XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU IYO WASIIR BLINKEN.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa Talaadada maanta ah ku booriyey Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka faa’iideysto dilka Hogaamiyihii Xamaas Yaxye AL-Sinwar si ey u sii socoto xabad joojinta Marinka Gaza iyo inuu oglaado in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo dadka reer Gaza. In kasta oo Netanyahu uu sheegay inuu kala hadlay Blinken qaabka loo maamuli doono Marinka Gaza xilliga dagaalka ka dib iyo sidoo kale ey ka wada hadleen muhimadda ey leedahay midnimadda si looga hortago “Khatarta Iraan”. Waxaa kaloo intaas uu ku daray RW-Netanyahu inuu Blinken uu ku wargeliyey in dilka AL-Sinwar laga yaabo inuu sameyn wanaagsan ku yeesho soo celinta la haystayaasha reer Israa’iil ee ku jira gacanta Ururka Xamaas.
ISHA-NA
DHIBAATADA DAGAALKA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.
GAZA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee soo bilawday taariikhdu markey ahayd 7/10/2023-kii ayaa hadda waxa uu galay maalintiisii 381-aad,waxaane dagaalkaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 42,718-Qofood una badan Dumar iyo Caruur, waxaane ku dhaawacmay dad dhan 100,282-Qofood, waxaane lagu la’ayahay dad gaaraayo ilaa 11-kun Qofood,hantida ku burburtay dagaalka Gaza ayaa lagu qiyaasay iney dhan tahay ilaa rubac Milyan guri. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Marinka Gaza ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa ey shaaca ka qaadayin in in ka badan 250-kun guri ey ku burbureen dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii. Bayaan ey soo saartay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Marinka Gaza ayey ku sheegtay in in ka badan 250-kun guri si buuxda loo burburiyey amaba qeyb ahaan taaso ka dhigtay kuwa aan la degi karin. Waxa kaloo ey cadeysay Wasaaradda in in ka badan 80% ey burbursan yihiin wadooyinka Marinka Gaza una baahan yihiin dayactir balaaran oo deg deg ah. Intaas waxaa dheer, inta badan mishinada culculus iyo qalabka Wasaaradda ayaa la bartilmaameedsaday kuwaaso hadda aan shaqeyneyn. Tan iyo bilawgii dagaalka, Israa’iil waxa ey waday siyaasad ey ku burburineyso guryaha iyo kaabayasha Marinka Gaza taaso qeyb ka ah ciqaab wadareedka Israa’iil,iyadoo aaney jirin wax caqabad ah oo caalami ah oo meesha ka jirta.
ISHA-MEMO.
RW-NETANYAHU OO LA WEERARAY GURIGIISA.
(SAWIRKA)-BARTAMAHA ISRAA’IIL.
(HAIFA’A)-Israa’iil ayaa sheegtay in diyaarad nuuceedu yahay kuwa aan duuliyaha wedin ey beegsatay guriga uu degan yahay Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku yaalo Qeysariya maanta oo Sabti ah,ciidamadda ayaa sheegay in diyaardu ey ku dhacday dhismo ku yaalo bartamaha Israa’iil. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Reysal Wasaaraha Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaarada aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano UVA lagu tuuray guriga uu degan yahay Reysal Wasaare Netanyahu kaaso ku yaalo Qeysariya,mana eysan joogi RW-Netanyahu iyo Xaaskiisa hoyga la soo weeraray. Ilaa hadda ma cadda in dhismaha la weeray uu yahay hoygiisa gaarka ah ee RW-Netanyahu,balse Mileteriga ayaa sheegay iney baarayaan dhacdadaan oo sida muuqata lagu arkay dhawr guul darro oo nidaamka digniinta ee Israa’iil,waayo waxaa aaga ka jirin wax seeri ah oo laga maqlay Qeysariya sida ey sheegtay warbaahinta Israa’iil.
ISHA-AN.
BAQDAAD: DHISMAHA TV-GA MBC OO LA BURBURIYEY.
(SAWIRKA)-DHISMAHA TV-GA MBC EE LA WEERARAY.
(BAQDAD)-Dad la sheegay iney tiradooda u dhexeyso afar boqol ilaa shan boqol qofood ayaa xalay saqdii dhexe waxa ey weerar ku qaadeen Stuudiyaha Baqdaad ee Tv-ga laga leeyahay dalka Sacuudiga ee MBC. Dadkaan reer Ciraaq ayaa xoog waxa ey ku galeen Xafiisyadda Tv-ga MBC ee magaaladda Baqdaad,waxa eyna dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah dhismaha,sababta loo weerar Tv-ga MBC ee magaaladda Baqdaad ayaa lagu sheegay iney tahay inuu baahiyey warbixin uu Hogaamiyeyaasha Xamaas iyo Xizbullahi ey dishay Israa’iil(Xasan Nasrallah iyo Yaxye AL-Sinwar) iney yihiin Argagixiso. Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq una waramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in dadka galay dhismaha Tv-ga MBC ey burburiyeen qalabkii Korontada ahaay eyna dab qabadsiyeen qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Tv-ga uu deganaay,balse Wasaaradda ayaa intaas raacisay in lagu guuleystay in la demiyo dabkii,ciidamaduna ey kala eryeen dadkii soo weeraray xarunta Tv-ga MBC ee Baqdaad.
ISHA-AN.
WAX KA OGOW DILALKA LOO GAYSTAY HOG…
(SAWIRKA)-MEYDKII CAARUURA.
(LONDON)-Ka dib markii ey Ciidamadda Difaaca Israa’iil(IDF) ey si rasmi ah u shaaciyeen iney dileen Madaxii Xarakadda Xamaas Yaxye AL-Sinwar gudaha Marinka Gaza,ayaan halkaan waxa aan idinkula wadaageynaa raga ka tirsan Ururadda Xamaas iyo Xizbullahi ey dileen Ciidamadda Difaac Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza iyo Lubnaan taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii. Marka aan ka bilawno Ururka Xamaas Hogaamiyeyaashooda la dilay: (1)-Yaxye AL-Sinwar. (2)-Ismaaciil Haniyeh. (3)-Maxamed AL-Deyf. (4)-Marwaan Ciise. (5)-Saalax Caruuri. Ururka Xizbullahi: (1)-Sheekh Xasan Nasrallah. (2)-Cali Karki. (3)-Haashim Safaa’adiin. (4)-Nabiil Qaawuuq. (5)-Ibraahim Qubeysi. (6)-Ibrahim Caqiil. (7)-Axmed Wahbi. (8)-Fu’ad Shukri. (9)-Maxamed Naasir. (10)-Dhaalib Cabdallah.
ISHA/AN.
RW-MELONI OO TAGTAY BEIRUT LANA HADASHAY….
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAYAASH TALYAANIGA IYO LUBNAAN.
(BEIRUT)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa xaqiijisay iney ka shaqeyn doonto sidii loo gaari lahaay xabad joojin joogta ah oo laga gaaro dagaaladda ka socdo Lubnaan iyo Marinka Gaza. RW-Meloni ayaa sheegtay sii wadida wada xaajoodyada lagu sii deynaayo maxaabiista reer Israa’iil ee ku xiran Marinka Gaza,iyo ka hadalka xaaladaha ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo barakacayaasha iyo yareynta dhibaatooyinka bani’adanimo. Galabnimadii Maanta oo Jimca ah ayey RW-Meloni booqatay caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut,waane booqashadeedii labaad ey ku tagto tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-kii,waxa eyna waqtigaas Meloni kulano la qaadatay taliyeyaasha ciidamadda Nabad ilaalinta Qaramada Midoobe ee UNIFIL ee ka socdo dalka Talyaaniga.
ISHA/AN.
HOGAAMIYAHA XAMAAS OO LAGU MURANSAN YAHAY..
(SAWIRKA)-YAXYE AL-SINWAR.
