA.
SAWIRKA-UNRWA.
(LONDON)-Todobo wadan oo xulafo la ah Isra’iil eyna ka mid yihiin Boqortooyadda Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa cambaareeyey mamnuucidda Hayada Qaramada Midoobe UNRWA ee ka hawlgasha Isra’iil iyo dhulka la haysto ee Falastiin. Dalalka Jarmal,Faransiiska,Ingiriiska,Australia,Kanada,Jabaan iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa ka digay qaraarka lagu mamnuucaayo UNRWA iney ka dhallan karaan cawaaqib xumo. Wasiiradda Arriaha Dibadda ee todoba ka mid ah xulafada Isra’iil ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ey ku cambaareynayaan Hindisa Sharciyeedka Isra’iil ku mamnuuceyso Hayadda Qaramada Midoobe ee UNRWA oo ah mid QM u qaabilsan Qaxootga reer Falastiin. Wadamadda todobada ah ee aan kor ku xusnay ayaa ka digay biilasha iney ku yeelan karaan Cawaaqib xun dhulka la haysto iyo Marinka Gaza,Hayadda QM ee UNRWA waa isha aasaasiga ah ee taageerada bani’adanimo gaarsiisa dadka reer Falastiin iyo dalalka deriska ah ee martigeliyo Qaxootiga reer Falastiin.
ISHA-MEE.
ISRA’IIL OO CADAADIS SAREYSO WADAMADDA…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdad ayaa sheegaayo in Isra’iil cadaadis ey saareyso wadamo badan oo ku kala yaalo Qaaradaha Asiya iyo Yurub si aan loo dhammaystirin heshiiska hubka ey Ciraaq la gashay wadamadaas sida ilo wareedyo ku sugan Baqdad ey u sheegeen Wargayska The New Arab. Waxaa la arki lahaay dalka Ciraaq oo iibsanaayo nidaamyadda Gentaaladda Hawada ilaa hawo,hababka raadaaradda iyo qalab ciidan oo kala duwan,seddex ilood oo reer Ciraaq ah ayaa u sheegay wargayska The New Arab qeybtiisa Luqada Carabiga. Horaantii sannadkan 2024-ka Wasaaradda G/dhiga dalka Ciraaq ayaa xukuumadda u gudbisay talo soo jeedin iyadoo ugu baaqday la socdoka dalka iyo awoodaha wax ka qabsahada iyadoo ey sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Gobolka Bariga dhexe kuwaaso ka dhashay dagaalka Marinka Gaza iyo qulqulka Gobolka.
ISHA-NA.
JABHADA FATAX OO U DIGTAY ISRAA’IIL.
(SAWIRKA)-MARWAAN BARGUUTI.
(TEL AVIV)-Dhaqdhaqaaqa Fatax ee reer Falastiin ayaa ka digay in Israa’iil ey isku dayeyso iney Disho Hogaamiyaha reer Falastiin Marwaan Barguuti ka dib markii la soo sheegay in gudaha xabsi ey mar kale ku weerareen ilaaladda xabsiga. Marwaan Barguuti oo ah nin Falastiini ah oo si weyn loo jecel yahay ayaa Israa’iil u xiran tan iyo sannadkii 2002-dii ka dib markii Maxkamad ku taalo Israa’iil ey ku xukuntay dil Toogasha ah isagoo la sheegay inuu ka dambeeyey weerar ka dhacay Israa’iil balse hadda loogu bedelay Xabsi daa’in ah,Barguuti ayaa hadda lagu hayaa Xabsiga Megiddo ee ku yaalo Waqooyiga Israa’iil halkaaso uu kula kulmay weeraradii ugu dambeeyey. Hogaamiyaha Fatax Barguti ayaa lala weeraray Maxaabiis kale oo reer Falastiina ah eyna iskula xiran yihiin hal xabsi horaantii bishii hore ee Sebtembar-2024-ka sida uu sheegy Qareen ka socday Gudiga Falastiiniyiinta ee Maxaabiista u xiran Isra’iil iyo arrimaha Maxaabiistii hore,laakinse dhacdadaan ayaa hadda uun soo shaac baxday.
ISHA-NA.
