IRAAN OO QIRTAY IN LAGA DILAY LA TALIYE SARE.
(SAIRKA)-XAAJI HASHIM.
(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan (IRGC) ey ku dhaawaqeen in la Taliye Sare laguna magacaabo Kioumars Pour Hashemi uu ku shahiiday dalka Suriya. Sareeya Guuto Kioumars Pour Hashemi oo loo yaqaan Xaaji Hashim ayaa ku shahiiday Xalab gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ahayd,Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ayaa bayaan ey ka soo saartay ku sheegtay Khamiista maanta ah. La taliyaha ciidamadda Iraan ayaa naftiisa ku waayey weerar ey Argagixisada Sahyuuniyadda ku qaaday agagaarka magaaladda Xalab,ayaa lagu daray warka. Tan iyo markii ey Sahyuuniyadda ku guul dareysatay iney gaaraan ujoodooyinkooda dagaalada ka dhanka ah Marinka Gaza iyo Lubnaan ayaa lagu xusay bayaanka,isagoo intaas ku daray in talisku uu bilaabay inuu ka garab dagaalo dawladda Suriya,warku wuxuu intaas ku darayaa in dib loo soo sheegi doono aaska la Taliyaha Geeriyooday.
ISHA-IRNA.
144-TAHRIIBE OO LAGU QABTAY DALKA YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAASHA AFRIKA.
(SHABWA’A)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabwa’a ee Koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaayo in Laamaha Amaanka ee Gobolkaas ey u suurtgashay iney gacanta ku soo dhigaan 144-Qofood oo Tahriibayaal ah oo ka yimid dalalka Geeska Afrika,sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Sharciga ah. War Saxaafadeedka ayaa lagu micneeyey in Booliska Gobolka Shabwa’a ey u suurtagashay iney qabtaan Tahriibayaal Afrikaan ah,ka dib markii ey si sharci darra ah ku galeen dalka Yeman,iyagoo doontii siday ey ku dejisay Xeebaha magaaladda Kiddah ee degmada Raduum. Baaritaano ey sameeyeen Hayadaha Amniga ee Gobolka Shabwa’a ayaa lagu ogaaday in doonida waday tahriibayaasha ey wadeen 4-Badmaaxiin oo dhalasha ahaan ka soo jeedo dalka Soomaaliya. Hawlgalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu jiro qaabkii dadaaladda Amni ee xoogan oo ey sameynayaan Masuuliyiinta awooda u leh ee Gobolka Shabwa’a si ey uga hortagaan ifafaalaha socdaalka sharci daradda ah ee Xeebaha Yeman. Horaantii todobaadkii hore ayey ahayd markii ciidamadda Booliska degmada Radumey sameeyeen hawlgal kan la mid ah kaaso lagu soo qabtay 318-Qofood oo Tahriibayaal ah kuwaaso haysta dhalashada wadamadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Sida laga soo xigtya Booliska degmada Radum,muhaajiriinta ayaa ku kala yimid laba doomood oo Tahriib ah kuna socday Xeebaha Kiddah. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadkaasi soo galootiga ah ey tira ahaan ahaayeen ilaa 215-Qofood eyna haystaan dhalashada dalka Itoobiya,halka inta soo hartay oo dhan 103-Qofood oo Muhaajiriin ah ey haystaan dhalshadda dalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Xeebaha Gobolka Shabwa’a gaar ahaan Xeebta magaaladda Kiddah ey ka mid tahay meelaha muhiimka ah oo ey kuwa wax Tahriibiyo u soo daabulaan dadka sharci daradda ah ey soo gelinayaan Yeman iyo wadamadda kale ee deriska la ah Yeman,taaso caqabado Amni iyo mid bani’adanimo ku ah maamulka dalka Yeman ka jira. Laamaha Amaanka ee Gobolka Shabwa’a ayaa sii wada dadaaladda ey ku baacsanayaan shabakadaha wax Tahriibiya iyo soo qabashada dadka sida sharci darada ah ku soo dhex dhuunta iyadoo ey taasi dheer tahay isku xirka Hayadaha ey khuseyso si wax looga qabto xaaladaha bani’adanimo ee Tahriibayaasha iyo in si nabad ah ey dalalkoodii ugu laabtaan.
