DAWLADDA QADAR OO KA HADASHAY XABAD JOOJINTA…
(SAWIRKA0-AFHAYEENKA ARRIMAHA DIBADDA QADAR.
(DOHA-QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ey sheegtay maanta oo Talaada ah iney la shaqeyn doonto Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ilaa daqiiqada ugu dambeysa ka hor Doorashada Madaxweynaha in la gaaro go’aanka wada hadaladda xabad joojinta ee Marinka Gaza,waxay kaloo Wasaardu sheegtay ineysan soo saarin natiijooyin xun lana xiriira hawlaha dhexdhexaadinta. “Ma ogi wax natiijo ah oo xun oo doorashooyinka ku saasban habka dhexdhexaadinta laftiisa. Waxaan aaminsanahay iney la tacaalaan hayadaha sida dalka Maraykanka waane in hayadaha lagu maalgeliyaa helitaanka xalka,”Sidaas waxaa laga soo xigtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar Maajid AL-Ansari mar uu qabtay shir jaraa’id. Madaxa sirdoonka Isra’iil ee Mossad iyo Agaasimaha CIA-da Maraykanka ayaa dhawaan ka qeybgalay wada hadalo ka dhacay caasimadda Qadar ee Dooxa,waane wada hadaladii ugu horeeyey oo heer sare ah tan iyo dadaaladii xabad joojinta ee loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Marinka Gaza uu burburay bishii Agoosto.
ISHA-FP.