ISRA’IIL OO CARQALADEYN KU HAYSA WADA HADAL…
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DAGAALKA EE ISRA’IIL.
(QUDS)-Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa go’aansaday iney dib u dhigaan u diridda wafdi wada xaajoodka uga qeyb geli lahaay kaaso lagu wadey inuu ka dhaco caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ilaa inta ey Isra’iil ka heleyso jawaabta Xarakadda Xamaas kuna saabsan soo jeedinta uu daba ka riixaayo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,sida ey sheegtay Warbaahinta dawaladda. “Golaha Wasiiradda dagaalku waxay go’aansadeen iney dib u dhigaan u diridda wafdi magaaladda Dooxa ilaa Xarakadda Xamaas ey ka jawaabto soo jeedinta Isra’iil ee uu shaaca ka qaaday Madaxweyne Biden”,maaamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa sidaas sheegay Fiidnimadii maanta oo Arbaca ah. Maamulka Isra’iil ma uusan sheegin goorta la gaaray go’aanka,in kastoo shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiiradda ee dagaalka ee Isra’iil uu ka dhacay Xafiiska Reysal Wasaaraha Benjamiin Netanyahu ee ku yaalo bariga Quds Talaaladii shalay si looga wada hadlo xiisadda u dhexeyso Isra’iil iyo Ururka Xizbullah.
ISHA/AA.