ISHA-SB-MEDIA.
MUCAARADKA SURIYA OO GUULO KA SHEEGTAY DAGAAL EY LA..
(SAWIRKA)-DAGAALKA SURIYA.
(SYRIA)-Mucaaradka dalka Suriya ayaa bilawday Arbacada maanta ah hawlgal cusub oo ka dhan ah Ciidamadda Dawladda Suriya,waxaane lagu soo waramayaa iney qabsadeen dhawr tuulo iyadoo Ciidamadda Dawladda Suriya iyo kuwa Ruushka ey duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen Waqooyi-Galbeed ee dalka Suriya halkaaso Mucaaradka ey gacanta ku hayaan. Telefishan cusub ee Carabta Suriya TV ayaa sheegay in Mucaaradka ey hawlgalkooda ugu magac dareen “Joojinta Gardarada”hadafkooda dagaalka ayaa ah in la balaariyo aagaga dagaalka dalka Suriya halkaaso dadka barakacayaasha ey dib ugu soo laaban karaan si “Sharaf iyo Amaan” ah. Xoogaga Mucaaradka ayaa sheegay iney la wareegeen tuulooyin dhawr ah oo ku yaalo Galbeedka Gobolka Xalab oo ey ku jiraan Sheekh Caaqil,Jamciyat AL-Maari iyo Bala’a ka dib markii uu dhacay iska horimaad xoogan una dhexeyey Ciidamadda Dawladda Suriya iyo kuwa Mucaaradka,waxay kaloo sheegteen Mucaaradku iney qabsadeen saldhiga istaraatiiji ah ee 46-aad ee aagaas,sida lagu sheegay bogga Twitter-ka ee taabacsan Mucaaradka dalka Suriya.
ISHA-NA.
MARAYKANKA OO XAL U HELAY XAALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-MW-BIDEN.
(BEIRUT)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqay in Isra’iil iyo Ururka Xizbullahi ey ku heshiiyeen Xabad-Joojin uu Maraykanka Garwadeen ka yahay oo laga sameeyo Lubnaan. Marka laga soo tago kor u kaca dagaalka Gobolka Bariga Dhexe,Xiisadaha sii kordhaayo iyo weeraradda isdaba jooga ah ee dhacay sannadkii hore-2023-kii ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qofood,waxaane ku barakacay in ka badan hal milyan. Sida ku cad heshiiska oo lagu wado inuu dhaqan galo Arbacada beri ah saacaddu markeey tahay 4-ta Aroornimo ee waqtiga Maxaliga ah,dagaalka ka socdo xadka Isra’iil iyo Lubnaan waa la soo afjari doonaa,Madaxweyne Biden ayaa sheegay in xabad joojinta loo qorsheeyey iney mid joogta ah uuna istaago dagaalka. Madaxweyne Biden ayaa sheegay Maraykanka iyo hawlgalayaasha ey ku jiraan Faransiiska “ey hubin doonaan in heshiiskan si buuxda loo hirgeliyey”.
ISHA-NBC.
DALKA IMAARAATKA OO SOO QABTAY KUWII DILAY…
(SAWIRKA)-TZIVI KOGAN.
