QOORQOOR OO GAARAY QALAANQALLE.
(SAWIRKA)- GOGOL LA DHIGAY QALAANQALLE.
(QALAANQALLE)-Madxweynaha Dawladda Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye(QOORQOOR) ayaa gaaray degaan ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaaso maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 55-Qof una dhexeeyey laba beelood oo walaala ah. Madaxweyne QoorQoor oo halkaasi ka furay Gogol Nabadeed ayaa la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee dagaalamay, QoorQoor ayaana kala hadlay sidey Muhiim u tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo Nabad waarta oo dhexmarta labada dhinac ee daglaamay. Bilawgii Gogosha ayaa la isla qaatay Qodobadda kala ah: (1)-In Xabad joojin la isla qaatay lana dhaqangeliyo iyo sidoo kale in lala shaqeeyo Ciidamadda Amaanka. (2)-In la kala qaado Maleeshiyaadka is horfadhiya. (3)-In dhinacyadu u soo diyaar garoobaan Gogol Nabadeed oo la dhigay magaaladda Caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.
ISHA/SNTV.
KUWAIT: 49-DHIMASHO,30-DHAAWAC DEB KA KACAY DHISMO EY…
(SAWIRKA)-DEB KA KACAY DHISMO EY DEGANAAYEEN SHAQAALE AJAANIB AH,
(KUWAIT)-Ugu yaraan 49-Qof ayaa ku geeriyootay dalka Kuweyt maanta oo Arbaca ah ka dib markii dab ka kacay dhismo ey deganaayeen shaqaale Ajaanib ah iyadoo Reysal Wasaare ku Xigeenka Kuweyt uu ku Eedeyey dhiba dhacay Milkiilayaasha Guryaha waxa uu ku sheegay iney gaysteen Xadgudubyo gacan ka gaysta shilkaan oo kale. Weli lama sheegin dalalka ey u kala dhasheen dadka dhintay,Safiirka dalka Hindiya u fadhiya dalka Kuweyt ayaa booqday Isbitaaladda lagu daaweynaayo shaqaalihii ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah Isbitaaladda ayaa la dhigay in ka badan 30-Mawaadin oo Hindi ah,Safaaradda dalka Hindiya ayaa baraha bulshad ku qortay in ugu yaraan 47 shaqaale oo Hindi ah lagu daaweynaayo Isbitaaladda. Reyasla Wasaare Ku-xigeenka dalka Kuweyt Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud AL-Sabaax oo booqday Goobta ey wax ka dheceen ayaa yiri’Damaca Milkiileyaasha Hantida ma guurada ah leh ayaa keenay arrimahaan”,Ilaa hadda ma cadda wax ka dhacay dhismaha dabku ka kacay. Dabka ka kacay Mangaf oo ah magaalo ku taal Xeebta Koonfureed ee caasimadda Kuweyt ayaa lagu soo wargeliyey maamulka maxaliga ah lixdii Subaxnimo,Sareey Guuto.Ciid Rashiid Xamad ayaa u sheegay Telefishanka dawladda Kuweyt. Dhinaca kale, Wargaysyadda dalka Hindiya oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dhimashadda dadka Hindida ah ey gaartay ilaa 40-Qof,halka dhaawaca uu dhan yahay ilaa 30-Qof oo Hindi ah,shaqaalaha deganaay dhismaha dabku qabsaday ayaa tiradooda guud lagu sheegay iney dhammeed ilaa 160-shaqaale kuligoodne ahaay Ajaanib dhismaha loo kireeyey. LA SOCO WIXI KA SO KORDHO.
ISHA/SBM.
XAMAAS OO OGOLAATAY SOO JEEDINTA MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL REER ISRA’IIL AH.