TIRADA SAXAFIYIINTA REER FALASTIIN OO GAARTAY…
(SAWIRKA)-SAXAFIYIINTA LA DIALAY IYO MAGACYADOODA.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in seddex wariye oo Falastiiniyiin ah lagu dilay halkaas maanta oo Axad ah ka dib markii uu dhacay weerar dhinac cirka ah ey qaadeen Ciidamadda Difaac Israa’iil(IDF),tirada wariyeyaasha ee reer Falastiin ee lagu dilay dagaalka ka socdo Marinak Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii ayaa gaareyso ilaa 180-saxafi sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Anadolu. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Marinka Gaza ayaa Waraiyeyaasha la dilay ku sheegay iney kala yihiin Saacid Radwaan oo ka tirsan TV-ga maxaliga ah ee AL-Aqsa,Xamsa Abu Salmiya oo ka tirsan Wakaaladda Wararka Sanada iyo Xaneen Maxamud Baaruud oo shaqeyneysay iskaashatada AL-Qudus. Xafiiska warbaahinta ee Marinka Gaza ayaa Beesha Caalamka iyo Ururada Saxafada ka codsaday iney soo farageliyaan arrinkaan si looga hortago inuu sii socdo dilka saxafiyiinta,Iagana daba tago dembiyada Israa’iil ka gaysatay Gaza,isla markaasne Israa’iil lagu cadaadiyo iney joojiso xasuuqa joogatada ah iyo dilka Saxafiyiinta reer Falastiin.
ISHA-MEMO.
WASIIR AXMED FIQI OO GAARAY MAGAALADA RIYAD.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DHIGIISA FEYSAL.
(RIYAD)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farxaan Cabdalla ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xarunta Wasaaradda ee caasimadda Riyad ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Calamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Amb.Axmed Macallin Fiqi. Intii ey socotay soo dhaweynta ayey labada Wasiir waxa ey lafa gureen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga,waxaane laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaay iskaashiga dhinacyada kala duwan,waxaane sidoo kale laga hadlay arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamka. Soo dhaweynta Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka qeybgalay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee dhinaca Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga Danjire Dr.Sacuud AL-saadhi. Booqashadda Wasiir Fiqi ayaa imaaneyso waqti la hadal haayo in dad fara badan oo Soomaali ah ey ku dheceen xukuno kala duwan gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga,waxaane weli kala cadeeyn arrimaha uu Wasiir Fiqi halkaas u tegay kuwa ey yihiin mana jiro wax qoraal ah oo aad u faahfaahsan kana hadlaayo sababta uu Wasiir Fiqi ugu safray dalka Boqortooyada Sacuudiga.
ISHA-SB-MEDIA.
ISMIIDAAMIN LOO ADEEGSADAY BAABUUR QAADA XAMUULKA.
(SAWIRKA)-BAABUURKII XAMUULKA EE KU DHACAY GOOBTA BSASKA LAGA RAACO.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in ugu yaraan ilaa 37-Qofood oo Israa’iiliyiin ah ey ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Baabuur kuwa Xamuulka ah kaaso lala beegsaday goob basaska laga raaco oo ku taalo degaanka Glilot ee Waqooyiga magaaladda caasimada ah ee Tel Aviv,adeega Ambalaaska Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in ugu yaraan 15-Qofood oo ka mid ah dadkii dhaawacmay ey ku jiraan xaalad halis ah. Wararkii ugu horeeyey ayaa sheegaya in gaariga Xamuulka ah ee ku dhacay goobta basaska laga raaco ee Waqooyiga Tel Aviv in waxyeelo kasoo gaartay askar ku sii jeeday saldhigyo ey leeyihiin ciidamadda Difaac Israa’iil(IDF). Wargayska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in tiro dad ah oo dhaawac ah ey weli ku hoos jiraan gaariga Xamuulka ah kuwaso ey liidato xaaladooda, hayadaha gargaarka Israa’iil ayaa sheegaayo iney gargaar deg deg ah siiyeen dad fara badan kuwaaso ku jiray gaariga Xamuulka ah. Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in boolisku ey toogteen darawalkii weday gaariga Xamuulka ah iyaddoo aan la bixin xog dheeri ah kuna saabsan xaaladiisa. Ilo dhanka amaanka ah ayaa intaas ku daray in ninka falkaan haystay ey u badan tahay inuu ka soo jeedo Bariga Qudus iyadoo aan weli la xaqiijin cidda uu yahay.
ISHA-NA.
IRAAN OO KA HADASHAY WEERARKII ISRAA’IIL EE SHALAY DHACAY.
(SAWIRKA)-AFARTII ASKERI EE IRAN UGA DHIMATAY WEERARKII ISRAEL.