(DUBAI-UAE)-Wararka laga helaayo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in maanta oo Axad ah ey dawladda Imaaraatka Carabta ku dhawaaqday in la soo xiray dadkii ka dambeeyey dilkii Tzivi Kogan oo ah nin fidinaayey Diinta Yahuuda una dhashay dalka Maldova balse heysta dhalashadda Isra’iil,ninkaan ayaa la waayey isagoo u socda inuu kormeero Dukaamadda Kosher ee lagu iibiyo cuntada Xalaasha ah ey iibsadaan Yahuuda joogto dalka Imaaraatka Carabta. War Qoraal ah oo lagu soo daabacay Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraatka ey gacanta soo ku dhigtay dembiileyaashii geystay dilka mawaadinkii u dhashay dalka Maldov iyagoo aan xusin dhalashada Isra’iil ee uu haysto Tzivi Kogan.
ISHA-AH.
LUBNAAN IYO ISRA’IIL OO LAGU WADO INEY GAAR…
(SAWIRKA)-BEYRUUT OO GUBANEYSA.
(WASHINGTON)-Barak Ravid oo ah wariye u shaqeeya Websaydka laga leeyahay dalka Maraykanka ee AXIOS ayaa sheegay maanta oo Axad ah in sarkaal Maraykan ah uu ku wargeliyey in heshiis Xabad-Joojin ah una dhexeeyo Isra’iil iyo Lubnaan uu soo dhawaaday. Barak Ravid waxa uu hadalkiisa ku daray isagoo isticmaalaaya Bartiisa (x) ee loo yaqiin Twitter-ka in sarkaal ku wargeliyey in weli ey jirto shaqo la qabanaayo isagoo tixraacaayo in la gaaray heshiis Xabad Joojin ah. Todobaadyadii la soo dhaafay Ergayga gaarka ah ee Maraykanka Amos Hockstein,wuxuu xoojiyey wada hadaladda uu la yeelanaayo masuuliyiinta Isra’iil iyo Lubnaan si loo gaaro heshiis Xabad-Joojin ah.
ISHA-AL-H
RW-DABEIBA OO KA HADLAY BOOLISKA ANSHAXA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Reysal Wasaaraha dalka Liibiya C/xamiid AL-Dabeiba ayaa difaacay go’aanka lagu dhisayo Waaxda Anshaxa Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo sheegay in eysan “saameyneyn Xuriyadda Shaqsiga ah laakin ey ujeedau tahay in lala dagaalamo kuwa Anshaxa iyo Akhlaaqda bulshada kharibaayo”. Reysal Wasaare AL-Dabeiba waxa uu ku sheegay khudbadiisa uu ka jeediyey madasha dhallinyarada Liibiya ee Misraata,”Ma noqoneyno Gole dadka farta wanaaga oo reeba xumaanta,amaba dadka garaaca,maadaama aaney taasi ku wanaagsaneyn Liibiyaanka oo ah kuwa diinta ugu dhaqma sida ey tahay”. Reysal Wasaare AL-Debaiba,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Dhammaan ardaydaan gabdhaha ah ee wax ka barata dugsiyadda Liibiya waa ey xijaaban yihiin,taasine kuma imaan xoog, balse waxay sabab u tahay in hooyooyinku ey guryahooda ku soo barbaariyaan”,isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ey lagama maarmaan u tahay in lala dagaalamo kuwa ku dhaqma Sixirka iyo xumaanta,sida uu hadalka u dhigay”.
ISHA-ALH.
NIN ISRA’IILI AH OO LAGU LA’AYAHAY ABU DHABI.
(SAWIRKA)-RABBI ZVI KOGAN.
