MARAYKANKA IYO QADAR OO KA SHIRAY…
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO ALTHANI.
(DOHA-QATAR)-Caasimadda dalka Qadar ee Dooxa waxaa soo gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken,waxa uuna ku dhawaaqay in dalkiisa iyo Israa’iil ey dib u bilaabi doonaan wada hadalada ku saabsan heshiiska lagu sii deynaayo Maxaabiista u xiran Xarakadda Xamaas iyo xabad joojin rasmi ah oo ka dhacda Marinka Gaza maalmaha soo socdo iyadoo aan la cayimin taariikhda. Waxaane magaaladda Dooxa ee dalka Qadar shir Jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Md.Sheekh Maxamed C/raxmaan AL-Thani,waxa uuna sheegay inuu dib u bilaaban xiriirkii ey la lahaayeen Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ka dib dilkii Yaxye AL-Sinwa,waxa uuna RW-AL-Thani carabka ku adkeeyey isla waqtigaas. Wadada lagu soo gabagabeynayo heshiiska xabad-joojinta ayaa ah mid adag mana jiro wax isbedel ah. Masuul reer Qadar ah oo dalkiisu door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta Xarakadda Xamaas iyo Israa’iil iyagoo garab ka helaayo dalka Masar ayaa ka digay in guusha doorkaan ey ku xiran tahay wadashaqeynta labada dhinac ey khuseyso wada xaajoodka.
ISHA-AD.