WEERAR LAGU QAADAY MAGAALADDA TUDMAR.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA QADIIMKA AH EE TUDMAR.

(SYRIA)-Kooxda la socota arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Suuriya ayaa xaqiijisay in dhimashada ey gaartay ilaa 61-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Isra’iil ey ku qaaday Magaaladda Tudmar ee Suuriya maanta oo Arbaca ah. Kormeerka ayaa u sheegay Telefishanka AL-Carabiya iyo AL-Xadath in ku dhawaad 110-Qofood ey ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymaha Isra’iil ee magaaladda Tudmar,iyadoo ku micneysay in duqeymahaasi lala beegsaday seddex goobood. Wuxuu xaqiijiyey in afar Xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullahi iyo 22-Qof oo aan u dhalan dalka Suuriya lagu dilay duulaanka ka dhacay magaaladda Tudmar intaas isagoo ku daray in dadka tirada ee lagu dilay weerarka Isra’iil ey ku qaadeen Tudmar ey ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa AL-Nujaba’a ee Ciraaq,ciidamadda Isra’iil ayaan wax hadal ah ka soo saarin dhacdadaan. Waxaa xusid mudan in Isara’iil ey xoojisay beegsiga ey ku hayso goobaha Suuriya,si ey uga hortagto Iraan iyo xulafadeeda in ey balaariyaan awoodooda ciidan ee dalkaasi. Sida laga soo xigtay Kooxda Xuquuqul Insaanka Suuriya ciidamada Isra’iil ayaa wadar ahaan 152-weerar ka fuliyey Suuriya tan iyo bilawgii sannadkaan 2024-ka. Weerarada ka dhaca magaaladda Tudmar ayaa ah kuwa leh muhimad gaar ah maadaama magaalada Qadiimiga ah ey ku jirto liiska dhaxalka Adduunka ee UNESCO,waxaane ey ahayd meel loo dalxiis tago ka hor inta uusan qarxin dagaalka sokeeye ee dalka Suriya sannadkii 2011-kii. Waxaa xusid mudan in sannadkii 2015-kii ey magaaladda qabsadeen eyna burburiyeen kooxda DAACISH,ka hor inta aan Ururka Daacish laga saarin sannadkii-2017-kii.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO WACAD KU MARAY INUU BURBURIN DOONO XUUTIYIINTA.

Next
Next

URURKA XIZBULLAHI MA AQBALI DOONAA WAXA…