(ABU DHABI)- Wararka aan ka heleyno magaaladda Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ee Midoobay ayaa sheegaayo in Rabbi Zvi Kogan oo ah ergayga Abu Dhabi u jooga Chabad oo ah Urur Yahuud ah lugna ku leh Waxbarashada iyo Diinta Yahuuda ayaa la la’ayahay tan iyo Khamiistii inaga tagtay, waxaane la sheegay in laamaha amaanka Isra’iil ey ka cabsi qabaan in la afduubay ama la dilay,arrinkaan ayaa maanta oo Sabti ah soo shaac baxday. Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil ayaa soo saaray bayaan uu ku xaiijinaayo waayitaanka Kogan wuxuuna sheegay in masuuliyiinta ey dhacdadaan ula dhaqmaan sidii fal argagixiso oo looga shakisan yahay. Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa intaas raaciyey in Hayadda Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil ee loo yaqaano MOSSAD ey bilawday baaritaan balaaran oo ku saabsan dhacdadaan oo ey garab taagan yihiin masuuliyiinta Imaaraatka. Sidoo kale,Golaha Amniga Isra’iil ayaa soo saaray digniin ku saabsan in muddo ey ku taliyeen inaan dalka Imaaraatka Carabta loogu safrin arrimo aan muhiim ahayn. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Imaaraatka ayaa lagu sheegay in Abu Dhabi ey fulineyso talaabooyinka balaaran oo ey ku baadi goobeyayaan “Rabbi Kogan”iyadoo aan la sheegin dhalshadiisa Isra’iil ah.
ISHA-TI.
DAGAALKA MARINKA GAZA OO GALAY….
(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.
(GAZA)-Ugu yaraan 120-Qofood oo kale oo reer Falastiin ah ayaa lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza 48-saac ee la soo dhaafay,taaso tirada guud ee dhimashada tan iyo sannadkii hore 2023-kii ka dhigeyso 44,176-Qofood, Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah. War ka soo baxay Wasaaradda ayaa intaas ku daray in ilaa 104,473 kale ey ku dhaawacmeen weerarada socdo. “Ciidamadda Isra’iil waxay dileen 120-qof, 205-kalane wey ku dhaawacmeen todobo xasuuq oo loo gaystay qoysas reer Falastiin ah 48-saac ee la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiirka. “Dad badan ayaa weli ku hoos jira burburka iyo wadooyinka iyadoo samafalayaashu ey awoodi waayeen iney gaaraan”. Ciidamadda Isra’iil ayaa sii wada dagaalka xasuuqa ah ee ey ku hayaan Marinka Gaza tan iyo markii ey Xamaas weerartay sannadkii hore,in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu qaraar ka soo saaray xaba joojin deg deg ah. Aqoonsiga caalamiga ah ee xasuuqa Gaza ayaa kordhay sannadkii labaad ee dagaalka dhimashada badan ee Isra’iil, iyadoo Ururada iyo hogaamiyeyaasha ey dhacdooyinkaan ku tilmaameen isku day ula kac ah oo lagu baabi’inaayo dadka. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee ICC ayaa ku dhawaaqday tallaabo taariikhi ah Khamiistii iney soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirka hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyey dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah Bani’adanimada ee Gaza. Isra’iil ayaa wajahayso kiis xasuuq ah oo ka socdo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee dagaalka dhimashada badan ee Marinka Gaza.
ISHA-AA.
LUBNAAN OO LOO QORSHEYNAAYO INEY KA DHACD…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAACA ISRA’IIL.
(BEIRUT)-Maanta oo Jimca ah,Wargayska Maraykanka ka soo baxa ee NEW YORK TIMES ayaa soo xigtay masuuliyiin heer Gobol ah iyo Maraykan ah oo aqoon u leh dadaaladda Diblomaasiyadeed ee lagu doonaayo in lagu gaaro heshiis Xabad-Joojin ah oo ka dhaca Lubnaan,isagoo sheegay in qodobadda heshiiska ey ka bilaan iney qaab u sameeyaan. Masuuliyiintaan oo Waraysi siiyey Waragayska ayaa ka digay iney lama huraan tahay in laga shaqeeyo tafaasiisha muhiimka ah ee ku saabsan fulinta,isla markaane laga yaabo in kala aragti duwanaanshiyaha sii socota iney caqabad ku noqoto heshiis kasta halka qaarkoodne ey tilmaameen iney jiraan sababo rajo gelin ah,xataa haddii ey taasi ka digtoonaadaan. Saraakiisha qaar ayaa sheegay in heshiiska la soo jeediyey uu ku baaqo xabad-joojin 60-maalmood ah,mudadaas oo ey ciidamadda Isra’iil ka baxayaan koonfurta Lubnaan,dagaalyahanada Xizbullahne ey u baxayaan Waqooyiga Wabiga Litani,kaaso qiyaas ahaan barbar socda xadka Lubnaan iyo Isra’iil,inta lagu jiro mudadaas,ciidanla Lubnaan iyo ciidamadda Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobe(UNIFIL) waxay xoojin doonaan hawlgalkooda aaga xadka,iyo hab cusub oo dhaqangelin ah oo uu hogaaminaayo Maraykanka waxay xaqiijin doontaa in Xizbullahi iyo Isra’iil ey ku sii sugnaadaan meel ka baxasn aaga.