(WASHINGTON)-Xamaas ayaa diiday soo jeedinta Isra’iil ee ku saabsan la haystayaasha iyo Xabad-joojinta,sidaas waxaa Wargayska AXIOS u sheegay laba sarkaal oo reer Isra’iil ah. Madaxweyne Biden ayaa faahfaahinta soo jeedinta ku sheegay khudbad uu jeediyey laba todobaad ka hor. Wixii markaas ka dambeeyey,Aqalka Cad wuxuu abaabulay cadaadis caalami ah oo Xamaas lagu saaraayo iney aqbalaan Heshiiska. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas,Osama Xamdaan ayaa TV-ga AL-Mayadeen Talaadada maanta ah in jawaabta rasmiga ah ee Xamaas ey ka mid tahay faalooyin dhawr oo ku saabsan soo jeedinta Isra’iil. Saraakiisha Isra’iil ma eysan sheegin dhinacyadda soo jeedinta ey ku andacoonayaan in Xamaas ey diiday. Ugu dambeyntii,dalalka Qadar iyo Masar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah Talaadada maanta ah,waxa eyna bayaankooda ku xaqiijiyeen iney jawaab ka heleen kooxda Xamaas iyo kooxaha kale ee reer Falastiin oo ku saabsan soo jeedinta Isra’iil. Dalalka Qadar iyo Masar ayaa bayaankooda ku sheegay iney sii wedi doonaan dadaaladda dhexdhexaadinta ah ey ku kula jiraan Maraykanka si heeshiis loo gaaaro. “Dhexdhexaadiyeyaashu waxa daraasadeyn doonaan jawaabta Xamaas waxayna isku dubaridi doonaan dhiancyada ey khuseyso talaabooyinkaan xiga”,ayaa lagu yiri bayaanka. Afhayeenka Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in dalka Maraykanka uu sidoo kale helay jawaabta Xamaas eyna qiimeynayaan.
ISHA/AXIOS.
ISRA’IIL OO SII DAYSAY ILAA 50-MAXBUUS OO FALASTIIN AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAACA ISRA’IIL.
(GAZA)-Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa sii daayey tobanaan qofood oo Maxaabiis reer Falastiin ah maanta oo Talaada ah,sida laga soo xigtay ilo maxalli ah. “Ku dhawaad 50-Maxbuus oo reer Falastiin ah kana kala yimid magaalooyinka Gaza iyo Waqooyiga Gaza ayaa la sii daayey”,waxaa sidaas wakaaladaha wararka caalamiga ah u sheegay dad reer Falastiin ah. Wararka ayaa sheegaayo in 33-Qofood oo reer Gaza ah kana mid ah Maxaabiista maanta la sii daayey loo qaaday Isbitaalka Kamaal Cadwaan ee ku yaalo Waqooyiga magaaladda Gaza si halkaas loogu daaweeyo,waayo waxa ey ku jireen xaalad caafimaad oo aad u adag,qaar ka mid ah Maxaabiista la sii daayey ayaa jirkooda waxa ka muuqday calaamado Jirdil ah. Dagaalka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii ayaan la qiyaasi karin tirada dhabta ah ey Isra’iil Maxaabiis ahaan u haysato,waxaane la ogyahay kaliyah in ciidamadda Isra’iil iney dad fara bada oo reer Falastiin u taxaabeen xabsiyadooda,dhimashadda ayaa hadda marayso ilaa 37-kun qofood una badan Caruur iyo Dumar sida ey sheegtay Wasaaradda caafimaadka Gaza,waxaane dhaawac ah ilaa 85-kun qofood oo kale.
ISHA/SBM.
QM OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU SAASBSAN CARUURTA.
(SAWIRKA)-CARUURTA GAZA.