(QUDUS)-Dawladda Israa’iil ayaa mar walba sheegan jirtay in Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Yaxye Sinwar uu ku dhuumaaleysanaayo godad dhulka hoostiisa mara eyna ku hareereeysan yihiin tiro Maxaabiis ah oo reer Israa’iil ah,sheekadaan waxaa beeniyey sheeko kale oo tilmaameyso inuu ku dhintay dagaal ka dhacay magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza. Sirdoonka Israa’iil ayaan ku guuleysan iney gaaraan halka uu ku sugan Yaxye Sinwar,si sirdoonka Israa’iil uu ugu dhawaaqo inuu dilay Sinwar ayey soo gudbiyeen in la dilay seddex dagaalyahan oo ka tirsan Guutoyinka AL-Qasaam,waxaane markii dambe si toos ah u soo baxday in dadka shahiiday uu ka mid ahaay AL-Sinwar,sida ey sheegtay warbaahinta Israa’iil. Dhanka kale,sawiro ey faafiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa muujinaayo in Yaxye AL-Sinwar uu xirnaay saanad Mileteri xilliga uu shahiidaayey. Dadka wax indha indheeyo ayaa aaminsan sawiradda ey faafiyeen askarta Israa’iil ee ah meydka AL-Sinwar ey kashifeen sheekadda Tel-Aviv ee ah in hogaamiyaha Xamaas uu ku dhuumaaleysanaayo dhulka Hoostiisa.
ISHA-AP.
MARAYKANKA IYO UK OO DUQEEYEY YEMAN.
(SAWIRKA)-DIYAARADDA B-2.
(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah taariikhduna ey tahay 17/10/24-ka in dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska iney 15-weerar oo dhinaca cirka ah ku qaadeen magaalooyinka Sanca iyo Sacda ee dhacda Waqooyiga Yeman halka dawladda Maraykanka ey ku dhawaaqday in weerarka maanta ey qeyb ka ahayd diyaaradda B-2. Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman ee AL-Masirah ayaa bartiisa Telegaraamka ku sheegay”Weerar gardara ah oo ey qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday Tv-yadda AL-Xafa iyo Jarbaan ee Waqooyiga iyo Koonfurta Caasimadda Sanca,waxaane lagu qaaday lix weerar”. Dhankiisa,Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa war uu soo saaray khaniista maanta ah ku sheegay in Ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka ey duqeymo sax ah ku qaadeen shan goobood oo lagu keydiyo hubka oo dhulka hoostiisa ah,goobahaan ayaa ku yiil dhulka ey maamulaan Kooxda Xuutitiinta. Xoghayah Difaaca Maraykanka ayaa intaas ku daray in duqeymaha ey ka qeyb qaateen diyaaradaha B-2 oo aad uga weyn diyaaradihii dagaalka ee markii hore loo adeegsan jiray duqeynta kooxda Xuutiyiinta,waxayna diyaaradahaan awood u leeyihiin iney qaadaan Bambooyinka aadka u culus.
ISHA-ARABPOST.
WAX KA OGOW XAALADDA GEESKA AFRIKA.
(SAWIRKA MW-SISI IYO RW-ABIY.
(LONDON)-Wargayska Arab Post ee ka soo baxa caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa wax ka qoray dagaalka u dhexeeyo dawladaha Masar iyo Itoobiya,dagaalkan ayaa hadda galay weji ka gedisan wejigii uu lahaay ka dib markii dawladda Masar ey la yeelatay Heshiis Difaac Dawladda Federaalka Soomaaliya dhawr bilood ka hor,heshiikaan ayaa ka careysiiyey dawladda Itoobiya oo ey ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta ee Midawga Afrika ee Atmis kuwaaso lagu wado iney dalka Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadkan 2024-ka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobe ka codsatay in Soomaaliya la keeno ciidamo ey kooban tahay tiradooda balse eysan ku jirin ciidamadda dalka Itoobiya,arrintaan ayaa xanuujisay dalka Itoobiya oo mudo dheer ka mid ahaay ciidamadda Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya loona yaqaano ATMIS,si kastaba ha ahaatee dalka Itoobiya ayaa horaantii sannadkan 2024-ka waxa uu heshiis is afgarad la galay maamulka Gooni isu taaga Soomaliland waane halka ey ka soo bilaabatay dhibaatada gaartay heerkeedii ugu xumaay ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya,hadaba Wargauska Arabpost ayaa qoraalkiisa waxa uu maanta Cinwaan uga dhigay”FALANQEYNTA XAALADAHA COLAADEED EE GEESKA AFRIKA:CIYAARTA JUQARAAFIGA EE MASAR IYO ITOOBIYA”. Wargayska ayaa dhacdooyinka u kala qaaday afar kala ah: (1)-Ismari waaga diblomaasiyadeed,khilaafka daba dheeraaday oo hooseeya iyo suuragalnimada sare. (2)-Dhacdada labaad,Iska horimaadka mileteriga wakiil ka ah ee Soomaaliya-suuragalnimad dhexdhexaad ah. (3)-Dhacdada seddexaad-Isku dhac Goboleedka oo u xuubsiibta,suuragalnimada Dafiic ah. (4)-Xaaladda afaraad,xalka Diblomaasiyadeed iyo hoos u dhigista,suutagalnimo Hoose.
