DAGAALKA MARINKA GAZA OO GALAY….

(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.

(GAZA)-Ugu yaraan 120-Qofood oo kale oo reer Falastiin ah ayaa lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza 48-saac ee la soo dhaafay,taaso tirada guud ee dhimashada tan iyo sannadkii hore 2023-kii ka dhigeyso 44,176-Qofood, Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah. War ka soo baxay Wasaaradda ayaa intaas ku daray in ilaa 104,473 kale ey ku dhaawacmeen weerarada socdo. “Ciidamadda Isra’iil waxay dileen 120-qof, 205-kalane wey ku dhaawacmeen todobo xasuuq oo loo gaystay qoysas reer Falastiin ah 48-saac ee la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiirka. “Dad badan ayaa weli ku hoos jira burburka iyo wadooyinka iyadoo samafalayaashu ey awoodi waayeen iney gaaraan”. Ciidamadda Isra’iil ayaa sii wada dagaalka xasuuqa ah ee ey ku hayaan Marinka Gaza tan iyo markii ey Xamaas weerartay sannadkii hore,in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu qaraar ka soo saaray xaba joojin deg deg ah. Aqoonsiga caalamiga ah ee xasuuqa Gaza ayaa kordhay sannadkii labaad ee dagaalka dhimashada badan ee Isra’iil, iyadoo Ururada iyo hogaamiyeyaasha ey dhacdooyinkaan ku tilmaameen isku day ula kac ah oo lagu baabi’inaayo dadka. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee ICC ayaa ku dhawaaqday tallaabo taariikhi ah Khamiistii iney soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirka hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyey dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah Bani’adanimada ee Gaza. Isra’iil ayaa wajahayso kiis xasuuq ah oo ka socdo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ee dagaalka dhimashada badan ee Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

NIN ISRA’IILI AH OO LAGU LA’AYAHAY ABU DHABI.

Next
Next

LUBNAAN OO LOO QORSHEYNAAYO INEY KA DHACD…