ISHA-AN.
CIRAAQ OO KA HADASHAY WEERARADA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-RW-AL-SUDANI.
(BAQDAD)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed AL-Sudani ayaa sheegay in dagaalka Isra’iil ey ku dooneyso iney ku balaariso colaada Gobolka “ey ka dhigan tahay isha ugu muhiimsan ee khatarta ah ee khatar gelineysa amaanka iyo xasiloonida dalka Ciraaq”. Al-Sudani waxa uu intaas ku daray mar uu khamiista booqasho ku tegay Xarunta Ciidamadda Xuduudaha ee Baqdaad in Golaha Wasiiradda soo gudbiyeen shuruudaha ilaalinta iyo sugidda xuduudaha,gaar ahaan marka loo eego xaaladaha qalafsan ee amaanka Gobolka iyo saameynta colaada Gobolka. Afhayeenka dawladda Ciraaq Baasim AL-Cawaadi ayaa dhankiisa sheegay in Reysal Wasaare AL-Sudani uu i deg deg ah u qaaday talaabo heer caalamia ah iyo mid gudaha ah “si loo helo is barbar dhig siyaasadeed oo qaran oo ka fogaanayo Ciraaq iney noqoto goob dagaal ama Xisbi.
ISHA-AH.
XILDHIBAAN SHEEGAY IN XIZBULLAHI UU JABAY….
(SAWIRKA)-XILDHIBAAN NADIIN JAMAAL.
(BEIRUT)-Xildhibaan Nadiim Jamiil oo ka tirsan Baarlamaanka Lubnaan,waxa uuna xubin ka yahay Xisbiga Phalange ayaa sheegay in khilaafka dhabta ah uusan hadda u dhexeynin Lubnaan iyo Isra’iil balse dagaalka ayaa ah mid u dhxeeyo Isra’iil, Xizbullahi iyo Iraan. Marka la eego horumar la’aanta wada xaajoodka ee uu hogaaminaayo Ergayga Maraykanka ah Amos Hochstein,Jamaal wuxuu sharaxay hadallo uu siiyey TV-ga AL-Hurra in “Qofkii bilaabay dagaalka Lubnaan waa Xizbullahi oo ka dhan ah Isra’iil iyo cid kasta oo ka soo horjeeda. Dagaalka waa kan loo baahan yahay in xal loo helo,Lubnaan xal looma heli karo,waana tan Reysal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,oo u gorgortamaya magaca Xizbullahi,waane inuu soo celiyaa qof kasta.
ISHA-AL-H.
CARABTA-YAHUUDA AH OO KA HORTIMID GO’AANKA…
(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA ISRA’IIL.