(TEHRAN-IRAN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Iraan ee Tehran ayaa sheegaaayo in Iraan ey dalka Maraykanka ku eedeysay inuu ku lug lahaay weerarkii Israa’iil ey ku qaaday dalka Iraan qeybo ka mid ah shalay oo sabti ahayd. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Iraan Cabaas Araghchi ayaa ku eedeyey xukuumadda Washington iney siisay Israa’iil marinadda hawada ee hawlgaladda hawada Israa’iil. “Maraykanku si cad ayuu uga qeyb qaatay weerarkii Sabtida dhaca”ayuu yiri Wasiir Cabaas mar uu waraysi siinaayey Tv-ga Dawladda Iraan maanta oo Axad ah. “Maraykanku waxa ey siiyeen marin hawada ah ciidamadda cirka ee Sahyuuniyadda,qalabka difaaca oo ey u soo direena waxaa loo arkaa nuuc ka mid ah ku lug lahaanshaha hawgaladii dhawaa”ayuu raaciyey hadalkiisa Wasiira Cabaas,isagoo sheegay in ka qeybgalka Maraykanka ey si buuxda u cadahay. Wasiir Cabaas isagoo ka hadlaayey ka falcelinta caalamiga ah ee weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Iraan shalay ayuu yiri’Heerka Cambaareynta caalamiga ah ee falkaan gardarada ah ee hayadda Sahyuuniyadda waxay ahayd mid aad u sareyso”. Israaa’iil ayaa Sabtidii sheegtay iney weerar afar saacadood qaatay ey ku qaaday dalka Iraan,iyadoo Tehraan ey sheegtay iney si guul leh uga hortagtay”isku dayo ey sameyeen hayadaha Sahyuuniyadda oo ey ku doonayeen iney ku weeraraan meelo ka mid ah Tehran iyo dalka oo dhan”,sida laga soo xigtay Mileteriga Iraan weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar askeri. Weerarka ey Israa’iil shalay qaaday ayaa daba socdo weeraradii Iraan ey ku qaaday Israa’iil eyna ku gentay ilaa 180-Gentaal dhulka Israa’iil horaantii bishaan Oktoobar-2024-ka,weerarkaas ayey dawladda Iraan ku tilmaantay ‘Aargoosi”la xiriira dilalkii loo gaystay hogaamiyeyaashii sare ee kooxaha Xamaas iyo Xizbullahi,waxayna dawladda Iraan horay uga digtay in weerar kasta oo Israa’iil ku qaado Iraan iney la kulmi doonto “Jawaab adag”.
ISHA-AA.
XASUUQ KA DHACAY DALKA SUUDAAN.
(SAWIRKA)-SUUDAAN.
(KHARTUM)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartum ayaa sheegaayo iney korortay tirada dadka ey xasuuqeen ciidamadda taageerada deg dega ah ey ka geysteen Gobolka AL-Jaziira ee bartamaha dalka Suudaan,iyadoo ey jiraan tiro dhimasho iyo dhaawac ah aan weli la xaqiijin. Xasuuqii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada AL-Sarixa ee Waqooyiga Gobolka AL-Jaziira taaso qiyaas ahaan u jirta 80-kiilomitir magaaladda caasimadda ah ee Khartum,ka dib markii ciidamo gurmad ah ey ku fureen rasaas hub fudud iyo mid culus isugu jira,halkaas oo ey ku dileen dad gaaraayo ilaa 124-Qofood eyna ku dhaawaceen tiro kale oo dad ah. Ciidamadda RSF-ta ayaa xiray ilaa 150 qofood oo shacab ah sida uu sheegay qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta madaxa banaan isagoo doorbiday inaan magaciisa la sheegin. Dhimashada ayaa noqoneysa tii ugu badneed ka dib dhacdadii xasuuqa ahayd ee ka dhacday Tuuladda Wad AL-Nuur ee Galbeedka Gobolka AL-Jazeera bishii Luuliyo ee la soo dhaafay. Todobaad ka hor ayey ahayd markii Ciidamadda Taageerada deg dega ah(RSF) ey bilaabeen olole ey ku sheegeen iney kaga aargoosanayaan seddex magaalo oo ka tirsan Gobolka AL-Jaziira iyo in ka badan sodon Tuulo oo ka tirsan Gobolka Bari iyo Waqooyi ee maamulka AL-Jaziira,ka dib markii Abu Caqla Kikeyl oo gacansaar la lahaay Bariga AL-Jaziira uu ka goostay RSF-ta kuna biiray ciidamadda dawladda Suudaan. Olole aargoosi ah ayaa ka bilawday magaaladda Timbool halkaaso tirada dadka lagu dilay ey gaareyso ilaa 200-Qofood oo rayid ah,sidoo kalane waxaa Tuulooyin kale lagu dilay dad kale kuwaaso tiradooda aan si sax ah weli loo helin,waxaane u sabab ah go’itaanka Isgaarsiinta Gobolka AL-Jaziira oo go'oneed tan iyo bishii Feberaay-2024-ka.
