RW-DABEIBA OO KA HADLAY BOOLISKA ANSHAXA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Reysal Wasaaraha dalka Liibiya C/xamiid AL-Dabeiba ayaa difaacay go’aanka lagu dhisayo Waaxda Anshaxa Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo sheegay in eysan “saameyneyn Xuriyadda Shaqsiga ah laakin ey ujeedau tahay in lala dagaalamo kuwa Anshaxa iyo Akhlaaqda bulshada kharibaayo”. Reysal Wasaare AL-Dabeiba waxa uu ku sheegay khudbadiisa uu ka jeediyey madasha dhallinyarada Liibiya ee Misraata,”Ma noqoneyno Gole dadka farta wanaaga oo reeba xumaanta,amaba dadka garaaca,maadaama aaney taasi ku wanaagsaneyn Liibiyaanka oo ah kuwa diinta ugu dhaqma sida ey tahay”. Reysal Wasaare AL-Debaiba,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Dhammaan ardaydaan gabdhaha ah ee wax ka barata dugsiyadda Liibiya waa ey xijaaban yihiin,taasine kuma imaan xoog, balse waxay sabab u tahay in hooyooyinku ey guryahooda ku soo barbaariyaan”,isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ey lagama maarmaan u tahay in lala dagaalamo kuwa ku dhaqma Sixirka iyo xumaanta,sida uu hadalka u dhigay”.
ISHA-ALH.