(TEL AVIV)-Kooxda Bidixda Isra’iil ee Peace Now iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Isra’iil ee Carabta ah Axmed Tibi ayaa si adag u cambaareeyey Jimcaha maanta ah go’aanka Wasiirka Difaaca Isra’iil Katz uu ku hakiyey amaradda xariga ah ee maamulka kana dhanka ah dadka Isra’iiliyiinta ah ee sida sharci darada ah loo soo gejiyey isagoo ku tilmaamay”Taageeradda Aragagixisada Yuhuuda”. Kooxda Peace Now oo la socota kana soo horjeedo dhaqdhaqaaqyada dejinta Isra’iiliyiinta eed dhulalka la haysto,ayaa ku sheegay qoraal uu so dhigay bartiisa(x) “Baabi’inta Amarada Xabsiga maamulka ee dadka la soo dejiyey ooo kaliyah waa talaabocaqli gal ah oo taxadar la’aan ah oo iska cad eyna caadi ka dhigtay kor u kaca Argagixisada Yuhuuda ee hoos yimaado daboolka dagaalka”.
ISHA-AA.
SIDEE LOOGA FALCELIYEY WAARANKII MAXKAMADDA ICC?
(SWIRKA)-BANAANBAX.
(LONDON)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey soo saartay Amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Isra’iil Yoav Gallant, hadaba arrintaan ayaa waxaa ka falceliyey dalal fara badan oo adduunka ah,wadamada qaarkood ayaa sheegay iney Ixtiraami doonaan go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ee ICC halka qaar kale xulafana la ah dalka Maraykanka ey go’aankaasi iska diideen. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC ayaa khamiista maanta ah soo saartay AMAR lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant, labadaan masuul ee reer Isra’iil ayaa lagu eedeeyey dembiyo dagaal oo ka dhacay Marinka Gaza. Talaabadaan ayaa la filaayey muddo bilo ah ka dib markii dacwad Oogaha Guud ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC Kariim Khan uu sheegay bishii Meey-2024-ka inuu waaran u doonan doono saraakiisha Isra’iil.
ISHA-NA.
AUSTRALIA OO FIISO U DIIDAY WASIIRAD ISRA’IIL AH, SABAB?
(SAWIRKA)-AYELET SHAKID.
(AUSTRALIA)-Dalka Australia ayaa diiday inuu siiyo Wasiir hore oo reer Isra’iil ah Ayelet Shakid Fiisaha ey ku geleyso dalka Australia si ey uga qeybgasho shir, sababta loogu diiday Fiisaha Wasiiradda hore ayaa lagu sheegay iney suurtaga tahay iney “Hurineyso Colaad”, sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil maanta oo Khamiis ah. Wasiirad Shakid ayaa soo noqotay Wasiiradda Cadaaladda Isra’iil inta u dhexeysay 2015-kii ilaa 2019-kii, halka ey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ey Wasiir ka soo noqotay inta u dhexeysay sannadadii 2021 ilaa 2022-dii,Wasiiradaan ayaa si cad diiday dhismaha Dawalad ey iska leeyihiin dadka reer Falastiin,waxayna kicineysaa dadka reer Falastiin. Wargayska ka soo baxa dalka Isra’iil ee MAARIV ayaa khamiista maanta ah yiri”Wasiiradii hore ahne xubin ka tirsan Baarlamaanka Ayelet Shakid ayaa laga mamnuucay iney gasho dalka Australia”.
ISHA-QUDUS.
DUQA MAGAALADDA DEARBORN OO SHEEGAY INUU…
(SAWIRKA)-DUQA MAGAALADDA DEARBORN EE G/MICHIGAN USA.
(DEARBORN)-Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah sheegay iney asal ahaan diidan yihiin amarkii lagu soo xiraayey ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee ka dhanka ah Reysal Wasaaraha Isra’iil iyo Wasiirkii hore ee Difaaca laakinse duqa magaaladda ey ku nool Carabta ugu badan dalka Maraykanka ee Dearborn ee Gobolka Michigan oo ahaa nin si cad dhaleeceeyey taageeradda Maraykanka siiyo Isra’iil bilihii la soo dhaafay ayaa sheegay inuu ku biiri doono inta badan dalalka Aqoonsaday awooda Maxkamadda oo uu fulin doono waaranka qabashada Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Gallant haddii la siiyo fursad. Duqa Magaaladda Dearborn ee Gobolka Michigan Cabdullah Xamuud ayaa bartiisa (x) ku sheegay “Madaxweyneheyna waxaa laga yaabaa inuusan talaabo qaadin,laakinse hogaamiyeyaasha magaaladda waxa ey hubin karaan in Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo dembiileyaasha kale ee dagaalka aan lagu soo dhaweyn iney si xor ah ugu safraan dalka Maraykanka”.