(NEW YORK)-Qaramadda Midoobe ayaa ku dartay ciidamadda Isra’iil ee hubaysan,kuwa Amaanka iyo kuwa qeybta ka ah xadgudubyadda Xun-Xun ee saameeya Caruurta waqtiga iska horimaadyadda Hubaysan,sidaas waxaa lagu sheegay Warbixinta Qramadda Midoobe. Warbixin aan weli la daabicin oo ka kooban xog la ururiyey sannadkii hore ee 2023-ka ayaa tiri”Sannadkii tegay ee 2023-ka rabshadaha ka dhanka ah Caruurta adduunka ee ku sugan goobaha ey ka jiraan iska horimaadyadda hubaysan waxay gaareen heerkii ugu darnaay,iyadoo ey kordheen 21% xadgudubyadda culus. Warbixinta ayaa xustay iney kordheen 35% dhacdooyinka horseeda dhimashadda iyo dhaawaca”. Qaramadda Midoobe waxay xaqiijisay 32,990-xadgud oo waa weyn kuwaaso 30,705 ka mid ah la gaystay sannadkii 2023-kii iyo 2,285 kalane ey horay u dhaceen balse la xaqiijiyey sannadkii tegay ee 2023-ka. Sida warbixinta lagu sheegay sannadkii 2023-kii waxaa la dilay Caruur gaareyso ilaa 5,301 waxaane la dhaawacay 6,348 kale,kooxaha hubaysan ayaa askareeyey Caruur dhan 8,655, waxaane gargaar bani’adadnimo loo diiday iney helaan Caruur dhan 5,205, waxaane Xabsiga loo taxaabay Caruur dhan 4,356 sababo la xiriira xiriirka ey la leeyihiin kooxaha Hubaysan,waxaane la afduubay Caruur dhan 4,356.
ISHA/AA.
WASIIR ISKA CASILAY XUKUUMADDA NETANYAHU.
(SAWIRKA)-BENNY GANTZ.
(TEL AVIV)-Benny Gantza oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Isra’iil ayaa khudbad uu jeediyey Axadda maanta ah kaga dhawaaqay in Xisbigiisa uu ka baxay Dawaladda deg dega ah ee la dhisay ka dib weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii. Isbahaysiga Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu oo weli haysto aqlabiyadda Baarlamaanka Isra’iil oo dhan 64-Cod,ma aha mid burburi doonto laakin waxay u badan tahay iney ka dhacdo xasilooni darro. Bixinta Gantz waxay u badan tahay iney uga sii dari doonto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Isra’iil iyadoo dagaalka Marinka Gaza uu sii socdo,lana haysto dad reer Isra’iil ah,isla markaasne ey socdaan wada hadaladii lagu gaari lahaay xabad joojin. Gantz oo xubin ka ahaay Golaha Wasiiradda dagaalka ee uu hogaamiyo Netanyahu oo shaqeynaayey muddo sideed bilood ah ayaa maamulka Biden iyo dawladdo kale oo reer Galbeed iyo Carab ah u arkaan in Gantz yahay nin dhexdhexaad ah,waxayna u badan tahay bixitaan Gantz iney kordhiso cadaadiska Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah ee Netanyahu.
ISHA/AXIOS.
DAWLADDA ISRA’IIL OO LAGA YAABO INEY BURBURTO.
(SAWIRKA)-GANTZ.
(TEL AVIV)-Wasiirka reer Isra’iil Benny Gantz ayaa la filaa inuu ku dhawaaqo khudbada uu Sabtida maanta ah ka jeedin doono in Xisbigiisa uu ka baxay dawladdii deg dega ahayd ee la soo dhisay ka dib weerarkii Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii,sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed oo ku dhaw Wasiir Gantz. Talaabada Gantz ma aha mid hoos u dhigayso isbahaysiga Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu kaaso weli haysta aqlabiyadda 64-xubnood ee Baarlamaanka. Laakin waxay u badan tahay iney khalkhal geliso dawladda,waxa eyna uga sii dari doontaa qalalaasaha siyaasadeed ee Isra’iil iyadoo dagaalka Marinka Gaza uu sii socdo iyo iyado oo la haystayaasha iyo wada hadaladda xabad joojinta ey socdaan. Gantz oo xubin ka ha Golaha Wasiiradda dagaalka ee Netanyahu ayaa maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed iyo Carab ah u arkaan mid dhexdhexaad ah. Bixitaankiisu waxay u badan tahay iney soo kordhiso cadaadis culus oo Netanyahu kaga yimaada dalka Maraykanka iyo dalalka caalamka.
ISHA.AXIOS.
CIIDAMADDA ISRA’IIL OO SOO FURTAY AFAR LA HAYSTE.
