ISRA’IIL OO WEERAR KU DISHAY XUBIN KA TIRSAN XIZBULLAH.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA XIZBULLAHI EE LUBNAAN.

(BEIRUT)-Waxaa weli si ba’an uga socdo Koonfurta dalka Lubnaan dagaalka u dhexeeyo Ururka Xizbullahi iyo Ciidamadda Difaac Israa’iil,dagaalkan ayaa salka ku haayo xiriir toos ahna la leh dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii,waxaane dagaalka Gaza ilaa hadda ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa afartan kun waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa siddetan kun oo qofood. Sirdoonka Israa’iil iyo kaashanaayo sirdoonada wadamada kela ey saaxibka yihiin ayaa wada hawlgallo aad u adag lidna ku ah hogaanka kooxaha ey is hayaan ee kala ah Xamaas,Xizbullaahi iyo Xuutiyiinta Yeman.hadaba weerar ey qaadeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil maanta oo Talaada ah ayaa waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullaahi ee ka hawgala Koonfurta dalka Lubnaan,weerarka ayey Israa’iil la beegsatay guri ku yaalo magaaladda Miifdoon ee Gobolka Nabatiyah koonfurta dalka Lubnaan,ilo wareedyo u waramay warbaahinta dalalka Carabta ayaa sheegay in dadka la dilay uu ka mid yahay Amiin Badr AL-diin oo ah wiil uu adeer u yahay ninka ku eedeyesan dilkii Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariiri lana yiraahdo Mustafa Badr AL-diin. Wasaaradda Caafimaadka dalka Lubnaan bayaan ey soo saartay maanta oo Talaada ah ayey ku sheegtay in shan qofood lagu dilay weerar ey Israa’iil ku qaaday guri ku yaalo Miifdoon. Dhinaca kale,ilo dhanka Amaanka ah una dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in shanta qof ee la dilay ey ka tirsan yihiin Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan. Intaas waxa dheer ciidamadda Israa’iil ayaa xaqiijiyey iney qaadeen weerarka,wxaa eyna sheegeen in lala beegsaday xarumo Mileteri oo ey leeyihiin Ururka dagaalka kala dhexeeyo ee Xizbullahi,goobta la weerarya ayey Israa’iil ku sheegtay iney ku taalo aaga Nabatiyah oo ey adeegsadaan tiro ka tirsan Ururka Xizbullahi si ey u qorsheeyaan weeraro ka dhan ah Israa’iil,sida ku qorneed qoraal ka soo baxay Israa’iil. Dhinaca kale,Ururka Xizbullahi waxa uu soo saarayey hadallo xiriir ah oo ey ku sheegeen iney beegsadeen dhawr goobood oo Israa’iil ah,gaar ahaan xeradda Sharagha ee ku taalo Waqooyiga Cakka oo ey ku jireen raxan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ah taaso jawaab u ahayd dilkii xubin ka tirsan Ururka Xizbullahi ey dishau Israa’iil maalintii shalay oo Isniin ahayd,waxa eyna Israa’iil ku dishay xubintaas ka tirsan Xizbullahi magaaladda Cabba ee dhacda Koonfurta dalka Lubnaan. Marinka Gaza waxaa weli si aan joogsi lahayn uga socdo beegsiga saraakiil ka tirsan Xukuumadda Gaza kuwaaso ey duqeymo ku dileen diyaaradaha Isra’iil nuucyadooda kala duwan. Weeraradii ugu dambeeyey ee dhinaca cirka ah eyna fuliyeen ciidamadda Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay C/fataax AL-zureyci kana tirsanaay Xukuumadda Gaza ahaayne Wasiirka Dhaqaalaha,weerarkaan ayaa ka dhacay Diiral Balax wxaaane lala beegsaday guri ey ku wada sugnaayeen Wasiirka C/fataax iyo Aabihiis, dilka ayaana dhacay maalintii Axada ee ina soo dhaafatay,sidoo kale weerar dhinaca cirka ah eyna qaadeen diyaaradaha Israa’iil ayaa waxaa maanta oo Talaada ah lagu dilay Maxamed AL-Maxaasinah kaaso Israa’iil ku sheegtay inuu Xamaas u qaabilsanaay Tahriibinta Hubka soo galo Marinka Gaza balse Xamaas ayaan iyagu ka hadlin dilka maanta loo gaystay Maxamed AL-Maxaasin.

ISHA/WAKAALAD.

Previous
Previous

HOGAAMIYE YAXYE SINWAAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA…

Next
Next

ISRAA’IIL DIYAARAD KU DISHAY WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA.