DALKA IRAAN OO KU BAAQAY FADHI AAN CAADI AHAYN OO…

(SAWIR)-KA. URURKAISKAASHIGA ISLAAMKA.

(TEHRAN)-Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan, Cali Bakher Kani,ayaa maanta oo Axad ah ku celiyey baaaqiisii ku saabsan in shir ey isugu yimaadaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) si looga hadlo duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Waxa uu hadalkan ka jeediyey mar uu khadka telefoonka kula hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Pakistan Isxaaq Daar oo ey ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee dhulka Falastiin ee Go’odoonsan. Wasiir Cali Bakhir,ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay inuu ku wargeliyey dhigiisa Pakistaan in dalka Iraan uu soo jeediyey “Kulan aan Caadi ahayn” oo ey yeeshaan Ururka Iskaashiga Islaamkaee (OIC) si looga hadlo gumaadka Isra’iil ee ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee Marinka Gaza. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la qaaado tallaabooyin wax ku ool ah,halis ah oo wadareed si loo dhaqan geliyo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ),kaaso ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo duulaanka Isra’iil ey ka wado Koonfurta magaaladda Rafax.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SUURIYA.

Next
Next

SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHICI DOONO…