(SAWIRKA)-AFARTA MAXBUUS EE ISRAEL EE LAGA SOO FURTAY XAMAAS. (BIDIX)-”SHOLM,ANDREI,ALMONG IYO NOA”
(GAZA)-Afar la hayste oo Isra’iil ah oo ey haysteen Xamaas ayaa laga soo furtay subaxnimadii maanta oo Sabtida ah ka dib markii uu dhacay hawlgal Mileteri ey fuliyeen ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF),Shin Bet iyo qeybta Booliska Isra’iil ee la dagaalanta Argagixisada ayey Ciidamadda Difaac Isra’iil(IDF) ku sheegeen bayaan ey soo saareen.Hawlgalka Mileteri waxa uu dhacay iyadoo maamulka Biden uu riixaayo heshiis lagu xaqiijinaayo sii deynta la haystayaasha,horseedi doona xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,afarta la hayste ee la soo badbaadiyey ayaa kala ah”Noa Argamani,Almog Meir,Andrei Kozlov iyo Sholm Ziv”. Dhammaan afarta qofood ee la soo furtay maanta ayey Xamaas ka soo qafaashtay xaflad Muusik ah oo ka dheceysay NOVA bishii Oktoobar todobadeedii 2023-kii,IDF ayaa sheegtay in laga soo badbaadiyey laba goobood oo kala duwan oo ku yaalo Xeradda Qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza. Waxaa laga helay xaalad caafimaad oo wanaagsan ayey IDF sheegtay. Askeri ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan qeybta la dagaalanto waxa loo yaqaan Argagixisada ayaa lagu dhaawacay hawlgalkaasi,waxa uuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Marinka Gaza waxaa weli lagu haystaa dad reer Isra’iil ah oo garaayo ilaa 120-Qof, waxaane la xaqiijiyey iney geeriyoodeen 42-Qof oo ka mid ah dadkaasi.
ISHA/xios.
SII AKHRI.
ISRA’IIL OO WELI WEERAR KU AH MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(GAZA)-Ugu yaraan ilaa 36,731-Qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil kaaso soo bilawday bishii Oktoobar Todobadeedii sannadkii hore 2023-ka,sidaas waxaa laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza,Wsaaradda ayaa intaas raacisay in dadka ku dhaawacmay dagaalka ey gaarayanaa ilaa 83,530-Qof. Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa soo saartay tirakoob la xiriira weeraradda Isra’iil ey ku qaaday Gaza 24-saac ee la soo dhaafay wixii khasaara ah oo ka dhashay,Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-saac ee la soo dhaafay in Marinka Gaza lagu dilay dad garaayo ilaa 77-Qof halka lagu dhaawacay 221-Qof kale,waxaane jiro dad fara badan oo weli ku hoos jira dhismayaasha ku soo dumay,hayadaha samafalkane ey awoodi kari waayeen iney ka soo saaraan halkaas. Dhawrka bilood uu socday dagaaka Marinka Gaza ayaa waxaa burbur aad u balaaran uu soo gaaray dhul aad u baaxad weyn,waxaane jiro qaraar uu Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe uu ku dalbanaayo in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza balse Isra’iil ayaan dheg jalaq u siin oo weli waxa ey weerar ku tahay Marinka Gaza.
ISHA/SB-MEDIA.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.
(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku qaadeen shan weerar oo dhinaca cirka ah kuwaaso lala beegsaday Gobolka AL-Xudeydah ee dhaca Galbeedka dalka Yeman. “Weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa afar weerar oo ka mid waxaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee AL-Xudeydah”sidaas waxaa sheegay Tv-ga AL-Masiirah ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerar kale oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Doomo Kallumeysi oo ku sugnaay Dekedda AL-Salif isla xeebaha Gobolka AL-Xudeydah,ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maraykanka iyo Ingiriiska kuna saabsan weerarka ey sheegeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Weerarada dhinaca cirka ah ey qaadayaan isbahaysiga ey hogaaminayaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo bilawday ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey Markab Ganacsi ka afduubteen Badda Cas dhammaadkii sannadkii hore 2023-kii,Xuutiyiinta ayaa weli Markabkaas iyo shaqaalihii saarnaay afduub ugu haysto xeebaha dalka Yeman.
ISHA/AA.
IMAARATKA IYO FALASTIIN MAXAA KALA QABSADAY?
