CIRAAQ OO DISHAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdad ayaa sheegaayo in Hogaamiyihii kooxda Argagixisadda Daacish ee dalka Ciraaq oo ey wehliyaan sideed xubnood oo sar sare ayaa lagu dilay hawlgal Mileteri,sida uu ku dhawaaqay Reysal Wasaaraha Ciraaq AL-Sudaani maanta oo Talaada ah. Reysal Wasaare Maxamed AL-Sudaani ayaa sheegay in Jaasim AL-Mazouri Abu Abdulkader lagu dilay hawlgal ey fuliyeen ciidamadda la dagaalanka Argagixisadda iyo kuwa Nabad Sugidda Qaranka Ciraaq ee hoostaga Taliska hawlgalka Wadajirka ah ee Buuraha Hamriin ee Gobolka Salaaxudiin. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane AL-Sudani hadal uu soo saaray ayuu ku yiri”Ma jirto meel ey ku sugan yihiin Argagixisada gudaha Ciraaq,waxaan uga daba tegi doonaa meelaha ey ku dhuumaaleysanayaan waane baabi’in doonaa”. Taliska hawlgalka Wadajirka ah bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi uu ahaay mid laga taageeraayey dhanka farsamada iyo xogaha sirta ah ey is dhaafsadeen ciidamadda caalamiga ah.
ISHA-DS.