ISHA-ARABPOST.
YAA U SAHLAY XIZBULLAHI WEERARKII BINYAMINA?
(SAWIRKA)-XIZBULLAHI OO WEERARTAY ISRAA'IIL.
(LONDON)-Sida caadiga ah Wargaysyadda caalamiga ah kana soo baxa caasimadda dalka Ingiriiska ee London waxa ey wax ka qoraan waxyaabaha ka dhaca adduunka guudkiisa kuwooda ugu muhiimsan,waxa eyna faalo dheer ka sameeyaan dhacdooyinka markaas taagan,hadaba Wargayska ARABI POST kuna soo baxa Afka Carabiga ayaa daaha ka qaaday xog aad u badan oo xasaasi ah oo dhinaca mileteriha ah oo ciidanka Israa’iil ey ku daabaceen shabakadaha Baraha Bulshada,xogta ayaa ku saabsaneed saldhiga Binyamina oo ku yaalo Koonfurta Hayfa’a ka hor inta aan Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan uusan ku qaadin weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka. Hoolka lagu cunteeyo oo ey ku sugnaayeen tobonaan askeri kuwaaso noqday dhaawac iyo dhimasho,xogta ayaa muujineysa sida ey Israa’iil u sameeysay khalad iyo fashal dhinaca aminga ah lana xiriira saldhiga Binyamina. Laba maalin ka hor kuna beegneed 13/10/24-ka ayey diyaaradaha Drones-ka ee Ururka Xizbullahi waxa ey beegsadeen saldhig ciidan oo ey leeyihiin Guutada Goolan,diyaaradaha ayaa ku guuleystay iney ka gudbaan difaacyadda cirka ee Israa’iil,waxaane weerarkaasi lagu dilay afar askeri oo reer Israa’iil ah waxaane lagu dhaawacay ilaa 61-kale kuwaaso sideed ka mid ah ey dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah,waane khasaarihii ugu badnaay ee soo gaara Israa’iil.
ISHA-ARAB POST.
GOLAHA AMAANKA QM OO KA SHIRAAYO…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE.
(BEIRUT)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo inuu jiro Qaraar Qabyo ah oo cusub oo laga soo wariyey Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe kaaso looga dan leeyahay in lagu soo afjaro colaada u dhexeyso Israa’iil iyo Ururka Xizbullahi,qaraarkan ayaa walaac ku sii kordhinaayo xaaladda dalka Lubnaan iyadoo dadka dhaleeceynaayo Qaraarka ey ku tilmaameen inuu yahay Qaraar nuuciisu yahay mid cadaadis Nafsi ah una adeegaayo danaha Israa’iil. Qaraarkan Qabyo Qoraalka ah oo ey hadda ka doodayaan Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe sida uu qoray Wargayska maxaliga ah ee AL-Mudun,Qaraarka ayaa soo jeedinaayo xabad joojin deg deg ah,calaamadeynta Xuduudaha,Hub ka dhigista Ururka Xizbullahi iyo isbedello siyaasadeed oo waa weyn oo ka dhaca dalka Lubnaan oo ey ku jiraan doorashooyin guud iyo Madaxweyne cusub,dawlad dhexdhexaad ah oo cusub.
ISHA-THE ARAB NEWS.
URURKA XIZBULLAHI OO WEERARAY ISRAA’IIL.
