NIN ISRA’IILI AH OO LAGU LA’AYAHAY ABU DHABI.
(SAWIRKA)-RABBI ZVI KOGAN.
(ABU DHABI)- Wararka aan ka heleyno magaaladda Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ee Midoobay ayaa sheegaayo in Rabbi Zvi Kogan oo ah ergayga Abu Dhabi u jooga Chabad oo ah Urur Yahuud ah lugna ku leh Waxbarashada iyo Diinta Yahuuda ayaa la la’ayahay tan iyo Khamiistii inaga tagtay, waxaane la sheegay in laamaha amaanka Isra’iil ey ka cabsi qabaan in la afduubay ama la dilay,arrinkaan ayaa maanta oo Sabti ah soo shaac baxday. Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil ayaa soo saaray bayaan uu ku xaiijinaayo waayitaanka Kogan wuxuuna sheegay in masuuliyiinta ey dhacdadaan ula dhaqmaan sidii fal argagixiso oo looga shakisan yahay. Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa intaas raaciyey in Hayadda Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil ee loo yaqaano MOSSAD ey bilawday baaritaan balaaran oo ku saabsan dhacdadaan oo ey garab taagan yihiin masuuliyiinta Imaaraatka. Sidoo kale,Golaha Amniga Isra’iil ayaa soo saaray digniin ku saabsan in muddo ey ku taliyeen inaan dalka Imaaraatka Carabta loogu safrin arrimo aan muhiim ahayn. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Imaaraatka ayaa lagu sheegay in Abu Dhabi ey fulineyso talaabooyinka balaaran oo ey ku baadi goobeyayaan “Rabbi Kogan”iyadoo aan la sheegin dhalshadiisa Isra’iil ah.
ISHA-TI.