(SAWIRKA)-WASIRKA ARRIMAHA DIBADDA IMAARATKA IYO MAXAMUD CABAAS.
(RIYAD)-Kulan dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken iyo koox saraakiil Carbeed ah muddo bil ah ka hor ayaa xarka goostay ka dib ciyaar qeyl ah oo aan caadi ahayn oo dhexmartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta iyo la Taliyaha sare ee Madaxweynaha Falastiin,sida laga soo xigtay shan ilo wareed oo xog-ogaal u ah dhacdadaan. Xiisadda kululi waxa ey ka tarjumaysaa shakiga laga qabo maamulka Falastiiniyiinta ee dib u habeynta qorsheysan iyo khilaafyadda ka dhex jira hogaamiyeyaasha Carabta,kuwaas oo labaduba caqabad ku noqon kara dadaalka maamulka Biden ee lagu abuuraayo Istaraatiijiyad dagaalka Gaza ka dib. Kulanka dhacay 29-kii Abriil waxa uu ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Riyaad ee dalka Sacuudiga oo uu ka socday shirka Madasha dhaqaalaha Adduunka. Sida laga soo xigtaylaba ilo wareed,Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa hogaamiyaha Falastiin ugu yeeray”Cali Baaba iyo afartan Tuug”waxa uuna ku andacooday saraakiisha sarsare ee maamulka Falastiin”Wax faa’iido ah ma laha”sidaas darteed”in la isku bedelo midba midka kale waxay horseedi doontaa natiijo isku mid ah”.
ISHA/AXIOS.
DUKUMINTI DIGITAL AH OO LAGA DIYAARIYEY DAACISH.
(SAWIRKA)-CIRAAQ OO LAGA HELAY 18-XAWAALO WADAREED.
(HILTON-CANADA)-Kooxda Dembi Baarista ee Qaramadda Midoobe(UNITAD) ayaa Digital ka dhigtay 18-Milyan oo Bog oo Dukuminti ku saabsan kooxda Argagixisada Daacish lixdii sano ee la soo dhaafay. Lixdii sano ee la soo dhaafay iyadoo lala kaashanaayo masuuliyiinta dalka Ciraaq ee awooda u leh,kooxda Dembi Baarista ee Qaramadda Midoobe ee UNITAD waxay soo saareen 67-Xabaalo Wadareed,18-Milyan bog oo diiwanka waraaqaha la xiriiro ISIS oo Digital ah,waxayna ka soo saareen xog tiro badan oo ISIS Digital ah oo la qabtay. Aaladaha,”Ku simaha la taliyaha gaarka ah iyo Madaxa UNITAD Ana Peyro Liopis ayaa u sheegtay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe. Iyadoo Xusuusineyso in waajibaadka UNITAD uu dhammaan doono Sebtembar 17 ee sannadkan 2024-ka,Liopis ayaa sheegtay in dhammaan dhinacyadda ey sameynayeen iskaashi deg deg ah si ey u soo bandhigaan cadeymaha.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO CARQALADEYN KU HAYSA WADA HADAL…
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DAGAALKA EE ISRA’IIL.
(QUDS)-Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa go’aansaday iney dib u dhigaan u diridda wafdi wada xaajoodka uga qeyb geli lahaay kaaso lagu wadey inuu ka dhaco caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ilaa inta ey Isra’iil ka heleyso jawaabta Xarakadda Xamaas kuna saabsan soo jeedinta uu daba ka riixaayo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,sida ey sheegtay Warbaahinta dawaladda. “Golaha Wasiiradda dagaalku waxay go’aansadeen iney dib u dhigaan u diridda wafdi magaaladda Dooxa ilaa Xarakadda Xamaas ey ka jawaabto soo jeedinta Isra’iil ee uu shaaca ka qaaday Madaxweyne Biden”,maaamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa sidaas sheegay Fiidnimadii maanta oo Arbaca ah. Maamulka Isra’iil ma uusan sheegin goorta la gaaray go’aanka,in kastoo shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiiradda ee dagaalka ee Isra’iil uu ka dhacay Xafiiska Reysal Wasaaraha Benjamiin Netanyahu ee ku yaalo bariga Quds Talaaladii shalay si looga wada hadlo xiisadda u dhexeyso Isra’iil iyo Ururka Xizbullah.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO U CODEEYEY CUNAQABATEYN ICC-DA.
