URURKA XIZBULLAHI MA AQBALI DOONAA WAXA…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA URURKA XIZBULLAHI SHEEKH NACIIM QAASIM.
(BEIRUT)-Wararka imaanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Ururka Xizbullahi uu maanta oo Talaada ah uu ku dhawaaqay inuu dib u dhigay khudbadii uu jeedin lahaa Xoghayaha guud ee Ururka Xizbullahi Sheekh Naciim Qaasim waxa yar ka dib markii Ergayga Maraykanka Amos Hochstein oo ku sugan Beyruut uu xaqiijiyey iney jirto fursad dhab ah oo lagu soo afjari karo arrimaha socdo ee ah khilaafka u dhexeeyo Ururka Xizbullahi iyo Isra’iil, Ururka Xizbullahi ayaa sheegay in “Khudbada Xoghayaha Guud Sheekh Naciim Qaasim dib loo dhigay taariikh la go’aamin doono waqti dhaw”iyada oo aan la sharaxin sababta dib loogu dhigay. Tani waxa ey timid wax yar uun ka dib markii Hochstein uu ku dhawaaqay in wada hadal uu la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka Lubnaan Nabiih Berri kaaso Ururka Xizbullahi uu u xislaaray inuu ku xaajoodo magaciisa. Ergayga Maraykanka Hochstein khudbad uu jeediyey ka dib markii uu kulan la yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka dalka Lubnaan Nabiih Berri halka loo yaqaano Ceynu Tiinah,waxa uun Hochstein yiri” Waxaan haysanaa fursad dhab ah oo aan ku soo afjarno khilaafka, waxaana rajeynaa inaan xal gaarno maalmaha soo socdo”. Hochstein ayaa xusay “Wada hadaladii Berri waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah,waxaana xaqiijineynaa iney inaga go’an tahay inaan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan ugala shaqeeyno Lubnaan iyo Isra’iil si loo dhammaystiro khilaafka,waxaane sii wedeynaa inaan buuxino dul duleeladda heshiika”. Hochstein ayaa la kulmay Afhayeenka Baarlamaanka Lubnaan muddo saacad iyo bar ah iyadoo uu goobjoog ka ahaa safiirka Maraykanka ee Lubnaan iyo la Taliyaha dhanka warbaahinta ee Afhayeenka Berri ninka lagu magacaabo Cali Xamdaan.
ISHA-AN.