URURKA XIZBULLAH OO YEESHAY HOGAAN CUSUB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA CUSUB EE URURKA XIZBULLAH SHEEKH NACIIM QAASIM.
(BEIRUT)-Ururka Xizbullah ayaa u magacaabay Naciim Qaasim inuu noqdo Xoghayaha Cusub ee Ururka,todobaadyo ka dib markii Isra’iil ey dishay Hogaamiyihii mudada dheer soo haayey xilkaas AL-sayid Sheekh Xasan Nasrallah. Bayaan uu soo saaray Ururka maanta oo Talaada ah ayuu ku sheegay in Naciim Qaasim loo magacaabay Hogaamiyaha cusub ee Ururka Xizbullah,sababtoo ah “u hogaansanaantiisa Mabaadii’ida iyo Yoolka Ururka Xizbullah”. “Waxaan alle uga baryeynaa inuu hanuuniyo hawshaan sharafta leh ee uu ku hogaamiyo Ururka Xizbullah iyo iska caabinta Islaamka”ayaa la raaciyey bayaanka Ururka. Ururka Xizbullah ayaa waxaa in mudda ah soo hogaaminaayey Sheekh Xasan Nasrallah,waxaane Sheekha lagu dilay duqeyn ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil 27/9/24-ka gudaha magaalada caasimadda ah ee Beyruut,sidoo kale waxaa isna duqeyn dhinaca cirka isra’iil ku dishay ninki lagu weday inuu bedelo Sheekh Xasan Nasrallah kaaso lagu magacaabi jiray Haashim Safa’adiin,dilka Haashim ayaa dhacay 3/10/24-ka.
ISHA-MEE.