(SAWIRKA)-SENTAR CHIP ROY.
(WASHINGTON)-Aqalka ayaa Talaadada maanta ah meel mariyey sharci cunaqabteyn lagu saarayo Maxkamadda Caalmiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee dooneyso in la soo xirro saraakiil sare oo Israiil ah oo uu ku jiro Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka soo horjeedo cunaqabateynta,waxaane loo badinayaa in sharcigaan uu hakad ku jiro Aqalka Senate-ka,balse 42-ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee aqala Isra’iil ayaa jebiyey Xisbigoodii oo u codeeyey. Aqalka Cad ee Jamhuuriga ayaa markii hore muujiyey rabitaan ah iney la shaqeeyaan Dimuqaraadiyiinta si ey u sameeyaan sharciyo laba geesood ah,laakin wada hadaladaas ayaa dhacay ka dib markii Aqalka Cad uu ka soo horjeestay cunaqabateynta. Aqalka Cad iyo senitarada ayaa ka wada hadlay bedelka cunaqabateynta,Axios ayaa horay u sheegay. Sharciga uu soo bandhigay Jamhuuriga Chip Roy oo ey iska kaashadeen in ka badan 60-Jamhuuri ah ayaa gudbay 247/155,waa codeyntii dhacday.
ISHA/AXIOS.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYNAYO MAXKAMADDA ICC.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICC.
(WASHINGTON)-Aqalka Dimuqaraadiga ayaa isu arkay iyaga oo wajahaayo kala qeybsanaan caan ah todobaadkan iyaga oo u kala codeynaya in la cunaqabateyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) oo dalbatay waaran qabasho oo ka dhan ah saraakiil sare oo Isra’iil ah. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay mucaaradkiisa rasmiga ah ee sharciga GOP, laakin waxay u badan tahay iney codad ka helaan Xisbiga Dimuqaraadiyiinta Isra’iil. Golaha ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Talaada ah u codeeyo sharciga cunaqabateynta kaaso uu soo bandhigay Xildhibaanka Muxaafidka ah. Chip Roy ayaa sheegay iney iskaashadeen in ka badan 60 Aqalka Jamhuuriga ah. Sharcigu waxa uu cunaqabateyn doonaa kuwa ku lugta leh dacwadda Maxkamadda ICC-da ee dalka Maraykanka ama Mawaadiniinta u dhalatay Maraykanka xulafada aan xubnaha ka ahayn ICC-da sida Isra’iil. Aqalka Cad ayaa Isniintii shalay soo saaray bayaan uu ku sheegay in Madaxweyne Biden uu “si adag uga soo Horjeedo”sharcigaan.
ISHA/AXIOS.
AGAASIMAHA CIA IYO LA TALIYAHA BIDEN OO KU WAJ..
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA.
(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns iyo Brett McGurk oo ah la Taliyaha Sare ee Madaxweyne Joe Biden ee Bariga Dhexe ayaa u socdaalayo Bariga Dhexe si ey riixaan martigelinta Gaza iyo heshiis xabad joojin ah,sida laga soo xigtay Maraykanka,waxaa kalo arrintaa laga xaqiiqsaday laba ilo wareed oo si toos ah wax uga og. Safarku waa qeyb ka mid ah saxaafadda buuxa ee maamulka Biden si loo helo horumar laga gaaro heshiis,ilo wareeyadda ayaa sidaas yiri. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Isra’iil ey weeraro culus ka fulisay meelo u dhaw xeradda Qaxootiga AL-Bureej ee Marinka Gaza. Safarka saraakiisha Maraykanka ah ayaa daba socdo khudbadii MW-Biden ee Jimcihii la soo dhaafay ee uu ku soo bandhigay hindisaha Isra’iil ee heshiiska horssedayo in la si daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. La taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Talaadada maanta ah la kulmay Qoysaska la haystayaasha Maraykank ah ey Xamaas ku hayaan Marinka Gaza,sida laga soo xigtay laba ilo wareed oo aqoon u leh kulanka. Sullivan ayaa u sheegay xubnaha qoysaska in maamulka Biden uu adeegsanaayo dhammaan agabkiisa si uu ugu cadaadiyo Xamaas iney aqbasho heshiiska uu soo bandhigay Biden intii uu khudbadiisa ku jiray,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw.