ISHA-NA.
236-QOFOOD OO LAGU TOOGTAY SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-ASKERI SACUUDIYAAN AH.
(LONDON)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa wajahaayo dhaleeceyn isdaba joog ah oo ku saabsan adeegsiga xad dhaafka ah ee ciqaabta dilka ah inkasto uu balan qaaday dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan in ka badan laba sano ka hor oo ku saabsan dhimista tirada dilalka ee dalka Sacuudiga,sida dadka u ololeeyo iyo difaacayaasha Xuquuqda Adanaha ey sharaxayaan waxa ka dhacaayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ee ku yaalo Khaliijka. Arbacadii shalay ahayd, Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in masuuliyiinta dalka Sacuudiga ey todobo qofood ey ku jiraan shan qofood oo lagu helay iney si sharci dara ah ku galeen Boqortooyadda Sacuudiga ey dil toogasha ah ku fuliyeen,taaso ka dhigaysa tirada xukunada dilka ah ee sannadkaan laga fuliyey Boqortooyada Sacuuiga ilaa 236,sida ey sheegeen hayadaha u dooda Xuquuqda Adanaha. Sida lagu sheegay tirakoob uu soo saaray Urur u dooda Xuquuqda Bani’adamka ee fadhigiisu yahay Yurub ayaa kiisaska dilka ah kana dhacay Sacuudiga iney ku jiraan 137-Qofood oo Mawaadiniin Sacuudi ah,18-Qofood oo Bakistaaniyiin ah iyo 13-Qofood oo Yamaniyiin ah. Kiisaska soo haray waxaa ka mid ah dalalka kale oo kala duwan oo ey ku jiraan Suuriya,Masar,Urdun,Sudan,Hidiya,Itobiya,Nayjeriya,Sirilanka,Afganistan iyo Filibiin. Kiisaska dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ahaay afar dumar ah,18-kiis oo dad lagu edeeyey kiisas Siyaasadeed iyo 14-kiis oo la xiriira Aragagixisonimo sida uu sheegay Ururka uu fadhigiisu yahay Berlin.
ISHA-AD.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SARKA…
(SAWIRKA)-MARQANI IDIRIS SULEYMAAN.
(WASHINGTON)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay maanta oo khamiis ah Marqani Idiris Suleymaan oo masuul ka ah dadaaladda lagu hubeynaayo Ciidamadda Qalabka Sida ee dalka Suudaan iyo doorka uu ku lahaa heshiisyada ey hubka ku helaysay Xukuumadda Suudaan oo hadda dagaalka kula jirto Xoogaga Taageeradda deg dega ah. Wasaaradda lacagta Maraykanka ayaa sheegtay in Suleymaan uu udub dhexaad u ahaa heshiisyada hubka ee sii huriyey arxandarada iyo baaxadda dagaal,Marqani ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Nidaamka Warshadaha Difaaca(DIS) oo ah qeybta ugu weyn ee wax soo saarka hubka iyosoo iibsiga ee hubka Suudaan. Marqani Suleymaan waxa uu shaqadiisa ka bilaabay Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sida ee Suudaan,waxa eyna isku mar wada qalin jebiyeen Abaanduukiyaha Ciidamadda Suudaan Cabdulfatah AL-Burhani dufcadii 31-aad.
ISHA-AD.
MARAYKANKA IYO QADAR OO KA SHIRAY…
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO ALTHANI.
