XARAKADDA XAMAAS OO YEELATAY GOLE CUSUB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYIHII GEERIYOODAY EE XARAKADDA XAMAAS YAXYE AL-SINWAR.
(GAZA)-Xarakadda Xamaas waxa ey go’aansatay iney dhisto Gole Hogaamineed oo uu dhaqdhaqaaqu yeelanaayo halkii ey ka magacaabi lahaayeen Madaxweyna bedela Yaxye AL-Sinwar ilaa doorashada soo socoto. Warbaahinta AL-Carabiya waxay ka ogaatay ilo xog-ogaal ah oo Falastiiniyiin ah in Golaha cusub ee Hogaanka Xarakadda Xamaas uu ka kooban yahay Madaxa Golaha Shuuradda ee Xarakadda inuu yahay Muxamed Darwiish,marka laga soo tago Madaxa Xaraadda ee dibadda Khalid Mashcal,ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Khalil AL-Xayeh,Madaxa Gobolka Daanta Galbeed Zaher Jabarin iyo Xoghayah Arrimaha Sirta ee Xarakadda Xamaas Nizar Cawadallah. Isla ilo wareedyadii la hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijiyey in Golahan cusub la dhisay ka dib dilkii Ismaaciil Haniyah oo uu helay ducadii AL-Sinwaar xilligaas,waxaa la xaqiijiyey in AL-Sinwar uu ku taliyey in Golaha cusub uu sii wato shaqadiisa Hogaaminta iyo Maareynta ee Xarakadda Xamaas haddii isaga la dilo taaso dhacday,inta laga gaaraayo doorashada lagana dooranaayo Hogaamiyeyaasha cusub ee Xarakadda Xamaas. Ilo wareedyada u hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijisay in xubnaha ugu badan Golaha ey ku sugan yihiin dalka Qadar, taasi oo sahlaysa in go’aano la xiriira arrimaha dagaalka laga gaaro. Goluhu wuxuu helay awoodo Istaraatiijiyadeed oo balaaran ka dib dilkii AL-Sinwar,isagoo u fasaxay inuu qaato go’aano muhiim ah oo la xiriira Xarakadda Xamaas ee gudaha iyo dibadda iyadoo la eegaayo Xafiiska Siyaasadda iyo Madaxdii Aasaastay Xarakadda Xamaas.
ISHA-AL-ARABIYA.