(SAWIRKA)-GENTAALADDA XIZBULLAHI KU RIDAY ISRAEL.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa sheegaayo in Ururka Xizbullahi uu sheegay inuu bartilmaameedsaday saldhig ey leeyihiin ciidamadda Badda ee Isra’aaiil maanta oo Isniin ah,shilkaan ayaa dhacay maalin uun ka dib markii diyaarad aan duuliye wedin ey afar askeri ku dishay gudaha Israa’iil waane weerarkii ugu dhimashada badnaay mar qura ee soo gaara Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Lubnaan. Ururka Xizbullahi ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ey gentaalo ku garaaceen saldhiga Ciidamadda Badda ee Israa’iil kuna yaali Hayfa’a ee waqooyiga Israa’iil iyagoo ku tilmaamay iney ku xushmeynayaan hogaamiyahoodii geeriyooday ee Sheekh Xasan Nasrallah. Mileteriga Israa’iil ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney qabteen duqeyn kale oo lala beegsaday xero ciidamadda lagu tababaro kuna taalo Binyamiina taaso iyadana u dhaw Hayfa’a,arrintaan ayaa dheceyso maalin ka dib markii afar askeri oo reer Isra’iil ah lagu dilay laguna dhaawacay tobanaan kale weerar ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ururka Xizbullahi.
ISHA-RFI.
HOGAAMIYE YAXYE SINWAAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA…
(SAWRKA)-YAXYE SINWAAR.
(GAZA)-Tan iyo markii la dilay Hogaamiyihii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda xamaas Ismaaciil Haniyah magaaladda Tehran ee dalka Iraan waxa so baxaayey ismaan dhaaf xoogan oo ka dhex jiray Hogaanka sare ee Xamaas cidda ey u dhiibayaan xilkii Haniyah waxa eyna go’aansadeen in xilkaasi lagu aamino Yaxye Sinwaar oo hogaaminaayey dagaalka ka dhanka ah Israa’iil. Hogaamiyaha cusub ee Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Md.Yaxye ayaa la soo sheegay inuu si aad ah u daneynaayo in la gaaro heshiis xabad jooojin ah oo laga gaaro Marinka Gaza,sida ey wararku sheegayaan balqaadka Israa’iil ee wada hadaladda uusan weli kala cadeyn. Dawladaha wada wada xaajoodka ayaa Tv-ga CNN u sheegay in Yaxye Sinwaar ey dhab ka tahay wada hadaladda lagu soo afjaraay dagaalka Marinka Gaza ee Toban bilood jirsaday kaaso ey ku dhinteen in ka badan ilaa 40-Qof eyna ku dhaawcmeen dad ka badan ilaa 90-kun qofood.
ISHA/NA.
ISRA’IIL OO WEERAR KU DISHAY XUBIN KA TIRSAN XIZBULLAH.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA XIZBULLAHI EE LUBNAAN.
(BEIRUT)-Waxaa weli si ba’an uga socdo Koonfurta dalka Lubnaan dagaalka u dhexeeyo Ururka Xizbullahi iyo Ciidamadda Difaac Israa’iil,dagaalkan ayaa salka ku haayo xiriir toos ahna la leh dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii,waxaane dagaalka Gaza ilaa hadda ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa afartan kun waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa siddetan kun oo qofood. Sirdoonka Israa’iil iyo kaashanaayo sirdoonada wadamada kela ey saaxibka yihiin ayaa wada hawlgallo aad u adag lidna ku ah hogaanka kooxaha ey is hayaan ee kala ah Xamaas,Xizbullaahi iyo Xuutiyiinta Yeman.hadaba weerar ey qaadeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil maanta oo Talaada ah ayaa waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullaahi ee ka hawgala Koonfurta dalka Lubnaan,weerarka ayey Israa’iil la beegsatay guri ku yaalo magaaladda Miifdoon ee Gobolka Nabatiyah koonfurta dalka Lubnaan,ilo wareedyo u waramay warbaahinta dalalka Carabta ayaa sheegay in dadka la dilay uu ka mid yahay Amiin Badr AL-diin oo ah wiil uu adeer u yahay ninka ku eedeyesan dilkii Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariiri lana yiraahdo Mustafa Badr AL-diin. Wasaaradda Caafimaadka dalka Lubnaan bayaan ey soo saartay maanta oo Talaada ah ayey ku sheegtay in shan qofood lagu dilay weerar ey Israa’iil ku qaaday guri ku yaalo Miifdoon. Dhinaca kale,ilo dhanka Amaanka ah una dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in shanta qof ee la dilay ey ka tirsan yihiin Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan. Intaas waxa dheer ciidamadda Israa’iil ayaa xaqiijiyey iney qaadeen weerarka,wxaa eyna sheegeen in lala beegsaday xarumo Mileteri oo ey leeyihiin Ururka dagaalka kala dhexeeyo ee Xizbullahi,goobta la weerarya ayey Israa’iil ku sheegtay iney ku taalo aaga Nabatiyah oo ey adeegsadaan tiro ka tirsan Ururka Xizbullahi si ey u qorsheeyaan weeraro ka dhan ah Israa’iil,sida ku qorneed qoraal ka soo baxay Israa’iil. Dhinaca kale,Ururka Xizbullahi waxa uu soo saarayey hadallo xiriir ah oo ey ku sheegeen iney beegsadeen dhawr goobood oo Israa’iil ah,gaar ahaan xeradda Sharagha ee ku taalo Waqooyiga Cakka oo ey ku jireen raxan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ah taaso jawaab u ahayd dilkii xubin ka tirsan Ururka Xizbullahi ey dishau Israa’iil maalintii shalay oo Isniin ahayd,waxa eyna Israa’iil ku dishay xubintaas ka tirsan Xizbullahi magaaladda Cabba ee dhacda Koonfurta dalka Lubnaan. Marinka Gaza waxaa weli si aan joogsi lahayn uga socdo beegsiga saraakiil ka tirsan Xukuumadda Gaza kuwaaso ey duqeymo ku dileen diyaaradaha Isra’iil nuucyadooda kala duwan. Weeraradii ugu dambeeyey ee dhinaca cirka ah eyna fuliyeen ciidamadda Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay C/fataax AL-zureyci kana tirsanaay Xukuumadda Gaza ahaayne Wasiirka Dhaqaalaha,weerarkaan ayaa ka dhacay Diiral Balax wxaaane lala beegsaday guri ey ku wada sugnaayeen Wasiirka C/fataax iyo Aabihiis, dilka ayaana dhacay maalintii Axada ee ina soo dhaafatay,sidoo kale weerar dhinaca cirka ah eyna qaadeen diyaaradaha Israa’iil ayaa waxaa maanta oo Talaada ah lagu dilay Maxamed AL-Maxaasinah kaaso Israa’iil ku sheegtay inuu Xamaas u qaabilsanaay Tahriibinta Hubka soo galo Marinka Gaza balse Xamaas ayaan iyagu ka hadlin dilka maanta loo gaystay Maxamed AL-Maxaasin.
ISHA/WAKAALAD.
ISRAA’IIL DIYAARAD KU DISHAY WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL AL-GHOUL,WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA OO MAANTA LAGU DILAY GAZA.
(DOHA-QATAR)-”Ka dib 3-boqol oo maalmood oo aan si joogta ah ula soconaayey saaxibkey Ismaaciil Gool, waxa aan arkay isaga oo aan Madax lahayn”. Kuwani waxay ahaayeen erayadii argagaxa lahaa ee uu lahaa wariyaha Tv-ga Aljazeera Anas AL-Shariif,indhihiisu waxa ey aad uga burqanayey ilin,waxaane wejigiisa si weyn uga muuqday xanuun,ka dib 10-bilood oo uu soo tebinayey dembiydda aan la soo koobi karin ee ey dadkiisa ku hayaan xasuuqa naxariis darada ah ee Israa’iil ey ku hayso Marinka Gaza. Saaxibadda Wariye Gool iyo Hawlwadeenadda Kaameradaha Raami AL-Rifi ayaa waxaa bartilmaameedsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil iska leedahay iyagoo xiran qalabkoodii wariyenimo,waxa eyna ku safraayeen baabuur si cad loogu calaamadiyey inuu yahay Gaadiidka Warbaahinta. Gawracooda oo Xafiiska Warbaahinta Dawladda Marinka Gaza uu sheegay inuu ka dhigay tirada saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ey dishay Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii iney gaartay ilaa 165-saxafi oo dhiigooda lagu qubay gudaha Marinka Gaza.
ISHA/MEE.
MAXKAMADDA ICC OO KU DHEGAN HOGAMIYEYAASHA DALKA SUUDAAN.