(DOHA-QATAR)-Caasimadda dalka Qadar ee Dooxa waxaa soo gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken,waxa uuna ku dhawaaqay in dalkiisa iyo Israa’iil ey dib u bilaabi doonaan wada hadalada ku saabsan heshiiska lagu sii deynaayo Maxaabiista u xiran Xarakadda Xamaas iyo xabad joojin rasmi ah oo ka dhacda Marinka Gaza maalmaha soo socdo iyadoo aan la cayimin taariikhda. Waxaane magaaladda Dooxa ee dalka Qadar shir Jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Md.Sheekh Maxamed C/raxmaan AL-Thani,waxa uuna sheegay inuu dib u bilaaban xiriirkii ey la lahaayeen Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ka dib dilkii Yaxye AL-Sinwa,waxa uuna RW-AL-Thani carabka ku adkeeyey isla waqtigaas. Wadada lagu soo gabagabeynayo heshiiska xabad-joojinta ayaa ah mid adag mana jiro wax isbedel ah. Masuul reer Qadar ah oo dalkiisu door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta Xarakadda Xamaas iyo Israa’iil iyagoo garab ka helaayo dalka Masar ayaa ka digay in guusha doorkaan ey ku xiran tahay wadashaqeynta labada dhinac ey khuseyso wada xaajoodka.
ISHA-AD.
XARAKADDA XAMAAS OO YEELATAY GOLE CUSUB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYIHII GEERIYOODAY EE XARAKADDA XAMAAS YAXYE AL-SINWAR.
(GAZA)-Xarakadda Xamaas waxa ey go’aansatay iney dhisto Gole Hogaamineed oo uu dhaqdhaqaaqu yeelanaayo halkii ey ka magacaabi lahaayeen Madaxweyna bedela Yaxye AL-Sinwar ilaa doorashada soo socoto. Warbaahinta AL-Carabiya waxay ka ogaatay ilo xog-ogaal ah oo Falastiiniyiin ah in Golaha cusub ee Hogaanka Xarakadda Xamaas uu ka kooban yahay Madaxa Golaha Shuuradda ee Xarakadda inuu yahay Muxamed Darwiish,marka laga soo tago Madaxa Xaraadda ee dibadda Khalid Mashcal,ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Khalil AL-Xayeh,Madaxa Gobolka Daanta Galbeed Zaher Jabarin iyo Xoghayah Arrimaha Sirta ee Xarakadda Xamaas Nizar Cawadallah. Isla ilo wareedyadii la hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijiyey in Golahan cusub la dhisay ka dib dilkii Ismaaciil Haniyah oo uu helay ducadii AL-Sinwaar xilligaas,waxaa la xaqiijiyey in AL-Sinwar uu ku taliyey in Golaha cusub uu sii wato shaqadiisa Hogaaminta iyo Maareynta ee Xarakadda Xamaas haddii isaga la dilo taaso dhacday,inta laga gaaraayo doorashada lagana dooranaayo Hogaamiyeyaasha cusub ee Xarakadda Xamaas. Ilo wareedyada u hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijisay in xubnaha ugu badan Golaha ey ku sugan yihiin dalka Qadar, taasi oo sahlaysa in go’aano la xiriira arrimaha dagaalka laga gaaro. Goluhu wuxuu helay awoodo Istaraatiijiyadeed oo balaaran ka dib dilkii AL-Sinwar,isagoo u fasaxay inuu qaato go’aano muhiim ah oo la xiriira Xarakadda Xamaas ee gudaha iyo dibadda iyadoo la eegaayo Xafiiska Siyaasadda iyo Madaxdii Aasaastay Xarakadda Xamaas.
ISHA-AL-ARABIYA.
CIRAAQ OO DISHAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdad ayaa sheegaayo in Hogaamiyihii kooxda Argagixisadda Daacish ee dalka Ciraaq oo ey wehliyaan sideed xubnood oo sar sare ayaa lagu dilay hawlgal Mileteri,sida uu ku dhawaaqay Reysal Wasaaraha Ciraaq AL-Sudaani maanta oo Talaada ah. Reysal Wasaare Maxamed AL-Sudaani ayaa sheegay in Jaasim AL-Mazouri Abu Abdulkader lagu dilay hawlgal ey fuliyeen ciidamadda la dagaalanka Argagixisadda iyo kuwa Nabad Sugidda Qaranka Ciraaq ee hoostaga Taliska hawlgalka Wadajirka ah ee Buuraha Hamriin ee Gobolka Salaaxudiin. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane AL-Sudani hadal uu soo saaray ayuu ku yiri”Ma jirto meel ey ku sugan yihiin Argagixisada gudaha Ciraaq,waxaan uga daba tegi doonaa meelaha ey ku dhuumaaleysanayaan waane baabi’in doonaa”. Taliska hawlgalka Wadajirka ah bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi uu ahaay mid laga taageeraayey dhanka farsamada iyo xogaha sirta ah ey is dhaafsadeen ciidamadda caalamiga ah.
ISHA-DS.