DHIBAATADA DAGAALKA MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.

GAZA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee soo bilawday taariikhdu markey ahayd 7/10/2023-kii ayaa hadda waxa uu galay maalintiisii 381-aad,waxaane dagaalkaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 42,718-Qofood una badan Dumar iyo Caruur, waxaane ku dhaawacmay dad dhan 100,282-Qofood, waxaane lagu la’ayahay dad gaaraayo ilaa 11-kun Qofood,hantida ku burburtay dagaalka Gaza ayaa lagu qiyaasay iney dhan tahay ilaa rubac Milyan guri. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Marinka Gaza ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa ey shaaca ka qaadayin in in ka badan 250-kun guri ey ku burbureen dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii. Bayaan ey soo saartay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Marinka Gaza ayey ku sheegtay in in ka badan 250-kun guri si buuxda loo burburiyey amaba qeyb ahaan taaso ka dhigtay kuwa aan la degi karin. Waxa kaloo ey cadeysay Wasaaradda in in ka badan 80% ey burbursan yihiin wadooyinka Marinka Gaza una baahan yihiin dayactir balaaran oo deg deg ah. Intaas waxaa dheer, inta badan mishinada culculus iyo qalabka Wasaaradda ayaa la bartilmaameedsaday kuwaaso hadda aan shaqeyneyn. Tan iyo bilawgii dagaalka, Israa’iil waxa ey waday siyaasad ey ku burburineyso guryaha iyo kaabayasha Marinka Gaza taaso qeyb ka ah ciqaab wadareedka Israa’iil,iyadoo aaney jirin wax caqabad ah oo caalami ah oo meesha ka jirta.

ISHA-MEMO.

Previous
Previous

XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..

Next
Next

RW-NETANYAHU OO LA WEERARAY GURIGIISA.