ISHA/AXIOS.
ISRA’IIL OO SHAACISAY INEY DHINTEEN AFAR LA HAYSTE.
(SAWIRKA) BIDIX”CHAIM PRI,AMIRAM COOPER,YORAM METZGER IYO NADAV POPPLEWELL,OO AH RAGA DHINTA.
(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo dalka Isra’iil ayaa sheegaayo in Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ku dhawaaqeen maanta oo Isnaiin ah iney xaqiijiyeen dhimashadda afar Qof oo Isra’iiliyiin ah oo ey haysteen kooxda Xamaas,ka dib markii la Ururiyey natiijooyin cusub oo Sirdoon ah. Afhayeenka Ciidamadda Difaaca Isra’iil Adm.Daniel Hagari ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ciidamdu eysan si deg deg ah u xaqiijin karin xaaladaha dhimashadda dadka kala ah”Chaim Peri oo 79-jir ah,Amiram Cooper oo 84-jir ah,Yoram Metzger oo 80-jir ah iyo Nadav Popplewell oo 51-jir ah”,balse ey si buuxda u baari doonaan dhimashadooda. Afhayeen Daniel Hagari ayaa yiri”Waxaan qiyaasnay in afartaas qofood si wadajir ah loogu dilay aaga Khan Yoonis dhawr bilood ka hor,iyagoo ey gacanta ku hayaan kooxda Xamaas iyo xilli ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ka hawlgelayeen Khaan Yoonis”. Peri,Cooper,iyo Metzger ayey Xamaas ka soo qabatay Kibbutz Nir Oz todobadii Oktoobar halka Popplewell laga soo qabtay kibbutz Nirim. Xaaska Metzger Tami waa la afduubay waane la sii daayey isla todobaadkii ey socotay xabad joojinta,sidoo kale Popplewell Hooyadiis Channah Peri,Walaalkiis Roi Popplewell ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ee Nirim. Dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-ka ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad dhan 36-kun Qof oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar halka ey u dhaawacmeen dad gaarayo ilaa 82-kun Qof,waxaane intaas dheer in Marinka Gaza uu soo gaaray burbur aad u weyn oo dhinac kasta ah taaso u baahan doonto waqti dheer si dib loogu soo dhiso.
ISHA/WAKAALADO.
DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SUURIYA.
(SAWIR)-KA.MAGAALADDA XALAB.
(ISTANBUL)-La taliye mileteri oo u dhashay dalka Iraan ayaa lagu dilay Waqooyiga dalka Suuriya duqeyn u muuqato iney fulisay Isra’iil,sida ey sheegtay Warbaahinta Gudaha Suuriya maanta oo Isniin ah. Sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee dalka Iraan,duqeynta ayaa ka dhacday goobaha Mileteri ee magaaladda Xalab waxaane ku dhintay la taliyihii Mileteriga oo ka tirsan ilaaladda Kacaanka Iraan(IRGC),Warbaahinta gudaha ayaa sarkaalka lagu dilay duqeynta magaciisa ku sheegtay Saciid Abyar iyadoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin shaqada sarkaalka la dilay. Mar sii horeysay, Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya SANA ayaa sheegtay in duqeymo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen diyaaradaha Isra’iil ey ku dhinteen dad aan tiradooda la sheegin mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Isra’iil kuna saabsan weerarka la sheegay. Horaantii bishii Abriil ee sannadkan 2024-ka,weerar looga shakisan yahay Isra’iil ayaa sababay in todobo la taliye Mileteri oo iraaniyiin ah lagu dilay dhismo ey leedahay Qunsuliyadda dalka Iraan ee magaaladda Dimishiq,saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Reza Zahedi oo ahaay la taliye sare oo ka tirsanaay Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC),arrintaan ayaa waxaa ka dhashay in dalka Iraan uu ka aargoosto Isra’iil 15-kii bishii Abriil-2024-ka kuna qaado weerar culus. Isra’iil ayaa si joogta waxa ey weerar ula beegsataa goobaha Mileteri ey Suuriya kaga sugan yihiin la taliyeyaasha Mileteri u dhashay dalka Iraan tan iyo markii uu dalka Suuriya ka bilawday kacdoonka shacabka sannadkii 2011-kii.