ISHA-AL-QUDUS.
MARAYKANKA OO WACAD KU MARAY INUU BURBURIN DOONO XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-XOGHAYAHA G/DHIGA MARAYKANKA.
(PENTAGON)-Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa Arbacada maanta ah sheegay in Mileteriga Maraykanka ey kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yeman, sababto ah weerarada joogtada ah ee ey ku hayaan Marinadda Maraakiibta ee Badda Cas. “Waxaad nagu arki doontaa meel aan ku sii kordheyno isticmaalka dhammaan walxaha noo diyaar ah awoodeyda qaran si aad runtii u bilawdo inaad tan hoos u dhigto,dib u garaac”Austin wuxuu ka yiri dadaalka Maraykanka ee lagu dhimaayo awooda Xuutiyiinta iyo awooda ey u leeyihiin iney fuliyaan weerarada. Washington waxay si muuqata u kordhisay mudada weeraradeeda ka hortaga ah ee ey ku hayso kooxda ey Iraan taageerto bishii hore,oo ey ku jiraan bambooyinka B-2 oo laga keenay Maraykanka hal hawlgal.
ISHA-AR.
WEERAR LAGU QAADAY MAGAALADDA TUDMAR.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA QADIIMKA AH EE TUDMAR.
(SYRIA)-Kooxda la socota arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Suuriya ayaa xaqiijisay in dhimashada ey gaartay ilaa 61-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Isra’iil ey ku qaaday Magaaladda Tudmar ee Suuriya maanta oo Arbaca ah. Kormeerka ayaa u sheegay Telefishanka AL-Carabiya iyo AL-Xadath in ku dhawaad 110-Qofood ey ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymaha Isra’iil ee magaaladda Tudmar,iyadoo ku micneysay in duqeymahaasi lala beegsaday seddex goobood. Wuxuu xaqiijiyey in afar Xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullahi iyo 22-Qof oo aan u dhalan dalka Suuriya lagu dilay duulaanka ka dhacay magaaladda Tudmar intaas isagoo ku daray in dadka tirada ee lagu dilay weerarka Isra’iil ey ku qaadeen Tudmar ey ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa AL-Nujaba’a ee Ciraaq,ciidamadda Isra’iil ayaan wax hadal ah ka soo saarin dhacdadaan. Waxaa xusid mudan in Isara’iil ey xoojisay beegsiga ey ku hayso goobaha Suuriya,si ey uga hortagto Iraan iyo xulafadeeda in ey balaariyaan awoodooda ciidan ee dalkaasi. Sida laga soo xigtay Kooxda Xuquuqul Insaanka Suuriya ciidamada Isra’iil ayaa wadar ahaan 152-weerar ka fuliyey Suuriya tan iyo bilawgii sannadkaan 2024-ka. Weerarada ka dhaca magaaladda Tudmar ayaa ah kuwa leh muhimad gaar ah maadaama magaalada Qadiimiga ah ey ku jirto liiska dhaxalka Adduunka ee UNESCO,waxaane ey ahayd meel loo dalxiis tago ka hor inta uusan qarxin dagaalka sokeeye ee dalka Suriya sannadkii 2011-kii. Waxaa xusid mudan in sannadkii 2015-kii ey magaaladda qabsadeen eyna burburiyeen kooxda DAACISH,ka hor inta aan Ururka Daacish laga saarin sannadkii-2017-kii.
ISHA-AL-CARABIYA.
URURKA XIZBULLAHI MA AQBALI DOONAA WAXA…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA URURKA XIZBULLAHI SHEEKH NACIIM QAASIM.
