SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHICI DOONO…
(SAWIR)-KA.FALASTIINIYIIN KU SOO LAABANAAYO GURYAHOODA DEGAANKA JABALIYAH.
(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sara u qaaday dadaaladda lagu xaqiijinaayo heshiis Xabad-joojin ah oo laga gaaro dagalaaka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta cusub ee dalka Maraykanka,ayuu yiri ilo Masaari ah maanta oo Sabti ah. Kanaalka Wararka ee Masar ee AL-Qaahira ayaa ka soo xigtay ilo wareedyo heer sare ah isagoo leh”Waxaa jira dadaallo xoogan oo Masar ey ku doonayaan iney dib ugu noqdaan wada xaajoodka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta Maraykanka ee dhawaan”. “Kulan seddex geesood ah oo dhexmaray Masar,Maraykanka iyo Isra’iil ayaa lagu wadaa inuu berri oo Axad ah ka dhaco magaaladda Caasimadda ah ee Qaahira si ey uga wada hadlaan dib u furista Marinka Rafax ee Masar,iyadoo markaas lagu adkeysanaayo in Isra’iil ey si buuxda uga baxdo Aaga”ayuu yiri isha. “Masar waxay dib u xaqiijisay dhammaan dhinacyadda in Masar ku adkaysan doonto Mawqifkeedi ahaa in aan la furin Marinka Rafax ilaa inta Isra’iil ey sii haysato gacan ku haynta Falastiin”ayuu ku nuuxnuuxsaday qof ku dhaw Masaaridda. Isra’iil ayaa xirtay Marinka Rafax muddo dhan 26-maalmood,taaso dhalisay cabsi laga qabo iney sii xumaato xaaladda bani’adanimo ee ka jirta dhulka Falastiin gaar ahaan Waqooyiga Minka Gaza oo laga soo sheegayo sahay la’aan. Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa Jimcihii shalay sheegay in Isra’iil hordhigtay Xamaas heshiis ka kooban seddex weji oo soo afjaraayo colaada Marinka Gaza ee go’odoonsan,lana sii deyn doono la haystayaasha lagu haysto dhulka xeebaha ah. Madaxweyne Biden ayaa ka codsaday Xamaas iney aqbasho heshiiska, wuxuuna ku booriyey Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu inuu joojiyo cadaadiska uu ku haayo xunaha isbahaysiga maamulkiisa ee ka soo horjeeda qorshihiisa.
ISHA/AA.