ISHA/AA.
DALKA IRAAN OO KU BAAQAY FADHI AAN CAADI AHAYN OO…
(SAWIR)-KA. URURKAISKAASHIGA ISLAAMKA.
(TEHRAN)-Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan, Cali Bakher Kani,ayaa maanta oo Axad ah ku celiyey baaaqiisii ku saabsan in shir ey isugu yimaadaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) si looga hadlo duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Waxa uu hadalkan ka jeediyey mar uu khadka telefoonka kula hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Pakistan Isxaaq Daar oo ey ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee dhulka Falastiin ee Go’odoonsan. Wasiir Cali Bakhir,ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay inuu ku wargeliyey dhigiisa Pakistaan in dalka Iraan uu soo jeediyey “Kulan aan Caadi ahayn” oo ey yeeshaan Ururka Iskaashiga Islaamkaee (OIC) si looga hadlo gumaadka Isra’iil ee ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee Marinka Gaza. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la qaaado tallaabooyin wax ku ool ah,halis ah oo wadareed si loo dhaqan geliyo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ),kaaso ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo duulaanka Isra’iil ey ka wado Koonfurta magaaladda Rafax.
ISHA/AA.
SII AKHRI.
SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHICI DOONO…
(SAWIR)-KA.FALASTIINIYIIN KU SOO LAABANAAYO GURYAHOODA DEGAANKA JABALIYAH.
(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sara u qaaday dadaaladda lagu xaqiijinaayo heshiis Xabad-joojin ah oo laga gaaro dagalaaka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta cusub ee dalka Maraykanka,ayuu yiri ilo Masaari ah maanta oo Sabti ah. Kanaalka Wararka ee Masar ee AL-Qaahira ayaa ka soo xigtay ilo wareedyo heer sare ah isagoo leh”Waxaa jira dadaallo xoogan oo Masar ey ku doonayaan iney dib ugu noqdaan wada xaajoodka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta Maraykanka ee dhawaan”. “Kulan seddex geesood ah oo dhexmaray Masar,Maraykanka iyo Isra’iil ayaa lagu wadaa inuu berri oo Axad ah ka dhaco magaaladda Caasimadda ah ee Qaahira si ey uga wada hadlaan dib u furista Marinka Rafax ee Masar,iyadoo markaas lagu adkeysanaayo in Isra’iil ey si buuxda uga baxdo Aaga”ayuu yiri isha. “Masar waxay dib u xaqiijisay dhammaan dhinacyadda in Masar ku adkaysan doonto Mawqifkeedi ahaa in aan la furin Marinka Rafax ilaa inta Isra’iil ey sii haysato gacan ku haynta Falastiin”ayuu ku nuuxnuuxsaday qof ku dhaw Masaaridda. Isra’iil ayaa xirtay Marinka Rafax muddo dhan 26-maalmood,taaso dhalisay cabsi laga qabo iney sii xumaato xaaladda bani’adanimo ee ka jirta dhulka Falastiin gaar ahaan Waqooyiga Minka Gaza oo laga soo sheegayo sahay la’aan. Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa Jimcihii shalay sheegay in Isra’iil hordhigtay Xamaas heshiis ka kooban seddex weji oo soo afjaraayo colaada Marinka Gaza ee go’odoonsan,lana sii deyn doono la haystayaasha lagu haysto dhulka xeebaha ah. Madaxweyne Biden ayaa ka codsaday Xamaas iney aqbasho heshiiska, wuxuuna ku booriyey Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu inuu joojiyo cadaadiska uu ku haayo xunaha isbahaysiga maamulkiisa ee ka soo horjeeda qorshihiisa.
ISHA/AA.