236-QOFOOD OO LAGU TOOGTAY SACUUDIGA.

(SAWIRKA)-ASKERI SACUUDIYAAN AH.

(LONDON)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa wajahaayo dhaleeceyn isdaba joog ah oo ku saabsan adeegsiga xad dhaafka ah ee ciqaabta dilka ah inkasto uu balan qaaday dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan in ka badan laba sano ka hor oo ku saabsan dhimista tirada dilalka ee dalka Sacuudiga,sida dadka u ololeeyo iyo difaacayaasha Xuquuqda Adanaha ey sharaxayaan waxa ka dhacaayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ee ku yaalo Khaliijka. Arbacadii shalay ahayd, Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in masuuliyiinta dalka Sacuudiga ey todobo qofood ey ku jiraan shan qofood oo lagu helay iney si sharci dara ah ku galeen Boqortooyadda Sacuudiga ey dil toogasha ah ku fuliyeen,taaso ka dhigaysa tirada xukunada dilka ah ee sannadkaan laga fuliyey Boqortooyada Sacuuiga ilaa 236,sida ey sheegeen hayadaha u dooda Xuquuqda Adanaha. Sida lagu sheegay tirakoob uu soo saaray Urur u dooda Xuquuqda Bani’adamka ee fadhigiisu yahay Yurub ayaa kiisaska dilka ah kana dhacay Sacuudiga iney ku jiraan 137-Qofood oo Mawaadiniin Sacuudi ah,18-Qofood oo Bakistaaniyiin ah iyo 13-Qofood oo Yamaniyiin ah. Kiisaska soo haray waxaa ka mid ah dalalka kale oo kala duwan oo ey ku jiraan Suuriya,Masar,Urdun,Sudan,Hidiya,Itobiya,Nayjeriya,Sirilanka,Afganistan iyo Filibiin. Kiisaska dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ahaay afar dumar ah,18-kiis oo dad lagu edeeyey kiisas Siyaasadeed iyo 14-kiis oo la xiriira Aragagixisonimo sida uu sheegay Ururka uu fadhigiisu yahay Berlin.

ISHA-AD.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

XASUUQ KA DHACAY DALKA SUUDAAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SARKA…