CIIDAMADDA ISRA’IIL OO SOO FURTAY AFAR LA HAYSTE.

(SAWIRKA)-AFARTA MAXBUUS EE ISRAEL EE LAGA SOO FURTAY XAMAAS. (BIDIX)-”SHOLM,ANDREI,ALMONG IYO NOA”

(GAZA)-Afar la hayste oo Isra’iil ah oo ey haysteen Xamaas ayaa laga soo furtay subaxnimadii maanta oo Sabtida ah ka dib markii uu dhacay hawlgal Mileteri ey fuliyeen ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF),Shin Bet iyo qeybta Booliska Isra’iil ee la dagaalanta Argagixisada ayey Ciidamadda Difaac Isra’iil(IDF) ku sheegeen bayaan ey soo saareen.Hawlgalka Mileteri waxa uu dhacay iyadoo maamulka Biden uu riixaayo heshiis lagu xaqiijinaayo sii deynta la haystayaasha,horseedi doona xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,afarta la hayste ee la soo badbaadiyey ayaa kala ah”Noa Argamani,Almog Meir,Andrei Kozlov iyo Sholm Ziv”. Dhammaan afarta qofood ee la soo furtay maanta ayey Xamaas ka soo qafaashtay xaflad Muusik ah oo ka dheceysay NOVA bishii Oktoobar todobadeedii 2023-kii,IDF ayaa sheegtay in laga soo badbaadiyey laba goobood oo kala duwan oo ku yaalo Xeradda Qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza. Waxaa laga helay xaalad caafimaad oo wanaagsan ayey IDF sheegtay. Askeri ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan qeybta la dagaalanto waxa loo yaqaan Argagixisada ayaa lagu dhaawacay hawlgalkaasi,waxa uuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Marinka Gaza waxaa weli lagu haystaa dad reer Isra’iil ah oo garaayo ilaa 120-Qof, waxaane la xaqiijiyey iney geeriyoodeen 42-Qof oo ka mid ah dadkaasi.

ISHA/xios.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DAWLADDA ISRA’IIL OO LAGA YAABO INEY BURBURTO.

Next
Next

ISRA’IIL OO WELI WEERAR KU AH MARINKA GAZA.