(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SUUDAAN.
(HAMILTON-CANADA)-Dagaalka ka socdo dalka Suudaan oo soo bilawday bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayaa hadda maraayo xaalad aad u halis ah waxaane sii kordhaayo dhibaatooyinka soo gaaraayo dadka shacabka ah ee reer Suudaan. Dagaalkan ayaa sababay Barakac baahsan iyo Gaajo soo wajahday shacabka Suudaan,hadaba arrinta dalka Suudaan ayaa waxaa soo farageliyey dawaladaha Sacuudiga oo horay shir ugu qabatay dhinacayadda isku haayo dagaalka dalka Suudaan iyo Maraykanka oo hadda wada qorshe uu isku hor fadhiisinaayo garabyadda ku dagaalamayo dalka Suudaan,dhinaca kale,waxaa iyadan war culus ka soo saaratya xaaladda dalka Suudaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda (ICC),Maxkamada ayaa ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe iney raadiyaan Hab mala awaal ah oo hal abuur leh oo lagu soo afjari karo rabshadaha ka socdo Gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan,dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Karim Khan ayaa ka warbixiyey lix bilood oo dhibaato ah,Lix bilood oo Cadaab ah iyo Lixbilood oo aad ugu Xun dadka reer Daarfuur. Dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da ayaa Isniinta maanta ah sheegayin Lix bilood oo Muruga ah ey ka jirtay Magaaladda Daarfuur ee dalka Suudaan iyadoo Maxkamdu ey ku boorineyso Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe iney raadiyaan qaabab kale oo wax looga qaban karo xaaladda gobolka Daarfuur.
ISHA/AA.
UNRWA OO LAGU LA’AYAHAY EEDEYMIHII LOO SOO JEEDIYEY.
(SAWIRKA)-DHISMAHA UNRWA EE FALASTIIN.
(HAMILTON-CANADA)-Qaramadda Midoobe ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday iney dhammaystirtay baaritaankii ey ku sameyneysay Xafiiska Adeega Kormeerka Gudaha(OIOS) ee ku saabsan eedeymaha ey Israa’iil u soo jeedisay Xubno ka tirsan shaqaalaha Hayadda Qaramada Midoobe u qaabulsan Qaxootiga Falastiin (UNRWA) ka dib dhacdadii Oktoobar-7-2023-kii. Marka loo fiiriyo Natiijoyinka Baaritaanka,ku xigeenka Afhayenka Qaramadda Midoobe Farxaan Xaaq ayaa u sheegay Wariyeyaasha mar uu shir jaraa’id qabtay waxa uuna Xaaq yiri”Hal kiis ma jirto waxa cadeyn ah oo ey heshay OIOS oo lagu taageeray eedeymaha ku luglahaashaha xubinta shaqaalaha,halka sagaalkii kiis ee kale,cadeynta ey heshay OIOS kuma filneyn iney taageerto ka qeybqaadashada xubnaha shaqaalaha”, Farxaan Xaaq ayaa hadlkiisa sii raaciyey “Marka loo eego 10-ka kiis,talaabooyinka ku haboon ayaa la qaadi doonaa waqtiga ku haboon iyadoo la raacaayo xeerarka iyo xeerarka UNRWA.
ISHA/AA.
CIIDAMADDA MARAYKANKA EE KU SUGAN CIRAAQ OO.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA MARAYKANKA BIDEN.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Wasgington ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa lagu wargeliyey in la tuhunsan yahay in gentaalo lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Cirka ee Maraykanka ee Ceyn AL-Asad ee dalka Ciraaq,halkaaso ey ku sugan yihiin Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Isbahaysiga sida uu sheegay Aqalka Cad. War Saxaafadeedka ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri”Waxay ka wada hadleen tallaabooyinka aan qaadeyno si aan u difaacno Ciidamadeyna uguna jawaabno weearar walba oo ka dhan ah shaqaalaheyna qaab iyo goobta aan dooranaba”. Qoraalka ayaa soo baxay ka dib markii Biden iyo Harris ey warbixin ka siiyeen kooxda Amniga Qaranka Horumarka ka socdo Gobolka Bariga Dhexe”. Dhawr askeri oo Maaykan ah ayaa Isniintii lagu dhaawacay weerar looga shakisan yahay in lagu qaaday saldhiga Ciidanka Cirka ee ku yaalo Galbeedka dalka Ciraaq sida ey sheegtay warbaahinta Maraykanka oo soo xiganeysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray khataraha ka imaanaya Iraan iyo Xulafadeeda ee ku wajahan Israa’iil iyo xubnaha adeega Maraykanka ee Gobolka Bariga Dhexe. “Waxaa la cusbooneysiiyey dadaaladda Mileteri ee Maraykanka uu ku taageeraayo difaac Israa’iil haddii mar kale Iraan soo weerarto,waxaa sidoo kale lagu wargeliyey dadaaladda dibloomaasiyadeed ee joogatada ah ee lagu qaboojinaayo xiisadda Gobolka Bariga Dhexe iyo in la soo afjaro Heshiiska Xabad joojinta iyo sii deynta la haystayaash” ayaa lagu daray.
