ISRA’IIL OO SHAACISAY INEY DHINTEEN AFAR LA HAYSTE.

(SAWIRKA) BIDIX”CHAIM PRI,AMIRAM COOPER,YORAM METZGER IYO NADAV POPPLEWELL,OO AH RAGA DHINTA.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo dalka Isra’iil ayaa sheegaayo in Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ku dhawaaqeen maanta oo Isnaiin ah iney xaqiijiyeen dhimashadda afar Qof oo Isra’iiliyiin ah oo ey haysteen kooxda Xamaas,ka dib markii la Ururiyey natiijooyin cusub oo Sirdoon ah. Afhayeenka Ciidamadda Difaaca Isra’iil Adm.Daniel Hagari ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ciidamdu eysan si deg deg ah u xaqiijin karin xaaladaha dhimashadda dadka kala ah”Chaim Peri oo 79-jir ah,Amiram Cooper oo 84-jir ah,Yoram Metzger oo 80-jir ah iyo Nadav Popplewell oo 51-jir ah”,balse ey si buuxda u baari doonaan dhimashadooda. Afhayeen Daniel Hagari ayaa yiri”Waxaan qiyaasnay in afartaas qofood si wadajir ah loogu dilay aaga Khan Yoonis dhawr bilood ka hor,iyagoo ey gacanta ku hayaan kooxda Xamaas iyo xilli ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ka hawlgelayeen Khaan Yoonis”. Peri,Cooper,iyo Metzger ayey Xamaas ka soo qabatay Kibbutz Nir Oz todobadii Oktoobar halka Popplewell laga soo qabtay kibbutz Nirim. Xaaska Metzger Tami waa la afduubay waane la sii daayey isla todobaadkii ey socotay xabad joojinta,sidoo kale Popplewell Hooyadiis Channah Peri,Walaalkiis Roi Popplewell ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ee Nirim. Dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-ka ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad dhan 36-kun Qof oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar halka ey u dhaawacmeen dad gaarayo ilaa 82-kun Qof,waxaane intaas dheer in Marinka Gaza uu soo gaaray burbur aad u weyn oo dhinac kasta ah taaso u baahan doonto waqti dheer si dib loogu soo dhiso.

ISHA/WAKAALADO.

Previous
Previous

AGAASIMAHA CIA IYO LA TALIYAHA BIDEN OO KU WAJ..

Next
Next

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SUURIYA.