DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SUURIYA.
(SAWIR)-KA.MAGAALADDA XALAB.
(ISTANBUL)-La taliye mileteri oo u dhashay dalka Iraan ayaa lagu dilay Waqooyiga dalka Suuriya duqeyn u muuqato iney fulisay Isra’iil,sida ey sheegtay Warbaahinta Gudaha Suuriya maanta oo Isniin ah. Sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee dalka Iraan,duqeynta ayaa ka dhacday goobaha Mileteri ee magaaladda Xalab waxaane ku dhintay la taliyihii Mileteriga oo ka tirsan ilaaladda Kacaanka Iraan(IRGC),Warbaahinta gudaha ayaa sarkaalka lagu dilay duqeynta magaciisa ku sheegtay Saciid Abyar iyadoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin shaqada sarkaalka la dilay. Mar sii horeysay, Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya SANA ayaa sheegtay in duqeymo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen diyaaradaha Isra’iil ey ku dhinteen dad aan tiradooda la sheegin mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Isra’iil kuna saabsan weerarka la sheegay. Horaantii bishii Abriil ee sannadkan 2024-ka,weerar looga shakisan yahay Isra’iil ayaa sababay in todobo la taliye Mileteri oo iraaniyiin ah lagu dilay dhismo ey leedahay Qunsuliyadda dalka Iraan ee magaaladda Dimishiq,saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Reza Zahedi oo ahaay la taliye sare oo ka tirsanaay Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC),arrintaan ayaa waxaa ka dhashay in dalka Iraan uu ka aargoosto Isra’iil 15-kii bishii Abriil-2024-ka kuna qaado weerar culus. Isra’iil ayaa si joogta waxa ey weerar ula beegsataa goobaha Mileteri ey Suuriya kaga sugan yihiin la taliyeyaasha Mileteri u dhashay dalka Iraan tan iyo markii uu dalka Suuriya ka bilawday kacdoonka shacabka sannadkii 2011-kii.
ISHA/AA.