ISHA/AA.
HAKAN FIDAN OO BAAQ U DIRAY WADAMADDA…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA OO TAAGAN RAFAX.
(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la kodhiyo cadaadiska lagu haayo Israa’iil si loo joojiyo Xasuuqa ey ka wado Marinka Gaza. Tani waxay ku soo beegantay war saxaafadeed uu soo saaray Axadda maanta ah(4/8/24)-ka ka dib booqasho kormeer ah oo uu ku tegay Dekedda AL Cariish ee dalka Masar iyo albaabka Xadka isgoyska Rafax ee Marinka Gaza,isagoo fariin u diray wadamadda reer Galbeedka oo ku saabsan Xasuuqa Marinka Gaza,Wasiirka ayaa yiri”Haddii eynaan si wadajir ah u joojin Xasuuqan,dhammaan bani’adamku waxa ey noqon doonaan kuwa shuraako kula ah Israa’iil. Wasiir Hakan Fidan ayaa intaas ku daray”Iridda xadka Rafax hadda waa uu xiran yahay oo ey maraan dad iyo gaadiid fara badan balse hadda waa uu xiran yahay,sida aad la socotaan waxaa gebi ahaanba burburay dhinaca kale ee xuduuda sida ey sheegayaan wararka halkaas inaga soo garaayo,baabuur xamuul ah ayaan hadda ka dhoofin waxa eyna ku sii jeedaan alabaabka Kareem Abu Saalim(shalom)”.
ISHA/AP.
XUUTIYIINTA OO SHEEGTAY INEY SOO RIDEEN…
(SAWIRKA)-DIYAARADDA LAGU SOO RIDAY G/SACDA EE YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah waxa ey ku dhawaaqeen iney soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan leeyahay waxa eyna diyaaradaasi ku dhacday Gobolka Sacda ee Waqooyiga dalka Yeman,marka laga soo tago bartilmaamedsiga Maraakiibta mareyso biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Afhayeenka u hadlay Xuutiyiinta dalka Yeman Yaxye AL-Sareec ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaad Maraykan ah oo nuceedu yahay MQ-9 la soo riday xilli ey hawlgal ka sameyneysay hawadda Gobolka Sacda oo ah halka ey asal ahaan ka soo jeedaan Hogaanka Sare ee kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,diyaaradda ayaa lala helay gentaal dhulka laga soo riday kaaso lagu sameeyey Yeman,waxa uuna afhayeenku xusay in diyaaradaan ey tahay midii 7-aad ee nuuceeda ah oo la soo riday tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza. Waa hawlgalkii ugu horeeyey ey Xuutiyiintu ku dhawaaqaan tan iyo markii ciidamadda Israa’iil ey bilaaben dulaanka gardaradda ah ey ku qaadeen dekedda Xudeyda ee galbeedka dalka Yeman 20-kii bishii Luuliyo ee tagtay,kaaso sababay in dab aad u xoogan uu ka kaco Gudaha Dekedda Xudeyda,waxaane ku dhintay hal qof waxaane ku dhaawacmay ilaa sideed kale. Sababta keentay in Israa’iil soo weerarto Yeman ayaa ah in kooxda Xuutiyiinta Yeman ey weerareen caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv,waxa eyna adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuna magac dheer “JAFFA”.
ISHA/NA.