(BEIRUT)-Wararka imaanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Ururka Xizbullahi uu maanta oo Talaada ah uu ku dhawaaqay inuu dib u dhigay khudbadii uu jeedin lahaa Xoghayaha guud ee Ururka Xizbullahi Sheekh Naciim Qaasim waxa yar ka dib markii Ergayga Maraykanka Amos Hochstein oo ku sugan Beyruut uu xaqiijiyey iney jirto fursad dhab ah oo lagu soo afjari karo arrimaha socdo ee ah khilaafka u dhexeeyo Ururka Xizbullahi iyo Isra’iil, Ururka Xizbullahi ayaa sheegay in “Khudbada Xoghayaha Guud Sheekh Naciim Qaasim dib loo dhigay taariikh la go’aamin doono waqti dhaw”iyada oo aan la sharaxin sababta dib loogu dhigay. Tani waxa ey timid wax yar uun ka dib markii Hochstein uu ku dhawaaqay in wada hadal uu la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka Lubnaan Nabiih Berri kaaso Ururka Xizbullahi uu u xislaaray inuu ku xaajoodo magaciisa. Ergayga Maraykanka Hochstein khudbad uu jeediyey ka dib markii uu kulan la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka dalka Lubnaan Nabiih Berri halka loo yaqaano Ceynu Tiinah,waxa uun Hochstein yiri” Waxaan haysanaa fursad dhab ah oo aan ku soo afjarno khilaafka, waxaana rajeynaa inaan xal gaarno maalmaha soo socdo”. Hochstein ayaa xusay “Wada hadaladii Berri waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah,waxaana xaqiijineynaa iney inaga go’an tahay inaan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan ugala shaqeeyno Lubnaan iyo Isra’iil si loo dhammaystiro khilaafka,waxaane sii wedeynaa inaan buuxino dul duleeladda heshiika”. Hochstein ayaa la kulmay Afhayeenka Baarlamaanka Lubnaan muddo saacad iyo bar ah iyadoo uu goobjoog ka ahaa safiirka Maraykanka ee Lubnaan iyo la Taliyaha dhanka warbaahinta ee Afhayeenka Berri ninka lagu magacaabo Cali Xamdaan.
ISHA-AN.
SUUDAAN: CIIDMADDA DAWLADDA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)-CAASIMADDA SUUDAAN EE KHARTUM.
(SUDAN)-Ilo wareedyo Maxali ah oo ka imaanayo magaaladda Cadhbarah ee Gobolka Niil dalka Suudaan ayaa ku waramaayo in subaxnimadii maanta oo Isniin ah gentaaladda Lidka diyaaradaha ee ciidamdu ey ka jawaabeen shan diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn kuwaaso bartilmaameedsaday garoonka diyaadaha Cadhbarah iyo agagaarka Suuqa Weyn,wararka ayaa intaas raaciyey ineysan jirin wax khasaara ah oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas. Wararka ayaa sheegaayo in garoonka diyaaradaha ee Cadhbarah ey ka socdaan hawlo dayactir iyo balaarin ah oo ey ka mid yihiin dib u habeyn lagu sameynaayo dhabaha ey diyaaraduhu ku ordaan iyo sameynta goobo cusub oo ey ku nastaan dadka rakaabka ah si loogu diyaargaroobo duulimaadyadda gudaha iyo dibadda. Wararka ayaa sheegaayo in dadaaladaan ey ku yimaadeen qaab dhismeed lagu diyaarinaayo in magaaladda ey noqoto xarun kale oo ey ku yeelan karaan qaar ka mida Hayadaha Dawaladda Federaalka ah oo laga yaabo in lagu wareejiyo,halkii ey ka ahaan lahayd Port Sudan,magaaladda Cadhbarah ayaa qiyaastii 130-kiilomitir u jirta caasimadda Khartuum.
ISHA-AH.